Guddoomiyaha Ururka Somali Association of Travel and tourism (SATTA) oo uu fadhigiisu yahay Muqdisho, Cali Axmed Faarax ayaa soo dhoweeyay ansixinta Madaxweynaha Dalka ee sharciga duulista Rayidka.
Sharciga uu Madaxweynuhu Saxiixay ayuu sheegay inuu Soomaaliya fursad u siinayo in Diyaarad lasoo kireysto,lasoo iibsado, gudaha Dalkana laga qaadan karo laysinka duulista iyo Taarikada, isla markaana halkan lagu tababari karo shaqaalaha Diyaaradaha.
Mudane, Cali Axmed oo la hadlayay warbaahinta Qaranka ayaa sidoo kale sheegay in uu ku faraxsan yahay Magacaabista Maareeyaha cusub ee hay’adda duulista Rayidka, Axmed Macallin Xasan oo ah Khabiir muddo badan kasoo shaqaynayay howsha loo igmaday, isla markaana uu yahay shaqsigii ku habboonaa wax badanna kusoo kordhin kara shaqadan loo xil-saaray.
Guddoomiyaha Ururka SATTA, Cali Axmed Faarax ayaa dhinaca kale Dowladda ka codsaday in ay dib u furto duullimaadyada gudaha maaddaama ay jiraan degaanno Soomaaliyeed oo aan Dhulka lagu tegi Karin Dad badanna ay xanniban yihiin.