Wednesday, March 25, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaaliya oo si rasmi ah u hirgelisay nidaamka PISCES

Idman Yahye by Idman Yahye
9 months ago
in Wararka
0
Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaaliya oo si rasmi ah u hirgelisay nidaamka PISCES
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

RADIO MUQDISHO: Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaaliya (HSJ) ayaa si rasmi ah u hirgelisay nidaamka PISCES (Personal Identification Secure Comparison and Evaluation System), kaas oo hadda si buuxda uga hawlgala Garoonka Diyaaradaha Aadan Cabdulle ee Muqdisho.

Hirgelinta nidaamkan ayaa la socda tababar heer sare ah oo loo qabtay saraakiil ka tirsan waaxyaha kala duwan ee hay’adda, si loo xoojiyo xirfadooda la xiriirta adeegsiga nidaamka iyo sugidda amniga xuduudaha dalka.

Related posts

Xukunka Ninkii Basaasay Feeryahanad Ramla Cali iyo Kooxdiisa

Xukunka Ninkii Basaasay Feeryahanad Ramla Cali iyo Kooxdiisa

March 24, 2026
Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka oo kulan mira dhal ah la qaatay Major General Claude K.

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka oo kulan mira dhal ah la qaatay Major General Claude K.

March 24, 2026
Munaasabadda xiritaanka tababarka iyo daahfurka nidaamka cusub oo ka dhacday magaalada Muqdisho, ayaa waxa ka soo qaybgalay mas’uuliyiin sare oo ay ka mid yihiin Wasiirka Amniga Gudaha ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag), Agaasimaha Guud ee HSJ, Mudane Mustafe Sheekh Cali Dhuxulow, wakiillo ka socday Dowladda Mareykanka oo uu hoggaaminayay Mr. Bob, iyo saraakiil ka socday hay’adaha amniga gudaha iyo kuwa caalamiga ah sida Interpol.
Wasiirka Amniga Gudaha ayaa xusay in nidaamka PISCES uu sare u qaadayo awoodda dowladda ee la socodka dhaq-dhaqaaqa dadka, xakameynta tahriibka iyo dambiyada la xiriira, isla markaana uu kaalin mug leh ka qaadan doono sugidda amniga qaranka. Wasiirka ayaa dhiirrigeliyay in saraakiisha tababarka dhammeystay ay si hufan uga faa’iideeyaan aqoonta ay barteen.
Dhankiisa, Agaasimaha Guud ee HSJ ayaa tilmaamay in nidaamkan uu yahay tallaabo weyn oo lagu hormarinayo maamulka socdaalka iyo adeegsiga tiknoolojiyadda casriga ah, taasoo lagu gaari karo adeegyo degdeg ah oo ammaan ah.
Sidoo kale, wakiilka Mareykanka, Mr. Bob, ayaa sheegay in taageerada ay siiyeen hirgelinta PISCES ay ka tarjumayso iskaashi qoto dheer oo u dhexeeya labada dal, isagoo muujiyay kalsoonida ay Dowladda Mareykanku ku qabto dadaalka Soomaaliya ee dhinaca amniga.
Previous Post

WASIIR FARTAAG OO KU BAAQAY IN LA JOOJIYO COLAADDA KA DHACDAY CAABUDWAAQ

Next Post

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho oo dhagax dhigay dib-u- dhiska laamiga Zoobe

Next Post
Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho oo dhagax dhigay dib-u- dhiska laamiga Zoobe

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho oo dhagax dhigay dib-u- dhiska laamiga Zoobe

Xukunka Ninkii Basaasay Feeryahanad Ramla Cali iyo Kooxdiisa

Xukunka Ninkii Basaasay Feeryahanad Ramla Cali iyo Kooxdiisa

March 24, 2026
0

Cabdisalaam Maxamed Xasan, Cabdullahi Cusmaan Maxamed, Cabdinaasir Cumar Axmed Subeyr, Faadumo Cismaan Subeyr Cali iyo Leylo Seef Faarax Axmed, Ayaa...

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka oo kulan mira dhal ah la qaatay Major General Claude K.

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka oo kulan mira dhal ah la qaatay Major General Claude K.

March 24, 2026
0

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Sarreeye-Guuto Ibraahim Maxamed Maxamuud, ayaa kulan muhiim ah la qaatay Taliyaha Taliska Hawlgallada Gaarka ah...

Wasaaradda Arrimaha Gudaha XFS oo maamul cusub u magacawday degmada Waajid

Wasaaradda Arrimaha Gudaha XFS oo maamul cusub u magacawday degmada Waajid

March 24, 2026
0

Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo dib u heshiisiinta ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya (XFS) ayaa si rasmi ah u magacawday maamulka...

Tababar lagu baranaayo aqoonta beeraha oo Muqdisho ka socda

Tababar lagu baranaayo aqoonta beeraha oo Muqdisho ka socda

March 24, 2026
0

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka JFS. Eng.Maxamed Xassan Cabdulle ayaa furay tababar aqoon kororsi ah oo ku saabsan...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In