Thursday, March 26, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Gudi wasiiro ah oo loo dirayo degaanada Puntland {SAWIRRO}

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
11 years ago
in Wararka
0
Gudi wasiiro ah oo loo dirayo degaanada Puntland {SAWIRRO}
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Muqdisho, 25, May, 2015…Ra’iisul Wasaare ku xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Maxamed Cumar Carte ayaa caawa kulan la qaatay guddi wasiiro ah oo ay ka mid yihiin Wasiirka Waxbarashada, Wasiirka Haweenka, Wasiirka Dhalinyaradda, Wasiirka Amniga, Wasiirka Warfaafinta, Wasiir ku xigeenka Caafimaadka iyo Wasiirka Xanaanada Xoolaaha.

Gudigaana ayaa warbixin ka siiyey Ra’iisul Wasaare kuxigeenka dadka soo gaaray magaalada muqdisho iyo sida loo qaabilay, iyo sidii wax loogu qaban lahaa dadka tirade badan ee soo gaaray magaalooyinka Boosaaso iyo Berbera.

Related posts

Xukuumadda Soomaaliya oo waraaqadaha dal ku galka kala noqotay Danjirihii la ceyriyay

Wasaaradda arrimaha gudaha oo dib u magacawday maamulka gobolka Bakool

March 25, 2026
Barnaamijka Horumarinta Beeraha iyo Sugnaanta Cuntada Afrika oo lagu qabtay dalka Namibia

Barnaamijka Horumarinta Beeraha iyo Sugnaanta Cuntada Afrika oo lagu qabtay dalka Namibia

March 25, 2026

Wasiirka Xanaanada Xoolaha Siciid Xuseen Ciid ayaa gudiga uga warbixiyey dadka soo gaaray magaalada Boosaaso oo tiradoodu gaarayso 5,000 qof oo isugu jira Soomaali, Ethiopian iyo Yemaniyiin.

“Waxaa soo gaaray Boosaaso dad tiradoodu gaarayso 5,000 qof, waxaa gurmad lixaad leh u fidiyey dadka deegaanka oo ay hormuud u yihiin Culima u diinka, Ganacsatada iyo maamulka Puntland, waxaana dadka soo dhaafaya Boosaaso la siiyaa lacag jid mar ah oo ay ku gaaraan deegaamada ay ku wajahan yihiin. Waxaa jira dad faro badan oo ku sugan magaalada Mukulla oo ah dariiqa kaliya ee dadku soo maraan ku waas oo ku soo wajahan Soomaaliya” ayuu yiir Wasiirka Xanaanada Xoolaha

Ra’iisul Wasaare ku xigeenka ayaa gudiga u sheegay muhiimada ay leedahay in loo diro wafti wasiiro ah Maamulka Puntland, si dadka halkaas jooga iyo kuwo imanaya ay isaga kaashadaan la socdkooda dhanka amniga iyo diwaan galintooda qaxootinimo.

Ugu danbayntii Gudiga ayaa baaq u diray Wasaaradaha in dhamaan shaqaalahooda dowlada ay ku wacyi galiyaan in qof walba iska jaro wuxuu awoodu mushaarkiisa, taasna waxaa iska kaashanaya Agaasimayaasha Wasaaradaha iyo Gudiga Gurmadka.

IMG_4037 IMG_4047 IMG_4050

Previous Post

Gaalkacyo oo mashaariic hormarineed laga hirgalinayo {SAWIRRO}

Next Post

Dhageyso Warka Habeennimo Ee Radio Muqdisho

Next Post
Dhageyso warka habeen ee Radio Muqdisho

Dhageyso Warka Habeennimo Ee Radio Muqdisho

Xukuumadda Soomaaliya oo waraaqadaha dal ku galka kala noqotay Danjirihii la ceyriyay

Wasaaradda arrimaha gudaha oo dib u magacawday maamulka gobolka Bakool

March 25, 2026
0

Wasaaradda arrimaha Gudaha dowladda FS ayaa dib u magacawday xubnihii maamulka gobolka Bakool, kan degmada Xudur iyo golaha deegaanka degmadaas.

Barnaamijka Horumarinta Beeraha iyo Sugnaanta Cuntada Afrika oo lagu qabtay dalka Namibia

Barnaamijka Horumarinta Beeraha iyo Sugnaanta Cuntada Afrika oo lagu qabtay dalka Namibia

March 25, 2026
0

Madaxa Qiimeynta iyo Kormeerka, Prof: Maxamed Cilmi Guure, ahna Xiriiriyaha Soomaaliya ee Barnaamijka Horumarinta Beeraha iyo Sugnaanta Cuntada Afrika (CAADP)...

Wasiirrada Amniga Gudaha iyo Gaashaandhigga XFS oo ka qeybgalay gunaanadka barnaamij la xiriiray horumarinta amniga

Wasiirrada Amniga Gudaha iyo Gaashaandhigga XFS oo ka qeybgalay gunaanadka barnaamij la xiriiray horumarinta amniga

March 25, 2026
0

Wasiirka Gaashaandhigga XFS, Mudane Axmed Macallin Fiqi, ayaa ka qaybgalay munaasabadda gabagabada barnaamijka Xoojinta Qaabdhismeedka Amniga Qaranka, oo lagu soo...

Shirka Golaha Wasiirrada oo looga hadlay xaaladda Guud ee dalkeenna

Shirka Golaha Wasiirrada oo looga hadlay xaaladda Guud ee dalkeenna

March 25, 2026
0

Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya oo maanta yeeshay kulankoodii toddobaadlaha ahaa, ayaa looga hadlay xaaladda guud ee dalka, gaar...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In