Wednesday, September 16, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Guddoomiyaha SoDMA oo kulan mira dhal ah la yeeshay Isbahaysiga Hay’adaha aan Dawliga ahayn

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
1 year ago
in Wararka
0
Guddoomiyaha SoDMA oo kulan mira dhal ah la yeeshay Isbahaysiga Hay’adaha aan Dawliga ahayn
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Guddoomiyaha Hey’adda Maareynta Masiibooyinka Mudane Maxamuud Macalin Cabdulle ayaa kulan muhiim ah waxaa uu la yeeshay hoggaamiyeyaasha sare ee Isbahaysiga Hay’adaha aan Dawliga ahayn ee Soomaaliya (Somalia NGO Consortium).

Kulankan ayaa diiradda lagu saaray sidii loo xoojin lahaa iskaashiga u dhexeeya SODMA iyo hay’adaha NGO-yada, si loo mideeyo dadaallada gargaarka bani’aadamnimada ee ka socda guud ahaan dalka Soomaaliya,waxaana kulan kaan gundhig looga dhigay ilaa 3-qodob oo kala ah :

Related posts

Wasiirka Wasaaradda Tamarta iyo Khayraadka Biyaha Galmudug oo Degmada Xero Dhagaxley

Wasiirka Wasaaradda Tamarta iyo Khayraadka Biyaha Galmudug oo Degmada Xero Dhagaxley

September 15, 2026
Guddiga Arrimaha Bulshada Aqalka Sare oo Xog-wareysi la yeeshay Wasiirka Dhallinyarada

Guddiga Arrimaha Bulshada Aqalka Sare oo Xog-wareysi la yeeshay Wasiirka Dhallinyarada

September 15, 2026

1-Horumarinta Siyaasadda Musiibooyinka: Waxaa la isla gartay in la horumariyo Siyaasadda Maaraynta Musiibooyinka Qaranka, si loo xalliyo caqabadaha isku-duwidda gargaarka.

2-Xarunta Macluumaad: Waxaa la qorsheeyay in la abuuro xarun lagu ururiyo macluumaadka la xiriira hawlaha gargaarka, iyo in la sameeyo khariidad muujineysa meelaha ay ka hawlgalaan hay’adaha NGO-yada.

3-Kulamo Joogto ah: Waxaa la isku af-gartay in la qabto kulamo joogto ah oo heer sare ah oo dhex mara SODMA iyo hogaanada waddanka ee hay’adaha NGO-yada, si loo sii ambaqaado iskaashiga.

Gabagaba Kulanka, Gudoomiyaha Hey’adda Maareynta Masiibooyinka mudane Maxamuud Macalin Cabdulle ayaa Sheegay in kulankaan uu muhiim u yahay horumarinta Siyaasadda Musiibooyinka si loo yareeyo caqabadaha isku duwida gargaarka ee marar badan dhacda.

Kulankan wuxuu aasaas u yahay sidii loo heli lahaa jawaab celin gargaar oo ka waxtar badan, hufan, oo saameyn ku leh shacabka Soomaaliyeed.

Previous Post

AUN Fanaan Khadiijo Qalanjo oo ku geeriyootay Magaalada Hargeysa.

Next Post

Kulan lagu dhiirrigelinayo waxbarashada gabdhaha oo lagu qabtay Muqdisho

Next Post
Kulan lagu dhiirrigelinayo waxbarashada gabdhaha oo lagu qabtay Muqdisho

Kulan lagu dhiirrigelinayo waxbarashada gabdhaha oo lagu qabtay Muqdisho

Wasiirka Wasaaradda Tamarta iyo Khayraadka Biyaha Galmudug oo Degmada Xero Dhagaxley

Wasiirka Wasaaradda Tamarta iyo Khayraadka Biyaha Galmudug oo Degmada Xero Dhagaxley

September 15, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Tamarta iyo Khayraadka Biyaha Galmudug, Mudane Cabdullaahi Maxamed Daahir, ayaa gaaray Degmada Xero Dhagaxley, isagoo qeyb ka ah...

Guddiga Arrimaha Bulshada Aqalka Sare oo Xog-wareysi la yeeshay Wasiirka Dhallinyarada

Guddiga Arrimaha Bulshada Aqalka Sare oo Xog-wareysi la yeeshay Wasiirka Dhallinyarada

September 15, 2026
0

Guddiga Horumarinta Adeegga Bulshada, Arrimaha Bani’aadannimada, Warfaafinta iyo Dhaqanka ee Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa maanta xafiiskooda ugu...

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚 𝐨𝐨 𝐖𝐚𝐱𝐛𝐚𝐫𝐚𝐬𝐡𝐨 𝐮 𝐁𝐚𝐥𝐥𝐚𝐧𝐪𝐚𝐚𝐝𝐚𝐲 𝐀𝐫𝐝𝐚𝐲 𝐊𝐚𝐚𝐥𝐢𝐦𝐚𝐡𝐚 𝐇𝐨𝐫𝐞 𝐊𝐚 𝐆𝐚𝐬𝐡𝐚𝐲 𝐓𝐚𝐫𝐭𝐚𝐧 𝐐𝐮𝐫’𝐚𝐚𝐧 𝐨𝐨 𝐂𝐚𝐚𝐥𝐚𝐦𝐢 𝐚𝐡

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚 𝐨𝐨 𝐖𝐚𝐱𝐛𝐚𝐫𝐚𝐬𝐡𝐨 𝐮 𝐁𝐚𝐥𝐥𝐚𝐧𝐪𝐚𝐚𝐝𝐚𝐲 𝐀𝐫𝐝𝐚𝐲 𝐊𝐚𝐚𝐥𝐢𝐦𝐚𝐡𝐚 𝐇𝐨𝐫𝐞 𝐊𝐚 𝐆𝐚𝐬𝐡𝐚𝐲 𝐓𝐚𝐫𝐭𝐚𝐧 𝐐𝐮𝐫’𝐚𝐚𝐧 𝐨𝐨 𝐂𝐚𝐚𝐥𝐚𝐦𝐢 𝐚𝐡

September 15, 2026
0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre ayaa maanta Xafiiska ku qaabilay saddexda ardey ee kaalimaha hore ka...

Kormeerka Adeegyada Caafimaadka iyo Biyaha ee Wisil

Kormeerka Adeegyada Caafimaadka iyo Biyaha ee Wisil

September 15, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Tamarta iyo Kheyraadka Biyaha Galmudug Cabdullaahi Maxamed Daahir oo ay wehliyaan Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Caafimaadka Galmudug Daahir Faarax Fiidoow...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In