Tuesday, January 6, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Guddoomiyeyaasha Baarlamaannada Soomaaliya Iyo Uganda Oo Kampala Ku Kulmay “SAWIRRO”

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
11 years ago
in Wararka, Xulashada
0
Guddoomiyeyaasha Baarlamaannada Soomaaliya Iyo Uganda Oo Kampala Ku Kulmay “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Sheekh Cusmaan “Jawaari” ayaa kulan ku aadan xoojinta iskaashiga iyo wada shaqeynta Baarlamaannada Soomaaliya iyo Uganda la qaatay dhigiisa dalka Uganda.

Kulankan oo ka dhacay dhismaha aqalka Golaha Baarlamaanka dalka Uganda ayaa waxaa Guddoomiyeyaasha Baarlamaannada Soomaaliya iyo Uganda uga wada hadleen halka uu marayo xiriirka iyo iskaashiga labada Baarlamaan waxaana si gaar ah la isula eegay hirgelinta heshiiskii ay Kampala ku kala saxiixdeen labada Guddoomiye bishii August ee sanadkii 2013.

Related posts

Shirka Golaha Wasiirrada oo lagu meel mariyay sharciyo muhiim ah

Shirka Golaha Wasiirrada oo lagu meel mariyay sharciyo muhiim ah

January 5, 2026
Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo Golaha Wasiirrada uga warbixiyay Xaaladda Abaareed ee Dalka

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo Golaha Wasiirrada uga warbixiyay Xaaladda Abaareed ee Dalka

January 5, 2026

Guddoomiyaha Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Sheekh Cusmaan “Jawaari”oo ugu horeyn kulanka ka hadlay ayaa uga mahad celiyey Guddoonka iyo Baarlamaanka dalka Uganda hirgelinta heshiiskii labada Baarlamaan u dhaxeeyey kaasi oo fulintiisa ay ka mid aheyd qibrad is weeydaarsiga labada Baarlamaan iyo tababarrada ay Uganda ku qaataan Guddiyada iyo howlwadeennada Golaha Shacabka.

Guddoomiyaha Baarlamaanka Uganda Hon Rebeca Kedega oo kulanka hadal ka jeedisay ayaa bogaadisay dadaallada iyo hormarrada uu Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ku tallaabsaday waxaana ay ballan qaaday iney sii laba jibaari doonaan taageerada,xiriirka iyo wada shaqeynta ay la leeyihiin Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Ku simaha Safiirka Soomaaliya ee Uganda ahna Xoghayaha koobaad ee Safaaradda Mudane Cali Qadar oo markii uu kulanka soo gebageboobay la hadlay warbaahinta ayaa tilmaamay in kulankan uu la xiriiray waxa ka hirgalay heshiiskii hore iyo sidii loosii xoojin lahaa wada shaqeynta hada labada Baarlamaan u dhaxeysa.

Dhinaca kale Guddoomiyaha Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Sheekh Cusmaan “Jawaari” ayaa magaalada Kampala kulan kula qaatay Guddoomiyeyaasha Baarlamaannada Rwanda,isutaga golaha Baarlamaannada Bariga Afrika iyo safiirka Midowga Afrika u fadhiya Soomaaliya.

20150605_111808 DSC_7261 DSC_7279 DSC_7284 DSC_7289 DSC_7304 DSC_7309 DSC_7318

—-DHAMMAAD—-

Previous Post

Qado sharaf loo sameeyay carruurta araga la’ ee Dugsiga Al-Basiir-Sawirro

Next Post

Munaasabad lagu xusay maalinta Bey’ada oo Muqdisho lagu qabtay-Sawirro

Next Post
Munaasabad lagu xusay maalinta Bey’ada oo Muqdisho lagu qabtay-Sawirro

Munaasabad lagu xusay maalinta Bey’ada oo Muqdisho lagu qabtay-Sawirro

Shirka Golaha Wasiirrada oo lagu meel mariyay sharciyo muhiim ah

Shirka Golaha Wasiirrada oo lagu meel mariyay sharciyo muhiim ah

January 5, 2026
0

Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, oo maanta yeeshay kulan aan caadi ahayn, ayaa looga hadlay xaaladda guud ee amniga...

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo Golaha Wasiirrada uga warbixiyay Xaaladda Abaareed ee Dalka

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo Golaha Wasiirrada uga warbixiyay Xaaladda Abaareed ee Dalka

January 5, 2026
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Masiibooyinka Qaranka (SoDMA), Mudane Maxamuud Macalin, ayaa Golaha Wasiirrada u soo bandhigay warbixin rasmi ah oo ku...

Somali FM Discusses with Indonesian Counterpart to Uphold Somalia’s Sovereignty

Somali FM Discusses with Indonesian Counterpart to Uphold Somalia’s Sovereignty

January 5, 2026
0

The Minister of Foreign Affairs and International Cooperation, H.E. Abdisalam Abdi Ali, held a telephone conversation on Monday with his...

Minister of Information Inaugurates Modernized Radio Mogadishu Studios

Minister of Information Inaugurates Modernized Radio Mogadishu Studios

January 5, 2026
0

The Minister of Information, Culture and Tourism of the Federal Republic of Somalia, Mr. Daud Aweis Jama, on Sunday officially...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In