Friday, August 28, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Guddoomiye Taabit oo caawa kumanaan dad ah kula hadlay Isgoyska Zoobe

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
9 years ago
in Wararka
0
Guddoomiye Taabit oo caawa kumanaan dad ah kula hadlay Isgoyska Zoobe
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Guddoomiyaha Gobolka Benaadir ahna duqa Muqdisho ayaa caawa dad weyne aad u fara babadan kula hadlay goob fagaaro ah oo ay isugu soo baxeen, kuwaasi oo qeyb ka ahaa dadkii isugu soo baxay tan iyo saaka dibad bax ka dhan ah maleeshiyaadka Al-Shabaab.

Kumanaan dad ah ayaa ka qeyb galay isu soo baxa caawa ka socday magaalada Muqdisho, taasi oo qeyb ka ah dibad baxyadii maanta ka dhacayay Muqdisho, waxana dadweynaha ay ku dhawaaqayeen hal ku dhigyo looga soo horjeedo argagixisada Al-Shabaab.

Related posts

Guddoomiyaha golaha shacabka oo la kulmay qaar ka mid ah culimada Soomaaliyeed

Guddoomiyaha golaha shacabka oo la kulmay qaar ka mid ah culimada Soomaaliyeed

August 28, 2026
Golaha wasiirada oo ansixiyey xubnin gudiga hirgalinta Dastuurka

Golaha wasiirada oo ansixiyey xubnin gudiga hirgalinta Dastuurka

August 27, 2026

Hal ku dhigyada waxaa ka mid ah “Al-shabaab dooni meyno, arxan laawe Umul dooxe doonimeyno iyo kuwa kale oo badan”

Guddoomiyaha Gobolka Benaadir ahna duqa Muqdisho Mudane Thaabit Cabdi Maxamed ayaa caawa dadkii isugu soo baxay dibad baxa u sheegay inay xoojiyaan midnimada ay maanta muujiyeen, isla markaana ay gacan ku siiyaan laamaha amniga sidii guud ahaan dalka looga ciribtiri lahaa Argagixisada Al-Shabaab.

“Maadaama aan joogno meel u dhaw booskii ay argagixisadu ku gumaadeen shacabkeena, waxaan idinka rabaa inaan si taxadar leh u tegno goobtii uu ka dhacay qaraxa, iyadoo aan jirin in la is buurto” ayuu yiri Guddoomiyaha Gobolka.

Guddoomiye Thaabit iyo kumaan dadkii ka qeyb qaadanayay banaan baxa oo ka yimid dhanka garoonka Kubadda Cagta ee Benaadir Stadium ayaa lug ku tegay isgoyska Zoobe km5 ee magaalada Muqdisho oo ah halkii ay ka dhacday musiibadii 14-kii bishan ay argagixisadu ka fuliyeen Muqdisho.

“Maato laaawe, Dooni meyno, Arxan laawey dooni meyno, argagixisad dooni meyno” ayay ku dhawaaqayeen dadweynihii dibad baxyada ka qeyb qaadanayay.

Dadka oo ay madaxa ugu xirnaayeen marooyin gaduudan ayaa watay boorar ay ku qornaayeen hal ku dhigyo ka dhan ah argagixisada Al-Shabaab.

 

 

Previous Post

DAAWA SAWIRRADA: Banaan bax ka dhan ah Al-Shabaab oo ka dhacay Buuhoodle

Next Post

Gudoomiyaha Degmada Heliwaa, “Dhallinyarooy xal aan ka gaarno Xabaalaha batay ” SAWIRRO

Next Post
Gudoomiyaha Degmada Heliwaa, “Dhallinyarooy xal aan ka gaarno Xabaalaha batay ” SAWIRRO

Gudoomiyaha Degmada Heliwaa, "Dhallinyarooy xal aan ka gaarno Xabaalaha batay " SAWIRRO

Guddoomiyaha golaha shacabka oo la kulmay qaar ka mid ah culimada Soomaaliyeed

Guddoomiyaha golaha shacabka oo la kulmay qaar ka mid ah culimada Soomaaliyeed

August 28, 2026
0

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac) ayaa xafiiskiisa kulan kula qaatay xubno ka...

Golaha wasiirada oo ansixiyey xubnin gudiga hirgalinta Dastuurka

Golaha wasiirada oo ansixiyey xubnin gudiga hirgalinta Dastuurka

August 27, 2026
0

Golaha Wasiirrada XFS ayaa kulankoodii maanta ku ansixiyey in Mudane Cabdulqaadir Cali Macallin Cabdullaahi uu noqdo xubin Guddiga Madaxa-bannaan ee...

Agaasimaha Laanta Afrika ee Xarunta Boqor Salmaan oo booqday Xarunta Daryeelka Agoonta ee Ummu Badr

Agaasimaha Laanta Afrika ee Xarunta Boqor Salmaan oo booqday Xarunta Daryeelka Agoonta ee Ummu Badr

August 27, 2026
0

Masuuliyiin ka mid ah Xarunta Boqor Salmaan ee Gargaarka iyo Hawlaha Bani’aadantinimada ayaa maanta booqasho kormeer ah ku tagtay Xarunta...

AFRICA’S FRONTLINE FIGHT AGAINST FGM NEEDS FUNDING

AFRICA’S FRONTLINE FIGHT AGAINST FGM NEEDS FUNDING

August 27, 2026
0

Africa already has proven frontline/survivor led models that are working to end Female Genital Mutilation (FGM). The urgent question is...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In