Friday, October 23, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Guddoomiyihii hore ee Golaha Shacabka BJFS oo ka tacsiyadeeyay geerida Wasiir C/raxmaan Xoosh Jibriil

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
8 years ago
in Wararka
0
Mareykanka oo cunaqabateeyey saraakiil Nuclearka u qaabilsan Kuuriyada Waqooyi
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Guddoomiyihii hore ee Golaha Shacabka Sidoo kalena ah Xildhibaan Ka tirsan golaha shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari ayaa ka tacsiyadeeyay geeridii Alle ha u naxariistee Marxuum Cabdiraxmaan Xoosh Jibriil oo ahaa wasiirkii Dastuurka Soomaaliya oo dhawaan  ku geeriyooday Cisbitaal ku yaala Dalka isu taga imaaraadka Carabta, islamarkaana aas qaran shalay loogu sameeyay Magaaladda Muqdisho.

“Innaa lillaah wa innaa illeyhi raajicuun, marxuumka rabi naxariistiisa haka waraabiyo,kitaabkiisa gacanta midig Allaha haka siiyo ehelkii iyo qaraabadii iyo sidoo kale guud ahaan umadda Soomaaliyeed oo uu ka geeriyoodayna samir iyo iimaan Allaha haka wada siiyo, anagana gadaashiisa Illaahey nama fidneeyo” Ayuu yiri Guddoomiyihii hore ee golaha Shacabka Mudane Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari.

Related posts

Ra’iisal wasaare Xamse oo u hambalyeeyey hoggaanka cusub ee Galmudug

Ra’iisal wasaare Xamse oo u hambalyeeyey hoggaanka cusub ee Galmudug

October 22, 2026
MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO HAMBALYO U DIRAY HOGGAANKA CUSUB EE GALMUDUG

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO HAMBALYO U DIRAY HOGGAANKA CUSUB EE GALMUDUG

October 22, 2026

Xildhibaan Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari Guddoomiyihii hore ee Golaha shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliiya ayaa sheegay in Allaha ha u naxriistee Wasiir Xoosh Jibriil uu kaalin wanaagsan kasoo qaatay Dowladnimada Soomaaliya, islamarkaana dowr muuqda ku lahaa sidii Soomaaliya ay u yeelan laheyn dastuur ay leeyihiin dadka Soomaaliyeed.

“Allaha u naxriistee marxuumka waxa uu ahaa muwaadin ay quluubtiisa ku weyn tahay  in dalkeenna uu horumar gaaro, islamarkaana aan gaarno horumar dowladnimo,isagoo inta uusan geeriyoon ka shaqeynayay howlaha dib u eegista iyo dhammeystirka Dastuurka KMG ah ee dalka” ayuu hadalkiisa kusii daray Xildhibaan Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari.

Allaha ha u naxriistee Wasiirkii Dastuurka Soomaaliya Marxuum Cabdiraxmaan Xoosh Jibriil oo dhawaan Magaaladda Dubai ee Dalka Imaaraadka Carabta ku geeriyooday, islamarkaana Aas qaran loogu sameeyay Magaaladda Muqdisho ayaa waxa uu ka tirsanaa Baarlamaankii 9-aad ee Soomaaliya,isagoo Sidoo kale xilal kala duwan soo qabtay.

Previous Post

R/wasaare Khayre oo ku wajahan Kismaayo iyo qaban qaabada soo dhaweyntiisa oo halkaasi ka socota

Next Post

Madaxda Wasaaradda Boostada oo la kulmay Agaasimaha Guud ee Midowga Boostada Adduunka

Next Post
Madaxda Wasaaradda Boostada oo la kulmay Agaasimaha Guud ee Midowga Boostada Adduunka

Madaxda Wasaaradda Boostada oo la kulmay Agaasimaha Guud ee Midowga Boostada Adduunka

Ra’iisal wasaare Xamse oo u hambalyeeyey hoggaanka cusub ee Galmudug

Ra’iisal wasaare Xamse oo u hambalyeeyey hoggaanka cusub ee Galmudug

October 22, 2026
0

Ra'iisal wasaaraha xukuumadda FS ayaa hambalyo u diray hoggaamiyaha iyo Hoggaamiye Ku-xigeenka Dowlad-goboleedka Galmudug Mudane Liibaan Axmed Xasan iyo Abdiwali...

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO HAMBALYO U DIRAY HOGGAANKA CUSUB EE GALMUDUG

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO HAMBALYO U DIRAY HOGGAANKA CUSUB EE GALMUDUG

October 22, 2026
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa hambalyo u diray Hoggaamiyaha cusub ee Dowlad Goboleedka Galmudug, Mudane Liibaan...

Wakiilada Baarlamaanka Galmudug oo doortay hoggaanka cusub ee maamulkaasi

Wakiilada Baarlamaanka Galmudug oo doortay hoggaanka cusub ee maamulkaasi

October 22, 2026
0

Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Galmudug Mudane Xuseen Maxamed Nuur ayaa maanta ku dhawaaqay natiijadii doorashada Galmudug oo uu ku guuleystay Mudane...

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo la kulmay guddi isu xil-saaray nabadaynta Koofur Galbeed

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo la kulmay guddi isu xil-saaray nabadaynta Koofur Galbeed

October 21, 2026
0

Guddoomiyaha Shacabka Shacabka ee Baarlamaanka Dalka ayaa guddiga ka dhageystay talooyin wax-ku-ool ah iyo aragtiyo muhiim ah oo ku saabsan...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In