Tuesday, January 13, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka oo qabatay wada-tashi la xiriira hirgelinta Shabakadda Isgaarsiinta Isku-xiran ee Geeska Afrika

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
4 months ago
in Wararka
0
Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka oo qabatay wada-tashi la xiriira hirgelinta Shabakadda Isgaarsiinta Isku-xiran ee Geeska Afrika
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka (HIQ) ayaa qabatay wada-tashi ku saabsan hirgelinta Shabakadda Isgaarsiinta Isku-xiran ee Geeska Afrika (ONA), oo ah hindise goboleed lagu yareynayo kharashaadka isgaarsiinta xuduudaha la isku maro isla markaana lagu horumarinayo isdhexgalka dhijitaalka ah ee Bulshada Bariga Afrika.

Wada-tashigu wuxuu isu keenay shirkadaha isgaarsiinta si ay dib u eegis ugu sameeyaan qorshaha Soomaaliya ee ku biirista ONA iyo inay soo gudbiyaan talo iyo jawaab celin ku saabsan diyaarinta farsamo iyo sharci ee looga baahan yahay.

Related posts

Danjire Jabriil oo qaabilay wafdi uu hoggaaminayo Guddoomiyaha Gobalka Meru

Danjire Jabriil oo qaabilay wafdi uu hoggaaminayo Guddoomiyaha Gobalka Meru

January 13, 2026
Sacuudiga oo markale caddeeyay mowqifkooda ku aadan Midnimada JFS

Sacuudiga oo markale caddeeyay mowqifkooda ku aadan Midnimada JFS

January 13, 2026

Maareeyaha Guud ee HIQ, Mudane Mustafa Yaasin Sheekh, oo furay kulanka, ayaa xusay muhiimadda hindisahan, isagoo yiri: “Ku biirista Soomaaliya ee Shabakadda Isgaarsiinta Isku-xiran waxay ka dhigan tahay dhimista kharashaadka adeegga roaming-ka, kobcinta isku-xirnaanta bulshada Bariga Afrika, taageeridda isbeddelkeenna dhijitaalka ah, iyo xoojinta iskaashiga dhaqaale ee gobolka.”

Intii uu socday kulanka, Hay’addu waxa ay soo bandhigtay Khariidadda Qaran ee Soomaaliya ee ku saabsan hirgelinta ONA, taas oo qeexaysa marxalado lagu fulinayo. Qorshe-hawleedku wuxuu bixinayaa waddo cad oo lagu waafajinayo shuruucda qaranka iyo tacriifooyinka heerarka gobollada, diyaarinta xeer-nidaamiyeyaasha, iyo hubinta isdhexgalka loo dhan yahay.

Kulanka wada-tashiga waxa uu noqday madal wada-hadal oo u dhexaysa Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka iyo shirkadaha isgaarsiinta, taas oo adkaysay ballan-qaadka wadajirka ah ee ku aaddan isgaarsiin xuduudeed oo la awoodi karo oo hufan.

Soomaaliya waxa ay qorsheyneysaa in ay sida ugu dhaqsiyaha badan u dhammaystirto hirgelinta ONA, taas oo siin doonta macaamiisha Soomaaliyeed adeegyo roaming oo jaban, isla markaana kor u qaadi doonta fursadaha isku-xirnaanta dhijitaalka ah iyo iskaashiga dhaqaale ee gobolka oo dhan.

Previous Post

Guddoomiyaha SoDMA oo uga warbixiyay Madaxda Qaranka wax-qabadka hay’adda

Next Post

Wasiirka Amniga Galmudug oo kormeeray hannaanka shaqo ee Saldhigga Booliiska Gaalkacyo

Next Post
Wasiirka  Amniga Galmudug oo kormeeray hannaanka shaqo ee Saldhigga Booliiska Gaalkacyo

Wasiirka Amniga Galmudug oo kormeeray hannaanka shaqo ee Saldhigga Booliiska Gaalkacyo

Danjire Jabriil oo qaabilay wafdi uu hoggaaminayo Guddoomiyaha Gobalka Meru

Danjire Jabriil oo qaabilay wafdi uu hoggaaminayo Guddoomiyaha Gobalka Meru

January 13, 2026
0

Guddoomiyaha Gobolka Meru Mutuma M'Ethingia iyo wafdi balaaran oo uu hogaaminayo ayaa booqasho shaqo ku yimid xarunta Safaaradda Soomaaliya ee...

Sacuudiga oo markale caddeeyay mowqifkooda ku aadan Midnimada JFS

Sacuudiga oo markale caddeeyay mowqifkooda ku aadan Midnimada JFS

January 13, 2026
0

Kulanka Golaha Wasiirrada Boqortooyada Sacuudiga, oo uu shir-guddoominayay Boqor Salmaan bin Cabdulcasiis Aala Sacuud, ayaa si cad u muujiyay in...

DAAWO: Madaxweynaha JFS oo soo dhaweeyay go’aanka Golaha Wasiirrada

DAAWO: Madaxweynaha JFS oo soo dhaweeyay go’aanka Golaha Wasiirrada

January 13, 2026
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo khudbad u jeediyey shacabka Soomaaliyeed ayaa soo dhaweeyey go'aanka Golaha Xukuumadda...

Wafdi heer sare ah oo ka tirsan Dowladda oo gaaray Laascaanood

Wafdi heer sare ah oo ka tirsan Dowladda oo gaaray Laascaanood

January 13, 2026
0

Wafdi heer sare ah oo ay qeyb ka yihiin Wasiirro iyo Xildhibaanno ka tirsan Baarlamaanka JFS ayaa goordhow gaaray Caasimadda...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In