Sunday, August 2, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Madaxda Wasaaradda Boostada oo la kulmay Agaasimaha Guud ee Midowga Boostada Adduunka

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
7 years ago
in Wararka
0
Madaxda Wasaaradda Boostada oo la kulmay Agaasimaha Guud ee Midowga Boostada Adduunka
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Related posts

Laba-Xidigle Maxamed Cabdullaahi oo loo magacaabay Afhayeenka Wasaaradda Gaashaandhigga XFS

Laba-Xidigle Maxamed Cabdullaahi oo loo magacaabay Afhayeenka Wasaaradda Gaashaandhigga XFS

August 2, 2026
๐‘๐šโ€™๐ข๐ข๐ฌ๐ฎ๐ฅ ๐–๐š๐ฌ๐š๐š๐ซ๐ž ๐Š๐ฎ-๐ฑ๐ข๐ ๐ž๐ž๐ง๐ค๐š ๐—๐…๐’ ๐จ๐จ ๐ƒ๐š๐š๐ก๐Ÿ๐ฎ๐ซ๐š๐ฒ ๐€๐ช๐จ๐จ๐ง-๐ข๐ฌ-๐ฐ๐ž๐ฒ๐๐š๐š๐ซ๐ฌ๐ข๐ ๐š ๐†๐ฎ๐๐๐ข๐ ๐š ๐๐š๐ซ๐š๐ง ๐ž๐ž ๐…๐ฎ๐๐ฎ๐๐ž๐ฒ๐ง๐ญ๐š ๐€๐ซ๐ซ๐ข๐ฆ๐š๐ก๐š ๐†๐š๐ง๐š๐œ๐ฌ๐ข๐ ๐š (๐๐“๐…๐‚)

Wasiirka iyo Wasiiru-dawlaha Wasaaradda Boostada, Isgaarsiinta iyo Teknolojiyada ayaa kulan la yeeshay Agaasimaha Guud ee Midowga Boostada Adduunka (UPU), Danjire Bishaar C/raxmaan Xuseen, iyagoo ka wada hadlay qorshaha dib loogu soo nooleynayo boostadii dalka iyo sida labada dhinac ay dib ugu soo celin lahaayeen xiriirka Wasaaradda iyo UPU.

Wasiiru-dawlaha Mudane C/laahi Bile Nuur ayaa ugu horreyn warbixin kooban ka bixiyay waxyaabihii ka qabsoomay qorshaha lagu kicinayo Boostada Soomaaliya oo haatan maraya heer gabogabo ah. Wasiiru-dawlaha ayaa xusay in, inkastoo la billaabay in boostada ay soo gaarto dalka 2013-dii, haddana caqabadda ugu weyn ee Boostada u dhaqaaqi weyday inay ahayd inaysan dalka dibeddiisa wax u diri karin, isla markaan aysan si buuxda uga qeyb gali karin hawlaha UPU maadaama aan la bixin qaaraankii xubinnimada tan iyo 1983-dii.

Agaasimaha Guud ee UPU, Danjire Bishaar C/raxmaan Xuseen, ayaa sheegay in tan iyo 2012-dii dhowr mar oo hore la isku dayay in Soomaaliya ay soo ceshato xubinnimadeedii UPU, balse lagu guuleysan waayay. Agaasimuhu wuxuu intaasi ku daray in soo-celinta xubinnimada ay Boostada Soomaaliya uga xayiran yihiin waxyaabo badan, marka la soo celiyana ay soo noqon doonto haybaddii ay ku lahayd hayโ€™adda, isla markaana ay ka faaโ€™iideysan doonto adeegyada UPU oo isugu jira taageero farsamo, aqoon-kororsi, iyo xiriirro ay la sameyso boostooyinka kale.

Wasiir Cabdi Cashuur Xasan ayaa sheegay in sanadka 2019 uu noqon doono sanadkii xoogga la isugu geynayay kicinta Boostada, kadib markii 2017 lagu guuleystay ansixinta sharciga isgaarsiinta qaranka, 2018 โ€“na la dhisay Hayโ€™adda Isgaarsiinta Qaranka oo haatan ah hayโ€™ad shaqeysa.

โ€œSanadkii 1983-dii ayaa ugu dambeysay in Wasaaraddu bixiso qaaraankii UPU iyo ITU. Maadaama aan sanadkii 2017 soo celinay xubinnimadii isgaarsiinta (ITU), waxaan sanadkana soo celineynaa tii Boostada si wasaaraddu u soo ceshato kaalinteedii gudaha iyo dibeddaba,โ€ ayuu yiri wasiirka oo intaasi raaciyay in la isku afgartay in kulanka UPU ee bisha Abriil ka dhici doono dalka Switzerland lagu saxiixi doono waxyaabihii lagu heshiiyay.

