Guddoomiye Ku-xigeenka Labaad ee Golaha Wakiillada Dowlad Goboleedka Galmudug, Marwo Faadumo Cabdi Cali Faandhe, ayaa maanta booqasho ku tagtay xarunta Golaha Wakiillada ee Dowlad Goboleedka Waqooyi Bari Soomaaliya, iyadoo halkaan si weyn oo ugu soo dhoweeyey Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Waqooyi Bari Dr. Aadan Cabdullaahi Aw-Xasan.
Guddoomiye ku xigeenka labaad Golaha Wakiillada Waqooyi Bari Mudane Cabdulqaadir Jaamac Warsame ayaa goobjoog ahaa kulanka soo dhoweynta, waxayna labada guddoon ka wadahadleen shaqada socota iyo sidii iskaashi gaar ah loogu sameyn lahaa baarlamaanada labada maamul ee Galmudug iyo Waqooyi Bari.
Guddoomiye Faadumo Faandhe waxaa booqashadaan ku wehliyay Wasiirka Qorsheynta Galmudug iyo Xildhibaan Feysal oo ka tirsan Golaha Wakiillada Galmudug, wafdigaan Galmudug ee ku sugan Laascaanood ayaa ka qeyb galay munaasabadii caleema-saarka madaxda maamulka Waqooyi Bari Soomaaliya.










