Thursday, March 26, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Maqaallo

Haddiiba Kalsoonaanta Nafta Tahay Furaha Guusha Kalsooni Daradana Waa Fashilka Nolasha.

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
8 years ago
in Maqaallo, Wararka
0
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Ayaan daranaa qof liidaya nafsadiisa una arko wax aan qiimo lahayn, shaqsiyad xumo waxaa ugu liidata inaad nafsadaada liido weligaa nafsadaada hala barbar dhigin qof kale, kaliya isku day inaad sameyso sida ugu wanaagsan ee aad awoodo. Akhristaha qaaliga ahaw ma is weydiisay haddii aadan nafsadaada ku kalsoonaan cida kugu kalsoonaan karto, sow ma ogid in uusan jirin qof la dhashay howsha uu qabto , ruux walbo waxa uu dhashay asagoo waxbo aanan garaneyn , hawl walbo oo uu qabtay maalin ayuu eber ka joogay oo uusan waxbo ka fahansaneyn .

 

Related posts

Soomaaliya iyo Spain oo kala saxiixday heshiis Taariikhi ah 

Soomaaliya iyo Spain oo kala saxiixday heshiis Taariikhi ah 

March 26, 2026
Ra’iisul Wasaare Xamse Cabdi Barre oo xilalka ka qaaday laba Wasiiru Dowle

Ra’iisul Wasaare Xamse Cabdi Barre oo xilalka ka qaaday laba Wasiiru Dowle

March 26, 2026

Ku kalsoonaanta nafta waa furaha lagu kaxeeyo gaariga guusha waana shardiga ugu muhiimsan ee guusha islamarkaana waa sharafka uu ku faano guuleyste walbo, taariikhda dadka guulahooda wax ka dhahay haddii aad dib u aqriso waxaa ka dhax arki doontaa kelmada ah “Nafsadayda ayaan kalsooni buuxdo ku qabay” habab kala duwanba ha u dhahaan luqado kala duwana ha u isticmaalan balse muhiimadu waxa ay ku duul wareeganayaan in ay kalsooni isku qabeen.

Inta aadan taariikh iyo tusaale dib u eegin aqristow intaad meel fariisato nafsadaadana shir la qaadato ka fakar noloshaada iyo hawlihii ku soo maray kuwii aad ku guuleysatay iyo kuwii aad ku guul dareysatay intaba.

Kala faq nafsadaada hawlaha nolol maalmeedkaaga ka mid ah oo aad ku guulaysatay maxaa sabab uga dhigi lahayd guushaada? Isku si se ma u dareentaa oo ma u qabataa hawl aad ku kalsoontahay inaad awoodo iyo mid aadan ku kalsooneyn? Dabcan waxaa kuu soo baxaya gaariga guusha waxa dhaqaajiyo in ay tahay ku kalsoonaanta nafsada.

Haddiiba kalsoonaanta nafta tahay furaha guusha kalsooni daradana waa fashilka nolasha , ma jiro dhib ka weyn Inaad naftaada ku kalsoonaan weydo oo aad xumaan ama awood dari ku maleyso , waayo ma jiri doono ruux kugu kalsoonaado  madaama aad adigiiba isku kalsoonaan weysay.

Walaalkeyga qaaliga ahaw ku kalsoonow nafsadaada hana ka cabsan in aad guul dareysato ama qalad kaa dhaco waayo ka cabsashada inuu qalad kaa dhaco waxa ay kugu qancin doontaa inaadan isku day samaynin waxaa ayna kaa dhigeysaa qof ka liito guuldareystaha waaye guul dareystuhu isku day ayuu sameyey xasuusnowna in ruux walbo uu qalad ka dhaco ma gefe waa alle ee haka welwelin qalad inuu kaa dhaco allena talo saaro.

