Monday, September 28, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Hay’adda Shaqalaha rayidka ah ee Puntland oo imtixaano qaaday

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
11 years ago
in Wararka
0
Hay’adda Shaqalaha rayidka ah ee Puntland oo imtixaano qaaday
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Hay’ada shaqalaha rayidka ah ee Dowlad goboleedka Puntland (Puntland Civil Service  Commission) oo qaadday imtixaankii Madax-qaybeedyada Shaqada iyo shaqaalaha  ee Hay’adaha iyo Wasaaradaha ka faa’iidaysanaya mashruuca tayaynta iyo  shaqo qorista ee uu Bangiga Aduunku maal-galinayo.

Dadka laga qaaday imtixaanka ee u tartamaya shaqooyinka bannaan ayaa ah dad  u badan dhalinyaro aqoonyahanno ah oo wax ku bartay jaamacadaha dalka iyo  dibadda, waxaana lagu kala xulayaa aqoonta  ay soo barteen iyo  waayo-aragnimadooda la xiriirta shaqada.

Related posts

Hay’adda SoDMA oo diyaarisay motooro loogu talagalay in biyaha lagu dhuuqo

Hay’adda SoDMA oo diyaarisay motooro loogu talagalay in biyaha lagu dhuuqo

September 27, 2026
𝐒𝐨𝐃𝐌𝐀 𝐢𝐲𝐨 𝐇𝐚𝐲’𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐐𝐚𝐱𝐨𝐨𝐭𝐢𝐠𝐚 𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚 𝐰𝐚𝐝𝐚 𝐡𝐚𝐝𝐥𝐚𝐲 𝐬𝐚𝐚𝐦𝐞𝐲𝐧𝐭𝐚 𝐄𝐥 𝐍𝐢ñ𝐨

𝐒𝐨𝐃𝐌𝐀 𝐢𝐲𝐨 𝐇𝐚𝐲’𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐐𝐚𝐱𝐨𝐨𝐭𝐢𝐠𝐚 𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚 𝐰𝐚𝐝𝐚 𝐡𝐚𝐝𝐥𝐚𝐲 𝐬𝐚𝐚𝐦𝐞𝐲𝐧𝐭𝐚 𝐄𝐥 𝐍𝐢ñ𝐨

September 27, 2026

Munaasabadii lagu daahfuray imtixaanka laga qaadayey dadkii shaqooyinka soo  codsaday ayaa waxa goob joog ka ahaa laamaha kala duwan ee Dowlad goboleedka  Puntland ay u xilsaartay imtixaan qaadista.

Guddoomiyaha hay’ada shaqaalaha rayidka ah ee Puntland Mudane Mustafe  Siciid Shabac oo daah furay imtixaanka ayaa sheegay in shaqooyinka  ka  bannaan Dowladda ee tartanka loogu jiro ay yihiin 9 boos, kuwaas oo uu  sheegay inay imtixaam u galayaan 54 qof, waxaana dumar ahaa 22 qof, halka  ragguna uu ahaa 22 qof.

Guddoomiyaha ayaa sidoo kale sheegay in shaqooyinkan ay hore ugu soo  bandhigeen bulshada Puntland, si dadweynuhu ay ugu wada faa’iidaystaan,  Waxa uu intaasi raaciyey in  tartanka caynkan ah uu la mid yahay tartamada  aqoonta ku dhisan.

Imtixaankani wuxuu qayb ka yahay balanqaadkii Madaxweynaha Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ee ahaa in shaqooyinka dawladdu soo  dhejiso ay dadku u sinnaan doonaan loona gelidoono imtixaam furan oo u
dhaca si hufnaan iyo caddaalad ah.

Ugu dambayntii tartamayaashii ayaa loo qaybiyeey waraqadihii imtixaanka  waxaana si dhow u ilaalinayey imtixaanka dad si gaar ah loogu soo xulay.

Previous Post

Guddoonka Baarlamaanka Soomaaliya Oo Qaraar Kasoo Saaray Shirarkii Uu Baarlamaanka Ka Yeeshay Ammaanka ,,,AKHRISO+VIDEO

Next Post

Dhageyso Warka Habeen ee Radio Muqdisho

Next Post
Dhagayso Warka Habeen Ee Radio Muqdisho

Dhageyso Warka Habeen ee Radio Muqdisho

Hay’adda SoDMA oo diyaarisay motooro loogu talagalay in biyaha lagu dhuuqo

Hay’adda SoDMA oo diyaarisay motooro loogu talagalay in biyaha lagu dhuuqo

September 27, 2026
0

Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), oo kaashanaysa Wasaaradda Gargaarka iyo Maareynta Musiibooyinka ee Jubbaland, ayaa diyaarisay 10 matoor oo...

𝐒𝐨𝐃𝐌𝐀 𝐢𝐲𝐨 𝐇𝐚𝐲’𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐐𝐚𝐱𝐨𝐨𝐭𝐢𝐠𝐚 𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚 𝐰𝐚𝐝𝐚 𝐡𝐚𝐝𝐥𝐚𝐲 𝐬𝐚𝐚𝐦𝐞𝐲𝐧𝐭𝐚 𝐄𝐥 𝐍𝐢ñ𝐨

𝐒𝐨𝐃𝐌𝐀 𝐢𝐲𝐨 𝐇𝐚𝐲’𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐐𝐚𝐱𝐨𝐨𝐭𝐢𝐠𝐚 𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚 𝐰𝐚𝐝𝐚 𝐡𝐚𝐝𝐥𝐚𝐲 𝐬𝐚𝐚𝐦𝐞𝐲𝐧𝐭𝐚 𝐄𝐥 𝐍𝐢ñ𝐨

September 27, 2026
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa xarunta dhexe ee Hay’adda ku qaabilay Guddoomiyaha Hay’adda...

JSP oo Dugsiga Sare ee Mudug ka wada ololaha doorashada

JSP oo Dugsiga Sare ee Mudug ka wada ololaha doorashada

September 27, 2026
0

Xubno ka tirsan Ururka Caddaaladda iyo Wadajirka ee JSP ayaa ololaha doorashada ka sameeyay xarunta Dugsiga Sare ee Mudug, iyagoo...

Xukunka Askari dilay Muwaadin Soomaaliyeed

Xukunka Askari dilay Muwaadin Soomaaliyeed

September 27, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Dable Xoogga Cabdi Aadan Ibraahim oo lagu naaneyso “Soddon” , ayaa lagu eedeeyey Dilka Marxuum Yuusuf Axmed Cabdi oo...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In