Friday, August 21, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka oo ku guuleysatay abaalmarin Caalami ah

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
10 months ago
in Wararka
0
Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka oo ku guuleysatay abaalmarin Caalami ah
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka (SoDMA) ayaa maanta ka heshay abaalmarin iyo aqoonsi heer caalami ah shirkii World Food Forum, taasoo ka dhalatay dadaallada joogtada ah ee lagu horumarinayo Nidaamyada Digniinta Hore iyo Tallaabooyinka Ka-hor-tagga Musiibooyinka.

Abaalmarinta waxaa guddoonsiiyay Agaasimaha Guud ee Hay’adda Cunnada iyo Beeraha ee Qaramada Midoobay (FAO), iyadoo magaca Soomaaliya uu ku guddoomay Wasiirka Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka Qaranka, kaasoo matalayay SoDMA.

Related posts

Soomaaliya Oo Dadaal ku bixineysa Horumarinta iyo Matalaadda Hay’adaha EAC

Soomaaliya Oo Dadaal ku bixineysa Horumarinta iyo Matalaadda Hay’adaha EAC

August 20, 2026
Shirka Sagaalaad ee Maareeyayaasha Jinsiyadda iyo Aqoonsiga ee Jaamacadda Carabta oo lagu qabtay Tunisia

Shirka Sagaalaad ee Maareeyayaasha Jinsiyadda iyo Aqoonsiga ee Jaamacadda Carabta oo lagu qabtay Tunisia

August 20, 2026

Guushani waxay caddeyn u tahay kaalinta muhiimka ah ee SoDMA ka qaadato horumarinta barnaamijka Digniinta Hore ee Qof Walba (#EW4All) iyo xoojinta adkeysiga bulshada Soomaaliyeed, si loo yareeyo saameynta musiibooyinka dabiiciga ah ee soo noqnoqda dalka.

SoDMA waxay sii wadi doontaa dadaallada lagu dhisayo bulsho u adkeysata aafooyinka iyo isbeddelka cimilada, iyadoo diiradda saaraysa ilaalinta nolosha iyo maalka shacabka Soomaaliyeed.

Ugudanbayn, Guddoomiyaha Hay’adda Maaraynta Masiibooyinka Soomaaliyeed (SoDMA ) Mudane Maxamuud Macalin Cabdulle ayaa uga mahadcelinayay Hay’adda Qaramada Midoobay ee FAO wadashaqaynta joogtada ah iyo xog wadaaga ku aadan khataraha laga baqayo iyo faafinta digniinaha horudhaca ah ee lagu yaraynayo saamaynta khataraha.

Previous Post

Madaxweynaha JFS oo qaabilay Xildhibaannada Soomaaliya ku meteli doona Baarlamaanka Ururka Iskaashiga Dhaqaalaha Bariga Afrika

Next Post

From Poverty to Prosperity: A Shared Commitment to Jobs, Equity and Resilience for Somalia

Next Post
From Poverty to Prosperity: A Shared Commitment to Jobs, Equity and Resilience for Somalia

From Poverty to Prosperity: A Shared Commitment to Jobs, Equity and Resilience for Somalia

Soomaaliya Oo Dadaal ku bixineysa Horumarinta iyo Matalaadda Hay’adaha EAC

Soomaaliya Oo Dadaal ku bixineysa Horumarinta iyo Matalaadda Hay’adaha EAC

August 20, 2026
0

Wasiiru-dawlaha Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah JFS ahna ergayga u qaabilsan Soomaaliya Arrimaha Bulshada Bariga Afrika (EAC), Mudane...

Shirka Sagaalaad ee Maareeyayaasha Jinsiyadda iyo Aqoonsiga ee Jaamacadda Carabta oo lagu qabtay Tunisia

Shirka Sagaalaad ee Maareeyayaasha Jinsiyadda iyo Aqoonsiga ee Jaamacadda Carabta oo lagu qabtay Tunisia

August 20, 2026
0

Maareeye Ku-xigeenka Guud ee Hay’adda Aqoonsiga iyo Diiwaangelinta Qaranka (NIRA), Mudane Cabdiraxmaan Saciid ayaa ka qaybgalay Shirka Sagaalaad ee Maareeyayaasha...

Wasaaradda Arrimaha Dibadda oo Ka Qaybqaadanaysa diyaarinta Warbixinta Waxqabadka Qaranka

Wasaaradda Arrimaha Dibadda oo Ka Qaybqaadanaysa diyaarinta Warbixinta Waxqabadka Qaranka

August 20, 2026
0

Xoghayaha Joogtada ah ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee JFS Mudane Hamza Haadoow, ayaa maanta kormeer ku...

Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya oo khudbad ka jeediyey Madasha 7-aad ee Iskaashiga Warbaahinta Afrika iyo Shiinaha

Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya oo khudbad ka jeediyey Madasha 7-aad ee Iskaashiga Warbaahinta Afrika iyo Shiinaha

August 20, 2026
0

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdulfataax Qaasim Maxamuud, ayaa khudbad uu uga hadlayay horumarka Warbaahinta ka...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In