Gudoomiyaha gobolka Shabeelaha Dhexe Cali Guudlawe Xuseen ayaa sheegay in maamulka gobolka Shabeelaha Dhexe, saraakiisha ciidamada xooga iyo AMISOM ay ka wada hadleen xaqiijinta amniga magaalada Jowhar iyo sidoo kale la dagaalanka maleeshiyaadka Al-Shabaab.
Cali Guudlaawe ayaa sidoo kale sheegay in amniga magaalada Jowhar si weyn loo adkeeyay, madaam lagu qaban doono shirka maamul u sameynta Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe.
“Maamulka gobolka ayaa isugu yeeray saraakiisha ciidanka xooga iyo AMISOM, waxaana ka wada hadalnay sugida amniga, iyo la dagaalanka cadowga Al-shabaab”ayuu yiri gudoomiye Guudlaawe.
Ciidanka dowladda Soomaaliya iyo kuwa AMISOM ayaa horey ula wareegay deegaano dhowr ah oo gobolkaasi ay kaga sugnaayeen maleeshiyaadka Al-shabaab, iyadoo iminka dadka deegaanadaasi ay dareemayaan nabad galyo iyo horumar markii hore aaney haysan.