Hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliyeed, ayaa siisay “reject”codsi ay wadatay diyaar laga leeyahay dalka Itoobiya wafdi Itoobiyaan ah ku doonayeen in ay ku tagaan magaalada Hargeysa ee Gobalka Waqooyi Galbeed, iyadoo sidoo kale ay Hay’adda Duulista ay ka celisay Hawada Soomaaliya.
Diyaaradda Sidday wafdiga Itoobiyaanka ahaa, ayaa waxaa qasab ku noqotay in ay ku laabtaan magaalada Addis Ababa ee Dalka Ethiopia.
Sarkaal ka tirsan Hay’adda Duulista ayaa xaqiijiyay goordhow in ay hay’addu fasaxday hadda rakaab ay soo sido Ethiopia Airline oo u soo socda Muqdisho kuwaas oo lagu wado in ay soo gaaraan garoonka.