Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka (SoDMA), Mudane Maxamuud Macalin Cabdulle, ayaa kulan la yeeshay Wakiilka Hay’adda Polish Humanitarian Action (PAH), Marwo Eileen Wandera.
Kulanka waxaa diiradda lagu saaray xoojinta iskaashiga u dhexeeya SoDMA iyo PAH, si loo yareeyo khataraha masiibooyinka, loona xoojiyo adkeysiga bulshada Soomaaliyeed.
Labada dhinac ayaa isla qaatay muhiimadda ay leedahay sii ambaqaadidda wada shaqeynta ka dhaxeysa Hay’addaha SoDMA iyo PAH, iyagoo sidoo kale ka wada hadlay dardargelinta saxiixa Heshiiska Is-afgaradka (MoU), kaas oo saldhig u noqon doona iskaashi waara oo lagu horumarinayo dadaallada maareynta musiibooyinka iyo gurmadka bani’aadannimada ee Soomaaliya.











