Sunday, February 1, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Hay’adda Shaqalaha rayidka ah ee Puntland oo imtixaano qaaday

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
10 years ago
in Wararka
0
Hay’adda Shaqalaha rayidka ah ee Puntland oo imtixaano qaaday
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Hay’ada shaqalaha rayidka ah ee Dowlad goboleedka Puntland (Puntland Civil Service  Commission) oo qaadday imtixaankii Madax-qaybeedyada Shaqada iyo shaqaalaha  ee Hay’adaha iyo Wasaaradaha ka faa’iidaysanaya mashruuca tayaynta iyo  shaqo qorista ee uu Bangiga Aduunku maal-galinayo.

Dadka laga qaaday imtixaanka ee u tartamaya shaqooyinka bannaan ayaa ah dad  u badan dhalinyaro aqoonyahanno ah oo wax ku bartay jaamacadaha dalka iyo  dibadda, waxaana lagu kala xulayaa aqoonta  ay soo barteen iyo  waayo-aragnimadooda la xiriirta shaqada.

Related posts

Ciidamada Booliska Soomaaliyeed oo soo bandhigay dhalinyaro loo soo xiray qalqalgelin amni

Ciidamada Booliska Soomaaliyeed oo soo bandhigay dhalinyaro loo soo xiray qalqalgelin amni

February 1, 2026
Hawlgalkan Seefta Aamusan oo Khawaarijta looga saaray deegaanno horleh

Hawlgalkan Seefta Aamusan oo Khawaarijta looga saaray deegaanno horleh

February 1, 2026

Munaasabadii lagu daahfuray imtixaanka laga qaadayey dadkii shaqooyinka soo  codsaday ayaa waxa goob joog ka ahaa laamaha kala duwan ee Dowlad goboleedka  Puntland ay u xilsaartay imtixaan qaadista.

Guddoomiyaha hay’ada shaqaalaha rayidka ah ee Puntland Mudane Mustafe  Siciid Shabac oo daah furay imtixaanka ayaa sheegay in shaqooyinka  ka  bannaan Dowladda ee tartanka loogu jiro ay yihiin 9 boos, kuwaas oo uu  sheegay inay imtixaam u galayaan 54 qof, waxaana dumar ahaa 22 qof, halka  ragguna uu ahaa 22 qof.

Guddoomiyaha ayaa sidoo kale sheegay in shaqooyinkan ay hore ugu soo  bandhigeen bulshada Puntland, si dadweynuhu ay ugu wada faa’iidaystaan,  Waxa uu intaasi raaciyey in  tartanka caynkan ah uu la mid yahay tartamada  aqoonta ku dhisan.

Imtixaankani wuxuu qayb ka yahay balanqaadkii Madaxweynaha Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ee ahaa in shaqooyinka dawladdu soo  dhejiso ay dadku u sinnaan doonaan loona gelidoono imtixaam furan oo u
dhaca si hufnaan iyo caddaalad ah.

Ugu dambayntii tartamayaashii ayaa loo qaybiyeey waraqadihii imtixaanka  waxaana si dhow u ilaalinayey imtixaanka dad si gaar ah loogu soo xulay.

Previous Post

Guddoonka Baarlamaanka Soomaaliya Oo Qaraar Kasoo Saaray Shirarkii Uu Baarlamaanka Ka Yeeshay Ammaanka ,,,AKHRISO+VIDEO

Next Post

Dhageyso Warka Habeen ee Radio Muqdisho

Next Post
Dhagayso Warka Habeen Ee Radio Muqdisho

Dhageyso Warka Habeen ee Radio Muqdisho

Ciidamada Booliska Soomaaliyeed oo soo bandhigay dhalinyaro loo soo xiray qalqalgelin amni

Ciidamada Booliska Soomaaliyeed oo soo bandhigay dhalinyaro loo soo xiray qalqalgelin amni

February 1, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Ciidanka Booliska Soomaaliyeed, gaar ahaan saldhigga degmada Hodan, ayaa xiray Mahad Maxamuud Xamarow (Garyaqaan), kaas oo lagu eedeeyay kicin...

Hawlgalkan Seefta Aamusan oo Khawaarijta looga saaray deegaanno horleh

Hawlgalkan Seefta Aamusan oo Khawaarijta looga saaray deegaanno horleh

February 1, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Howlgalka Seefta Aamusan ayaa suurta geliyay in Khawaarijta Al-shabaab looga saaro deegaanno badan muhiin oo ka tirsan gobollada Dalka....

Shirka Hindiya iyo Carabta oo la soo xiray

Somalia Reaffirms Economic Diplomacy at India-Arab Summit

January 31, 2026
0

H.E. Abdisalam Ali, Minister of Foreign Affairs and International Cooperation of the Federal Republic of Somalia, today participated in the...

Shirka Hindiya iyo Carabta oo la soo xiray

Shirka Hindiya iyo Carabta oo la soo xiray

January 31, 2026
0

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdisalaam Cabdi Cali Dhaay, ayaa maanta ka qeyb galay...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In