Friday, September 4, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Gudiga Baarlamaanka u qaabilsan Maaliyadda,Qorsheynta iyo La Xisaabtanka Dowlada oo Siminaar Loogu Soo Gabagabeeyay Nairobi”Sawirro”

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
11 years ago
in Wararka
0
Gudiga Baarlamaanka u qaabilsan Maaliyadda,Qorsheynta iyo La Xisaabtanka Dowlada oo Siminaar Loogu Soo Gabagabeeyay Nairobi”Sawirro”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Gudiga Baarlamaanka Soomaaliya u qaabilsan Maaliyadda,qorsheynta iyo la xisaabtanka dowlada ayaa galabta magaalada Nairobi ee caasimada dalka Kenya loogu soo gabagabeeyay siminaar u socday mudo todobo maalmood ah,kaasi oo lagu barayay sharciga iibka qaranka iyo qandaraasyada maalgashiga,gadidda qalabka duugoobay oo ay dowladu iska iibineyso iyo sharciyada la xiriira waxyaabaha ay dowlada leedahay oo ay maamulaan shirkadaha ajnabiga ah sida garoomada diyaaradaha iyo dekadaha.

Siminaarkan oo ay soo qaban qaabisay hay’adda qaramada midoobay u qaabilsan horumarinta barnaamijada ee UNDP ayaa waxaa casharo ka bixinayay Daahir Cilmi Warsame oo ah khabiir ku takhasusay sharciyadasi.

Related posts

Hay’adda SoDMA oo deeq raashin ah u qeybisay qoysas ku dhaqan Gobolka Bari

Hay’adda SoDMA oo deeq raashin ah u qeybisay qoysas ku dhaqan Gobolka Bari

September 3, 2026
Guddiga Madaxa-bannaan ee Doorashooyinka Qaranka oo kulan wada-tashi ah la yeeshay Ururrada Siyaasadda

Guddiga Madaxa-bannaan ee Doorashooyinka Qaranka oo kulan wada-tashi ah la yeeshay Ururrada Siyaasadda

September 3, 2026

Hay’ada IBTCI ayaa sidoo kale hubineysay hab sami u socodka siminaarkan oo socday intii u dhaxeysay 29-July ilaa 4-tii bishan Augusto.

Gudoomiyaha gudiga baarlamaanka Soomaaliya u qaabilsan Maaliyadda,Qorsheynta iyo la Xisaabtanka dowlada xildhibaan Samaan Maxamed Shiikh Daahir ayaa sheegay in xildhibaanada gudiga ku jira gudiga ay wax badan kaa faa’ideen siminaarkan,islamarkaana ay baarlamaanka Soomaaliya dib ugu celin doonaan waxyaabihii ay barteen.

Xildhibaanada kala ah Dr Cilmi Maxmuud Nuur iyo xildhibaan Nuur Iidow Beyle ayaa sheegay in sharciyadan ay wax badan ka qaban doonaan in aan la musuqmaasuqin marka ay dowladu wax soo iibsaneyso ama ay wax iska iibineyso.

Gudiga Baarlamaanka u qaabilsan Maaliyadda,Qorsheynta iyo la Xisaabtanka dowlada ayaa sheegay in marka ay ku laabtaan magaalada muqdisho dib u eegis ku sameyn doonaan sharciyadaasi, loo hor geeyo baarlamaanka,iyagoo sheegay in qaar ka mid ah sharciyadaasi horey baalamaanka loo hor geeyay,islamarkaana ay mareen aqrinta koowaad.

IMG_0076 IMG_0077 IMG_0079 IMG_0082 IMG_0085 IMG_0086 IMG_0090 IMG_0091 IMG_0099 IMG_0102 IMG_0103 IMG_0105 IMG_0107 IMG_0109 IMG_0111 IMG_0114 IMG_0117 IMG_0132 IMG_0134 IMG_0137 IMG_0140 IMG_0142 IMG_0146

Sawir qaade:-C/raxmaan Cumar Cabdi(Somali)

Previous Post

Ciidanka booliska Galmudug oo qabtay lacago been abuur ah oo la soo geliyay suuqa Gaalkacyo

Next Post

Maxaa is bedelay booqashadii 1aad ee Erdogan kadib? “Sawirro”

Next Post
Maxaa is bedelay booqashadii 1aad ee Erdogan kadib? “Sawirro”

Maxaa is bedelay booqashadii 1aad ee Erdogan kadib? "Sawirro"

Hay’adda SoDMA oo deeq raashin ah u qeybisay qoysas ku dhaqan Gobolka Bari

Hay’adda SoDMA oo deeq raashin ah u qeybisay qoysas ku dhaqan Gobolka Bari

September 3, 2026
0

Hey’adda Maareynta Masiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA) ayaa gaarsiisay deeq gargaar raashin ah kumannaan qoys oo nugul oo ku nool deegaanno...

Guddiga Madaxa-bannaan ee Doorashooyinka Qaranka oo kulan wada-tashi ah la yeeshay Ururrada Siyaasadda

Guddiga Madaxa-bannaan ee Doorashooyinka Qaranka oo kulan wada-tashi ah la yeeshay Ururrada Siyaasadda

September 3, 2026
0

Guddiga Madaxa-bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha (GMDQS) ayaa maanta kulan wada-tashi ah la yeeshay Ururrada Siyaasadda, kaas oo diiradda...

Soomaaliya iyo Qadar oo kala Saxiixday heshiis Iskaashi

Soomaaliya iyo Qadar oo kala Saxiixday heshiis Iskaashi

September 2, 2026
0

Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare ee Soomaaliya iyo Jaamacadda Doha ee Sayniska iyo Tiknoolajiyada (UDST) ayaa magaalada Doxa ku...

Shaqaalaha Duulista Kenya oo soo afjaray shaqo-joojin laba maalmood socotay

Shaqaalaha Duulista Kenya oo soo afjaray shaqo-joojin laba maalmood socotay

September 2, 2026
0

Shaqaalaha duulista Kenya ayaa Talaadadii soo afjaray shaqo-joojintii laba maalmood socotay, kaddib markii ay heshiis la gaareen dowladda iyo hay’adaha...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In