Guddoomiyaha Hay’adda Maaraynta Musiibooyinka Md. Mahamuud Moallim Abdulle oo uu wehliyo Guddoomiye kuxigeenkiisa Dr Axmed Cabdi Aadan ayaa xarunta dhexe ee Hay’adda ku soo dhaweeyey Hoggaamiyaha Maamulka KMG ee SSC-Khaatumo Md. Cabdiqaadir Axmed Aw-Cali (Firdhiye).
Hoggaamiyaha oo ay wehliyaan xubno ka tirsan Golaha wasiirrada maamulkiisa ayaa hoggaanka SoDMA la wadaagay warbixinnada bani’aadannimo ee ka jira degaannada maamulkaas iyaga oo u xusay sida dadka nugul wali ugu baahan yihiin garab istaag, halka ay ka mahad-celiyeen howlahii gargaar ee hay’addu ka qabatay gobolka Sool.
Ugu danbeeyn Guddoomiyaha hay’adda SoDMA ayaa booqashadooda kaga mahad-celiyay Hogaamiyaha Maamulka KMG ee SSC iyo wafdigiisa isagoo xusay in hay’addu sii laban-laabi doonto dadaallada bani’aadannimo ee ay ka waddo degaannada SSC-Khatumo.