Gudiga Maaliyada Baarlamanka Soomaaliya ayaa aqoon isweydarsi ku saabsan Sharciga Maaliyada & Maareynta Maaliyada qaranka waxa uu uga furmay Magaalada Nairobi ee dalka Kenya.
Aqoon isweydaarsiga Gudiga maaliyada baarlamanka Soomaaliya uga furmay Magaalada Nairobi oo socondoono mudo toban maalmood ah ayaa waxa ay uga doodi doonaan Sharciga Maaliyada & Maareynta Maaliyada Dalka
.
waxana aqoon isweydaarsigani loo qabtay gudiga maaliyada baarlamanka iyo xubno ka socda wasaarada maaliyada sidoo kale ka qeyb qaadanayo qubaro ka socda Bangiga aduunka iyo IMF iyadoona ista uu socdo diirada lagu saari doonaa sidii sharcigan loo waafajin lahaa xeerarka aduunka isla markaana la ilaaliyo danaha Soomaaliya.
gudoomiyaha gudiga maaliyada baarlamanka soomaaliya Xildhibaan Samaan Maxamed Sheekh daahir ayaa waxa uu warbaahinta qaraka uga warbixiyay aqoon iweydaarsigan iyo muhimada uu u leeyahay dowlada faderalka Soomaliya.
“Maanta halkan ujeedada aan u joogno inaan dib u eegis ku sameyno Sharciga Maaliyada & Maareynta Maaliyada Dalka,sharcigaas waxaa soo diyaarisay wasaarada maaliyada,waxa uu soo maray golaha wasiirada,hadana waxa uu horyaalaa baarlamanka oo la doonaayo in dib dib u eegis baarlamanka ku sameeyo”
xuseen siyaad caato oo la taliye ka ah wasaarada Maaliyada Xukuumada Soomaaliya ayaa isana waxa uu sheegay in gudiga uu ka caawin oo uu ka warbixin doono Sharciga maamulka Lacagta.
“Waxan halkan ujoogaa inan gudiga maaliyada baarlamanka ka caawiyo sharciga maamulka lacagta sida uu u dhiganyahay,dhinacyada maaliyada uu taabanayo iyo kaalinta laga rabo fulinya inaan dhanacaas warbixin kasiiyo gudiga”
sharcigani Maaliyada & Maareynta Maaliyada Qaranka ee ay ka doodayaan gudiga maaliyada ayaa waxa uu qeyb ka yahay shuruuc dhowr ah oo la filayo in la meel mariyo inta uusan xermin kalfadhiga baarlamanka.