Thursday, March 26, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Hay’adda FAO sheegtay in Soomaaliya Sanadkii hore Dhoofisay Malaayiin Xoolo ah

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
11 years ago
in Wararka
0
Hay’adda FAO  sheegtay in Soomaaliya  Sanadkii hore Dhoofisay Malaayiin Xoolo ah
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Hay’adda Cunnada iyo Beeraha ee Caalamka FAO ayaa warbixin ay soo saartay ku sheegtey in sanadkii hore ee 2014-ka uu Somalia u ahaa sanad muhiim ah marka la eego dhoofinta xoolaha.

FAO ayaa sheegtey in sannadkii 2014-ka ay Somalia dibadda u dhoofisay 5–milyan oo neef oo xoolo, iyadoo Rudi van Asken oo ka tirsan madaxda hay’adda FAO ayaa ku tilmaamay guul weyn oo u soo hoyatay Somalia.

Related posts

Xukuumadda Soomaaliya oo waraaqadaha dal ku galka kala noqotay Danjirihii la ceyriyay

Wasaaradda arrimaha gudaha oo dib u magacawday maamulka gobolka Bakool

March 25, 2026
Barnaamijka Horumarinta Beeraha iyo Sugnaanta Cuntada Afrika oo lagu qabtay dalka Namibia

Barnaamijka Horumarinta Beeraha iyo Sugnaanta Cuntada Afrika oo lagu qabtay dalka Namibia

March 25, 2026

Sidoo kale, hay’adda FAO ayaa sheegtay in xoolahan loo dhoofiyay waddamada Khaliijka Carabta, waxaana is-bedel weyn laga dareemay xoolaha ayay ku tiri FAO warbixinteeda; kaddib markii si wanaagsan loo daaweeyay xoolaha Somalia.

Hay’adda ayaa warbixinteeda ku dartay inay Somalia horay uga howl-gelisay barnaamij lagu diiwaan-gelinayo dhoofinta xoolaha Somalia kaasoo loogu magacdaray FSNAU Food Security and Nutrition Analysis Unit, iyadoo lagu diiwaan-geliyay barnaamijkaas xoolo dhan 4.6 neef oo isugu jira Orgi iyo Wanan, 340,000 kun oo dibi ah iyo 770,000 oo geel ah.

Xoolaha nool ee Somalia ayaa ah udub dhexaadka u ah dhaqaalaha Somalia, waxaana 40% ay ka mid yihiin, dakhliga Qof kasta oo Somali ah soo gala. Iyadoo hay’adda FAO ay intaas ku dartay inuu kor u kacay qiimaha lagu iibiyo xoolaha Soomaaliya, taasoo abuurtay rajo cusub.

Ugu dambeyn, haya’ddu waxay sheegtay in xoolaha Soomaaliya ay dibada u dhoofiso, laga dhoofiyo dekedaha waaweyn ee Berbera, tan Boosaaso iyo midda Muqdisho oo ah tan ugu weyn dekedaha Somalia.

Previous Post

Shir Looga Hadlay Maareynta Maamulka Badaha Soomaaliya Oo Mombasa Lagu Soo Gabagabeeyay

Next Post

Arday baratay luuqada Turkey oo Muqdisho shahaadooyin lagu gudoonsiiyay

Next Post
Jimciyadda ASAL oo siminaar lagu baranayo Wadaniyadda u qabatay Arday

Arday baratay luuqada Turkey oo Muqdisho shahaadooyin lagu gudoonsiiyay

Xukuumadda Soomaaliya oo waraaqadaha dal ku galka kala noqotay Danjirihii la ceyriyay

Wasaaradda arrimaha gudaha oo dib u magacawday maamulka gobolka Bakool

March 25, 2026
0

Wasaaradda arrimaha Gudaha dowladda FS ayaa dib u magacawday xubnihii maamulka gobolka Bakool, kan degmada Xudur iyo golaha deegaanka degmadaas.

Barnaamijka Horumarinta Beeraha iyo Sugnaanta Cuntada Afrika oo lagu qabtay dalka Namibia

Barnaamijka Horumarinta Beeraha iyo Sugnaanta Cuntada Afrika oo lagu qabtay dalka Namibia

March 25, 2026
0

Madaxa Qiimeynta iyo Kormeerka, Prof: Maxamed Cilmi Guure, ahna Xiriiriyaha Soomaaliya ee Barnaamijka Horumarinta Beeraha iyo Sugnaanta Cuntada Afrika (CAADP)...

Wasiirrada Amniga Gudaha iyo Gaashaandhigga XFS oo ka qeybgalay gunaanadka barnaamij la xiriiray horumarinta amniga

Wasiirrada Amniga Gudaha iyo Gaashaandhigga XFS oo ka qeybgalay gunaanadka barnaamij la xiriiray horumarinta amniga

March 25, 2026
0

Wasiirka Gaashaandhigga XFS, Mudane Axmed Macallin Fiqi, ayaa ka qaybgalay munaasabadda gabagabada barnaamijka Xoojinta Qaabdhismeedka Amniga Qaranka, oo lagu soo...

Shirka Golaha Wasiirrada oo looga hadlay xaaladda Guud ee dalkeenna

Shirka Golaha Wasiirrada oo looga hadlay xaaladda Guud ee dalkeenna

March 25, 2026
0

Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya oo maanta yeeshay kulankoodii toddobaadlaha ahaa, ayaa looga hadlay xaaladda guud ee dalka, gaar...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In