Saturday, October 4, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Guddoomiyaha SoDMA oo kulan miro-dhal ah la yeeshay madax ka tirsan Dowladda Ingiriiska

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
September 10, 2025
in Wararka
0
Guddoomiyaha SoDMA oo kulan miro-dhal ah la yeeshay madax ka tirsan Dowladda Ingiriiska
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Masiibooyinka Qaranka (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa xalay magaalada Muqdisho kulan casho-sharaf ah kula yeeshay Agaasimaha Barnaamijyada Horumarinta Dowladda Ingiriiska (FCDO), Mudane Chris Pycroft.

Kulankan ayaa diiradda lagu saaray sidii loo sii xoojin lahaa xiriirka iyo wada-shaqeynta ka dhaxaysa labada hay’adood, gaar ahaan dhanka gurmadka bini’aadannimo iyo mashaariicda horumarineed ee dalkeena.

Related posts

Qatar oo xooga saaraysaa muhiimada ay leedahay Caawinta Farsamo ee Joogtada ah ee lagu Caawinayo Xuquuqda Aadanaha Soomaaliya

Qatar oo xooga saaraysaa muhiimada ay leedahay Caawinta Farsamo ee Joogtada ah ee lagu Caawinayo Xuquuqda Aadanaha Soomaaliya

October 4, 2025
Hay’adda SoDMA oo qabatay kulanka dhameystirka Qorshaha Qaranka ee ka hortagga abaarta

Hay’adda SoDMA oo qabatay kulanka dhameystirka Qorshaha Qaranka ee ka hortagga abaarta

October 3, 2025

Labada dhinac waxay si qoto dheer uga wada hadleen xaaladda bini’aadannimo ee dalka, oo ay ka mid yihiin abaaraha daba-dheeraaday, colaadaha ka jira gobollo badan iyo barakaca gudaha, kuwaas oo si weyn u saameeyey dadka nugul. Waxa kale oo ay ka wada hadleen sidii loo xoojin lahaa iskaashiga, iyo sidii saaxiibada caalamka ay uga qeyb qaadan lahaayeen wax-ka-qabashada baahiyaha degdegga ah ee shacabka Soomaaliyeed.

Guddoomiyaha SoDMA, Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa uga mahadceliyey Dowladda Ingiriiska taageerada joogtada ah ee ay siiso shacabka Soomaaliyeed, gaar ahaan dhinaca gurmadka degdegga ah iyo dhisidda awoodda dowladda ee ka jawaabidda masiibooyinka. Wuxuu sidoo kale ku booriyey Dowladda Ingiriiska inay sii kordhiso kaalinteeda, si loo badbaadiyo nolosha dadka Soomaaleed ee u baahan gargaar-ka bini’aadannimo.

Ugu dambeyn, Mudane Chris Pycroft ayaa muujiyey sida ay uga go’an tahay in la sii xoojiyo iskaashiga, lana kordhiyo wada-shaqeynta SoDMA iyo hay’adaha kale ee dowladda Soomaaliya, si jawaabaha bini’aadannimo ay u noqdaan kuwo hufan, isla markaana horseeda xal waara oo wax ka qabta dhibaatooyinka dalka ka jira.

 

Previous Post

Madaxweynaha JFS oo kulan mira dhal ah la qaatay Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya

Next Post

Ku-simaha Madaxweynaha JFS oo Qaabilay Safiirka Qatar ee Soomaaliya

Next Post
Ku-simaha Madaxweynaha JFS oo Qaabilay Safiirka  Qatar ee Soomaaliya

Ku-simaha Madaxweynaha JFS oo Qaabilay Safiirka Qatar ee Soomaaliya

Qatar oo xooga saaraysaa muhiimada ay leedahay Caawinta Farsamo ee Joogtada ah ee lagu Caawinayo Xuquuqda Aadanaha Soomaaliya

Qatar oo xooga saaraysaa muhiimada ay leedahay Caawinta Farsamo ee Joogtada ah ee lagu Caawinayo Xuquuqda Aadanaha Soomaaliya

October 4, 2025
0

Dowladda Qatar ayaa shaaca ka qaaday muhiimadda ay leedahay in Soomaaliya laga taageero farsamo joogto ah loo baahan yahay si...

Hay’adda SoDMA oo qabatay kulanka dhameystirka Qorshaha Qaranka ee ka hortagga abaarta

Hay’adda SoDMA oo qabatay kulanka dhameystirka Qorshaha Qaranka ee ka hortagga abaarta

October 3, 2025
0

Hay’adda Maareynta Masiibooyinka Qaranka (SoDMA) ayaa magaalada Muqdisho ku qabatay kulanka Xaqiijinta iyo Dhameystirka Qorshaha Qaranka ee Tallaabooyinka Kahortagga Abaarta...

Afhayeenka Ciidanka Xoogga oo kulan dhiirigalin ah la qaatay ciiidamo ku sugan Mahadaay

Afhayeenka Ciidanka Xoogga oo kulan dhiirigalin ah la qaatay ciiidamo ku sugan Mahadaay

October 3, 2025
0

Afhayeenka Ciidanka ee Wasaaradda Gaashaandhigga Sheekh Abuukar Macalin ayaa Kulan baraarujin ah oo la xiriiray habsami u gudashada waaibaadka qaran...

C/Laahi Xayir” Dalxiiska haddii uu kordho waxaa kordhaya fursadaha shaqo ee ay heli karaan bulshada”

C/Laahi Xayir” Dalxiiska haddii uu kordho waxaa kordhaya fursadaha shaqo ee ay heli karaan bulshada”

October 3, 2025
0

Agaasimaha guud ee Wasaaradda Warfaafinta XFS Cabdullaahi Xayir Ducaale oo ka qeybgalay kulanka todobaadka warbaahinta qaranka ayaa ka warbixiyay kulan...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In