Gudoomiyaha Golaha shacabka Soomaaliya Mudane Maxamed Sheekh Cismaan “Jawari” oo magaalada Muqdisho kula kulmay Danjiraha Qadar u fadhiya dalkeena Soomaaliya Hassan Bin Hamza Asad ayaa ugu tacsiyadeeyay Dowladda iyo dadka Qadar Geeridii ku timid Amiirkii hore ee dalka Qadar Sheekh Khaliifa Bin Xaamid Althaanii.
Gudoomiyaha Barlamaanka ayaa saxiixay Buuga tacsida ee Amiirkii hore ee Qadar ahaana awoowga amiirka Qadar ee waqtigan, isagoo All uga baryay naxariistii Jano inuu ka waraabiyo.
Cabdikariim Xaaji Cabdi Buux xoghayaha Barlamaanka Soomaaliya ayaa warbaahinta Qaranka uga warbixiyay Kulanka Tacsida ahaa ee Gudoomiyaha Barlamaanka Jamhiiriyada Soomaaliya uu la qaatay Danjire Hassan Bin Hamza Asad.
“Maanta waxa uu gudoonka Barlamaanka u diray tacsi dowladda Qadar, taasoo ku aaddan geerida Amiirkii hore ee dalkaasi, ahna awoowga amiirka waqtigan ee dalkaasi Al sheekh Khliifa Bin xamad Althaanii, Gudoomiyaha Barlamaanka Mudane Jawaari ayaa saxiixay guuga tacsida Amiirkii hore, isagoo ugu tacsiyadeeyay golaha shacabka, xukuumada iyo dadka Qadar” ayuu yiri xoghaye Buux.
Amiir Alsheekh Khaliifa bin Xamad Althaanii Allaha u naxariistee ayaa dalka Qadar ka talinayay 1972 ilaa 1995 waxaana uu ahaa awoowga Amiirka Qadar ee Waqtigan Tamiim Bin Xamad althaanii.