Qaladka ugu weyn ee aynu galno waa in aan ku qanacno in aanan waxbo qaban karin ama anagoo guul daro ka baqeyno nafsadeena ka soo qaadno wax aan jirin kuna qancino in ay ogolaato guul daro tan ugu weyn oo ah quusasho iyo kalsooni daro nafsadeed, aqriste ha noqon dooro biyo ku dhacday ee isku day inaad kaalintaada kasoo baxdo .

Maankana ku haay oo nafsadaada bar in aad keli tahay , guul ama guul darane aad adiga uun isu horseedi karto , iska ilaw in ruux kale kalifi karo ama kuu soo hoyn karo guul ama guul daro , nafsadaada ku kalsoonow alle oo keliyana kaalmo weydiiso . Bar nafsadaada in aysan jirin wax aan macquul ahayn wax walbo oo qof sameeyay adigane albaabkeeda kaama xirna oo waad sameyn kartaa kaliya waxaad u baahantay inaad u marto wadada ugu haboon isla markaana aadan ka baqin guul daro kana daalin isku dayga ilaa aad ka guuleysato.

Kalsoonida ma ahan inaad wax walbo shab iska dhahdo iskuna furto howlo farabadan oo kala duwan hab aan nidaamsaneyn taas oo soo dadajin karta guul daro kugu abuurto niyadjab, wax walbo u qaabil hab nidaamsan oo taxadar ku dheehanyahay.

Qofka nafsadiisa ku kalsoon waa kan kala nidaamiya hawlisiisa isla markaan saxiib u ah sabar iyo dulqaad oo ah saadka iyo sahayda wadad guusha

 

W/Q: C/raxmaan Xasan Yusuf (Gacaltooyo)

www.facebook.com/abdirahmanhy

Previous Post

Xaalad Biyo yari aad u daran oo ka jirta magaalada Baydhabo

Next Post

Wasiir Isloow” Har iyo Habeen waxaan diyaar u nahay inaan Difaacno shacabka”

Next Post
Wasiirka Amniga iyo xubno Wasiiro ah oo xalay kormeeray baraha ciidamada ee ku yaala caasimadda

Wasiir Isloow” Har iyo Habeen waxaan diyaar u nahay inaan Difaacno shacabka”

Soomaaliya iyo Spain oo kala saxiixday heshiis Taariikhi ah 

Soomaaliya iyo Spain oo kala saxiixday heshiis Taariikhi ah 

March 26, 2026
0

Dowladaha Soomaaliya iyo Spain ayaa kala saxiixday heshiis is-afgarad (MoU) oo dhidibada u aasaya hannaan wadatashi siyaasadeed oo joogto ah....

Ra’iisul Wasaare Xamse Cabdi Barre oo xilalka ka qaaday laba Wasiiru Dowle

Ra’iisul Wasaare Xamse Cabdi Barre oo xilalka ka qaaday laba Wasiiru Dowle

March 26, 2026
0

Muqdisho, Khamiis, 26 Maarso 2026: — Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa xilalkii ka qaaday...

Taliyaha CXDS oo booqday Askartii kusoo dhaawacantay dagaalka ka dhanka ah Khawaarijta

Taliyaha CXDS oo booqday Askartii kusoo dhaawacantay dagaalka ka dhanka ah Khawaarijta

March 26, 2026
0

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, S/Guuto Ibraahim Maxamed Maxamuud, ayaa booqasho ugu tegay askartii ku soo dhaawacantay dagaallada ka dhanka...

Wasiiru Dowlaha Cadaaladda iyo Taliyaha Cusub ee Ciidanka Asluubta oo Kormeer ku tagay Xarunta taliska

Wasiiru Dowlaha Cadaaladda iyo Taliyaha Cusub ee Ciidanka Asluubta oo Kormeer ku tagay Xarunta taliska

March 26, 2026
0

Kusimaha Wasiirka ahna Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Cadaaladda iyo Arrimaha Dastuurka ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Danjire Ilyaas Sheekh Cumar, oo uu...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In