RADIO MUQDISHO: Wasiirka Amniga Gudaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag) ayaa ugu baaqyay dhinacyada maanta ku dagaallamay degmada Caabudwaaq ee Waqooyiga gobolka Galgaduud in ay joojiyaan dagaalka iyo daadinta dhiigga, lagulana xisaabtami doono cid walba oo horseed u ahayd colaadda uu dhiiggu ku daatay.
๐๐โ๐ข๐ข๐ฌ๐ฎ๐ฅ ๐๐๐ฌ๐๐๐ซ๐ ๐๐๐ฆ๐ฌ๐ ๐จ๐จ ๐ฆ๐๐ ๐๐๐๐๐๐๐ฒ ๐๐ ๐๐๐ฌ๐ข๐ฆ๐ ๐ค๐ฎ-๐ฑ๐ข๐ ๐๐๐ง๐ค๐ ๐๐๐ซ๐ฎ๐ง๐ญ๐ ๐๐๐๐๐ ๐ฒ๐๐๐ ๐๐ข๐๐๐ฒ๐ฌ๐๐ง (๐๐๐ฅ๐ฆ๐๐๐ฅ)
Raโiisul Wasaaraha Xukuumadda JFS Mudane Xamsa Cabdi Barre ayaa magacaabay agaasime ku-xigeenka Xarunta Adeegyada Mideysan (Halmeel). Mudane Xamsa oo cuskanaya...