Ugu dambeyn wasiirka ayaa u mahadceliyay Danjire Bishaar tixgelinta gaarka ah ee uu siinayo Boostada Soomaaliya. “Sharaf weyn ayay noo ahayd inaan la kulano nin walaalkeen ah oo madax ka ah Hay’ad caalami ah oo Qaramada Midoobay hoos tagta. Waxaan rajeyneynaa in wada-shaqeynteena cusub ay miro-dhal noqon doonto.”

DHAMMAAD

Previous Post

Guddoomiyihii hore ee Golaha Shacabka BJFS oo ka tacsiyadeeyay geerida Wasiir C/raxmaan Xoosh Jibriil

Next Post

Wasiirka Maaliyadda oo dhagax dhigay xarumaha canshuuraha ee Degmooyinka Gobolka Banaadir (Sawirro)

Next Post
Wasiirka Maaliyadda oo dhagax dhigay xarumaha canshuuraha ee Degmooyinka Gobolka Banaadir (Sawirro)

Wasiirka Maaliyadda oo dhagax dhigay xarumaha canshuuraha ee Degmooyinka Gobolka Banaadir (Sawirro)

Laba-Xidigle Maxamed Cabdullaahi oo loo magacaabay Afhayeenka Wasaaradda Gaashaandhigga XFS

Laba-Xidigle Maxamed Cabdullaahi oo loo magacaabay Afhayeenka Wasaaradda Gaashaandhigga XFS

August 2, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga XFS, Mudane Axmed Macallin Fiqi, ayaa Laba-xidigle Maxamed Cabdullaahi Cabdiraxmaan u magacaabay Afhayeenka Wasaaradda Gaashaandhigga XFS, Magacaabistan...

๐‘๐šโ€™๐ข๐ข๐ฌ๐ฎ๐ฅ ๐–๐š๐ฌ๐š๐š๐ซ๐ž ๐Š๐ฎ-๐ฑ๐ข๐ ๐ž๐ž๐ง๐ค๐š ๐—๐…๐’ ๐จ๐จ ๐ƒ๐š๐š๐ก๐Ÿ๐ฎ๐ซ๐š๐ฒ ๐€๐ช๐จ๐จ๐ง-๐ข๐ฌ-๐ฐ๐ž๐ฒ๐๐š๐š๐ซ๐ฌ๐ข๐ ๐š ๐†๐ฎ๐๐๐ข๐ ๐š ๐๐š๐ซ๐š๐ง ๐ž๐ž ๐…๐ฎ๐๐ฎ๐๐ž๐ฒ๐ง๐ญ๐š ๐€๐ซ๐ซ๐ข๐ฆ๐š๐ก๐š ๐†๐š๐ง๐š๐œ๐ฌ๐ข๐ ๐š (๐๐“๐…๐‚)

๐‘๐šโ€™๐ข๐ข๐ฌ๐ฎ๐ฅ ๐–๐š๐ฌ๐š๐š๐ซ๐ž ๐Š๐ฎ-๐ฑ๐ข๐ ๐ž๐ž๐ง๐ค๐š ๐—๐…๐’ ๐จ๐จ ๐ƒ๐š๐š๐ก๐Ÿ๐ฎ๐ซ๐š๐ฒ ๐€๐ช๐จ๐จ๐ง-๐ข๐ฌ-๐ฐ๐ž๐ฒ๐๐š๐š๐ซ๐ฌ๐ข๐ ๐š ๐†๐ฎ๐๐๐ข๐ ๐š ๐๐š๐ซ๐š๐ง ๐ž๐ž ๐…๐ฎ๐๐ฎ๐๐ž๐ฒ๐ง๐ญ๐š ๐€๐ซ๐ซ๐ข๐ฆ๐š๐ก๐š ๐†๐š๐ง๐š๐œ๐ฌ๐ข๐ ๐š (๐๐“๐…๐‚)

August 2, 2026
0

Raโ€™iisul Wasaare Ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Saalax Axmed Jaamac, ayaa maanta si rasmi ah u daahfuray Aqoon-is-weydaarsiga Istaraatiijiyadda iyo...

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO FURAY KALFADHIGA 8-AAD EE BAARLAMAANKA FEDERAALKA SOOMAALIYA

Guddiga Doorashada Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS oo la magacaabay

August 2, 2026
0

Guddoomiyaha KMG ah ahna Guddoomiye Ku-xigeenka koowaad ee Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Sacdiya Yaasiin Xaaji Samatar ayaa...

Hogaamiyaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed oo qaabilay Taliyaha TurkSom

Hogaamiyaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed oo qaabilay Taliyaha TurkSom

August 2, 2026
0

Hogaamiyaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa Aqalka Madaxtooyada ee magaalada Baydhabo ku qaabilay wafdi...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

ยฉ 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

ยฉ 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In