Friday, November 7, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Guddoomiye Cumar Filish oo Dhagax dhigay goob cusub oo lagu xakameynayo Daadadka Roobka+Sawirro

Liibaan Lugcad by Liibaan Lugcad
5 years ago
in Wararka
0
Guddoomiye Cumar Filish oo Dhagax dhigay goob cusub oo lagu xakameynayo Daadadka Roobka+Sawirro
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Guddoomiyaha gobolka banaadir ahna duqa caasimadda muqdisho Mudane Cumar Maxamuud Maxamed (Cumar filish) ayaa maanta dhagax dhigay goob loogu Talagalay in laga dhigo Biya-qabad laguna maareyn doono biyaha roobka, taasi oo laga hirgalin doonaa wadada hormarta dugsiga tababarka General kaahiye iyo inta u dhaxeysa garoonka diyaaradaha Aadan Cabdulle Cusmaan,

Dhagax dhiga guddoomiyaha gobolka waxaa ku wehlinayay guddoomiye ku xigeenka howlaha guud Cumar Cali cabdi ,guddoomiye ku xigeenka arrimaha bulshada Marwo Basmo Caamir Jakeeti iyo guddoomiyaha Rugta ganacsiga Soomaaliyeed Cabdikariin Maxamuud Gabeyre.

Related posts

Turkiye oo soo dhoweysay qaadidda cunaqabateyntii saarneyd maamulka Suuriya

Turkiye oo soo dhoweysay qaadidda cunaqabateyntii saarneyd maamulka Suuriya

November 7, 2025
Soomaaliya iyo Sacuudiga oo isku afgartay dib u dhiska garoomada ciyaaraha ee dalka

Soomaaliya iyo Sacuudiga oo isku afgartay dib u dhiska garoomada ciyaaraha ee dalka

November 7, 2025

Mashruucaan biyo mareenka ayaa waxaa loo dhisayaa si casri ah iaydoo loo sameynayo tobooyin biyaha geynayay badda maadaama ay muddooyinka halkaasi ay noqotay goob biyo fariisin ah xilliyada roobka isla markaana ay tahay marin muhiim u ah bulshada degmada Xamar jajab iyo sidoo kale garoonka Aadan Cade ee Magaalada Muqdisho.

Guddoomiye ku xigeenka howlaha guud ee maamulka gobolka Banaadir Cumar Cali Cabdi ayaa sheegay in halkaan laga sameynayo maraag iyo ama biyo qabad taasi oo loo dhisayo mid biyaha u gudbineyso badda waxaana sidoo kale ganac ka geysanayo rugta Ganacsiga Soomaaliyeed.

“Dhawaan waxaan daah-furi doonaan barnaamijka isku tashi ee guud ahaan caasimada laga dhaqan galinayo sida dib-u-dhiska wadooyinka ,Waxbarashada iyo caafimaadka waana barnaamijka kaabaya waxyaabaha aas aasiga u ah bulshada Caasimada ayuu hadalkiisa ku daray guddoomiye (Cumar Filish).

Tags: Guddoomiye Cumar Filish oo Dhagax dhigay goob cusub oo lagu xakameynayo Daadadka Roobka+Sawirro
Previous Post

Sii Hayaha Ra’isulwasaaraha Dalka ,Oo Kulan Fogaan Arrag Ah Uga Qeyb-Galay Madasha Adeegsiga Afsoomaaliga +Sawirro

Next Post

Marwada Koowaad Ee Dalka Oo Magaalada Hobyo Ka Dhagax Dhigtay Xarun Caafimaad Oo Loogu Tala Galay Hooyada Iyo Dhallaanka

Next Post
Marwada Koowaad Ee Dalka Oo Magaalada Hobyo Ka Dhagax Dhigtay Xarun Caafimaad Oo Loogu Tala Galay Hooyada Iyo Dhallaanka

Marwada Koowaad Ee Dalka Oo Magaalada Hobyo Ka Dhagax Dhigtay Xarun Caafimaad Oo Loogu Tala Galay Hooyada Iyo Dhallaanka

Turkiye oo soo dhoweysay qaadidda cunaqabateyntii saarneyd maamulka Suuriya

Turkiye oo soo dhoweysay qaadidda cunaqabateyntii saarneyd maamulka Suuriya

November 7, 2025
0

Turkiye ayaa maanta oo Jimco ah soo dhaweysay go’aanka Golaha Amniga ee Qaramada Midoobay,kaas oo liiska cunaqabateynta looga saaray Madaxweynaha...

Soomaaliya iyo Sacuudiga oo isku afgartay dib u dhiska garoomada ciyaaraha ee dalka

Soomaaliya iyo Sacuudiga oo isku afgartay dib u dhiska garoomada ciyaaraha ee dalka

November 7, 2025
0

Wasiirka wasaaradda Dhallinyarada iyo Ciyaaraha XFS, Mudane Maxamed Cabdulqaadir Cali ayaa kulan muhiim ah la qaatay dhigiisa Mudane Amiir Cabdulcasiis...

Wasiirka Warfaafinta oo kulan la qaatay masuuliyiinta qeybaha kala duwan ee Wasaaradda.

Wasiirka Warfaafinta oo kulan la qaatay masuuliyiinta qeybaha kala duwan ee Wasaaradda.

November 6, 2025
0

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska, Mudane Daa’uud Aweys Jaamac ayaa kulan kula qaatay xafiiskiisa masuuliyiinta kala duwan ee qeybaha hoos...

Guddoomiyaha Dhallinyarada Qaranka oo ka qeyb-galaya shir muhiim ah oo ka socda Jabuuti.

Guddoomiyaha Dhallinyarada Qaranka oo ka qeyb-galaya shir muhiim ah oo ka socda Jabuuti.

November 6, 2025
0

Guddoomiyaha Golaha Dhallinyarada Qaranka Soomaaliyeed, Mudane Maxamed Cali Siyaad, ayaa ku sugan dalka Jabuuti, halkaas oo uu uga qeyb-galayo shir...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In