Guddoomiyaha Maxkamadda Rafcaanka Gobolka Banaadir Garyaqaan; Abshir Cumar Cabdullaahi ayaa booqday Maxkamadaha Degmooyinka Xamar wayne iyo Shangaanni, isagoo u kuur galaya habsami u socodka howlaha Maxkamadaha Degmooyinka ay u hayaan Bulshada Soomaaliyeed ee u soo doonta howlo garsoor.
Guddoomoyaha ayaa mid-mid u booqday Xafiisyada ay ku shaqeeyaan Maxkamadaha iyo agabka ay ku howl galaan , wuxuuna war bixinno ka dhagaystay howl-wadeenadaka ka shaqeeya Maxkamadaha Degmooyinka Xamar wayne iyo Shangaanni.
Booqashada Guddoomiyaha Maxkamadda Rafcaanka Gobolka Banaadir ayaa looga gol leeyahay sare u qaadidda shaqada iyo dib u habaynta Maxkamadaha Degmooyinka Gobolka Banaadir, ayadoo la fulinaayo qorshayaaashii uu ballan qaaday Gudoomiyaha Maxkamadda sare ee Dalka.