Thursday, December 18, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka oo ku guuleysatay abaalmarin Caalami ah

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
2 months ago
in Wararka
0
Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka oo ku guuleysatay abaalmarin Caalami ah
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka (SoDMA) ayaa maanta ka heshay abaalmarin iyo aqoonsi heer caalami ah shirkii World Food Forum, taasoo ka dhalatay dadaallada joogtada ah ee lagu horumarinayo Nidaamyada Digniinta Hore iyo Tallaabooyinka Ka-hor-tagga Musiibooyinka.

Abaalmarinta waxaa guddoonsiiyay Agaasimaha Guud ee Hay’adda Cunnada iyo Beeraha ee Qaramada Midoobay (FAO), iyadoo magaca Soomaaliya uu ku guddoomay Wasiirka Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka Qaranka, kaasoo matalayay SoDMA.

Related posts

Ciidanka Danab iyo MU oo howlgal ka fuliyay Shabeellaha Hoose.

Ciidanka Danab iyo MU oo howlgal ka fuliyay Shabeellaha Hoose.

December 18, 2025
Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaaliya oo soo bandhigtay Waxqabadka Sannadka 2025.

Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaaliya oo soo bandhigtay Waxqabadka Sannadka 2025.

December 18, 2025

Guushani waxay caddeyn u tahay kaalinta muhiimka ah ee SoDMA ka qaadato horumarinta barnaamijka Digniinta Hore ee Qof Walba (#EW4All) iyo xoojinta adkeysiga bulshada Soomaaliyeed, si loo yareeyo saameynta musiibooyinka dabiiciga ah ee soo noqnoqda dalka.

SoDMA waxay sii wadi doontaa dadaallada lagu dhisayo bulsho u adkeysata aafooyinka iyo isbeddelka cimilada, iyadoo diiradda saaraysa ilaalinta nolosha iyo maalka shacabka Soomaaliyeed.

Ugudanbayn, Guddoomiyaha Hay’adda Maaraynta Masiibooyinka Soomaaliyeed (SoDMA ) Mudane Maxamuud Macalin Cabdulle ayaa uga mahadcelinayay Hay’adda Qaramada Midoobay ee FAO wadashaqaynta joogtada ah iyo xog wadaaga ku aadan khataraha laga baqayo iyo faafinta digniinaha horudhaca ah ee lagu yaraynayo saamaynta khataraha.

Previous Post

Madaxweynaha JFS oo qaabilay Xildhibaannada Soomaaliya ku meteli doona Baarlamaanka Ururka Iskaashiga Dhaqaalaha Bariga Afrika

Next Post

From Poverty to Prosperity: A Shared Commitment to Jobs, Equity and Resilience for Somalia

Next Post
From Poverty to Prosperity: A Shared Commitment to Jobs, Equity and Resilience for Somalia

From Poverty to Prosperity: A Shared Commitment to Jobs, Equity and Resilience for Somalia

Ciidanka Danab iyo MU oo howlgal ka fuliyay Shabeellaha Hoose.

Ciidanka Danab iyo MU oo howlgal ka fuliyay Shabeellaha Hoose.

December 18, 2025
0

Ururka 161-aad ee Ciidanka Kumaandooska Danab oo kaashanaya cutubka gawaarida gaashaaman ee MU ayaa howlgallo qorsheysan oo amni xaqiijin ah...

Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaaliya oo soo bandhigtay Waxqabadka Sannadka 2025.

Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaaliya oo soo bandhigtay Waxqabadka Sannadka 2025.

December 18, 2025
0

Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa si rasmi ah u soo bandhigtay Warbixinta Waxqabadka Sannadka 2025, iyadoo...

Wasiirka Gaashaandhigga Rwanda oo Muqdisho lagu soo dhaweeyay.

Wasiirka Gaashaandhigga Rwanda oo Muqdisho lagu soo dhaweeyay.

December 18, 2025
0

Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Gaashaandhigga Dowladda Federaalka Soomaaliya, Xildhibaan Cumar Cali Cabdi, ayaa maanta garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho...

Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS oo xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Sucuudiga ee Soomaaliya.

Soomaaliya iyo Qaramada Midoobey oo kala saxiixday Hagaha Ilaalinta Carruurta ee 2025.

December 17, 2025
0

Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Qaramada Midoobay ayaa maanta kala saxiixday Hagaha Hirgelinta Qorshaha 2025 ee lagu xoojinayo ilaalinta carruurta ay...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In