Friday, April 10, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Hay’adda Socdaalka Soomaaliya oo bilaabi doontaa adeegga E-VISA laga bilaabo 1-da Sebteembar 2025

Fardowso Xasan by Fardowso Xasan
7 months ago
in Wararka
0
Hay’adda Socdaalka Soomaaliya oo bilaabi doontaa adeegga E-VISA laga bilaabo 1-da Sebteembar 2025
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaaliya ayaa si rasmi ah u daah furtay adeegga E-VISA/ETAS, kaas oo dalka lagu soo geli doono laga bilaabo 1-da bisha Sebteembar 2025.

Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaaliya ayaa si rasmi ah ugu dhawaaqday hirgelinta adeegga E-VISA, kaas oo lagu soo dalban karo qaab elektaroonik ah iyada oo loo marayo mareegta rasmiga ah ee Hay’adda www.evisa.gov.so. Tani waa tallaabo taariikhi ah oo Soomaaliya ku biirinaysa dalalka isticmaala nidaamka casriga ah ee fiisooyinka elektarooniga ah.

Related posts

Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS oo gaaray Caasimadda Liibiya ee Tripoli

Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS oo gaaray Caasimadda Liibiya ee Tripoli

April 9, 2026
Wasiirka Wasaaradda Qoyska XFS  oo kormeertay xarunta Tuullada Carruurta SOS

Wasiirka Wasaaradda Qoyska XFS oo kormeertay xarunta Tuullada Carruurta SOS

April 9, 2026

Agaasimaha Waaxda Ajaanibta iyo Dalkugalka, Mudane Isxaaq Xasan Taakow, ayaa sheegay in muddo dheer la soo diyaarinayay nidaamkan casriga ah ee codsiga fiisaha onleenka, kaas oo fududeyn doona in dadka ajaanibta ah ay ka dalban karaan dalkugalka meelkasta oo ay joogaan, laguna helikaro muddo kooban gudahood. Waxa uu intaas ku daray in howl-wadeeno gaar ah loo tababaray si ay u hubiyaan bixinta fiisaha si hufan oo degdeg ah.

Agaasimaha Guud ee Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda, Mudane Mustafa Sheekh Cali Dhuxulow, ayaa xusay in maanta ay Soomaaliya qaadday tallaabo weyn oo taariikhi ah, taas oo muujinaysa in dalka uu la jaanqaadayo nidaamyada casriga ah ee caalamka. Waxa uu sheegay in nidaamka E-VISA uu door muhiim ah ka qaadan doono sugidda amniga dalka, ilaalinta xogta, kobcinta dhaqaalaha iyo fududeynta adeegyada socdaalka.

Agaasimaha ayaa sidoo kale sheegay in qaybo kamid ah dadka ajaanibta ah laga dhaafay shuruudaha eTAS-ka, sida kuwa haysta fiisaha wadar-jeer lagu soo geli karo dalka (Multiple Visa), kuwa haysta degenaanshaha, diblomaasiyiinta, baasaboorka UNLP, iyo dalalka Soomaaliya kula jira heshiisyada is-dhaafsiga xorriyadda socdaalka.

Sidoo kale Wasiirka Amniga Gudaha, Mudane Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil Fartaag, ayaa ku dhawaaqay in laga bilaabo 1-da Sebteembar ajaanibka dalka soo galaya ay ku soo geli doonaan nidaamka E-VISA. Wasiirku waxa uu hoosta ka xariiqay in nidaamkan casriga ah uu muhiim u yahay sugidda amniga dalka, oggolaanshaha iyo la socodka dadka soo galaya, iyo sidoo kale xoojinta hufnaanta dhaqaalaha iyadoo adeegga dalkugalka uu si toos ah ugu dhici doono koontooyinka Wasaaradda Maaliyadda.

Previous Post

Soomaaliya iyo Kazakhstan oo kala saxiixday heshiis Diblomaasiyadeed

Next Post

Madaxweynaha JFS oo kulan la qaatay Wasiirka Arrimaha dibedda Jabuuti

Next Post
Madaxweynaha JFS oo kulan la qaatay Wasiirka Arrimaha dibedda Jabuuti

Madaxweynaha JFS oo kulan la qaatay Wasiirka Arrimaha dibedda Jabuuti

Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS oo gaaray Caasimadda Liibiya ee Tripoli

Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS oo gaaray Caasimadda Liibiya ee Tripoli

April 9, 2026
0

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdisalaan Cabdi Cali, ayaa gaaray magaalada Tripoli, caasimadda...

Wasiirka Wasaaradda Qoyska XFS  oo kormeertay xarunta Tuullada Carruurta SOS

Wasiirka Wasaaradda Qoyska XFS oo kormeertay xarunta Tuullada Carruurta SOS

April 9, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Qoyska iyo Hormarinta Xuquuqul Insaanka XFS Amb Khadiija Maxamed Al-Makhzoumi ayaa maanta kormeer howleed ku tagtay xarunta Tuullada...

Madaxweynaha JFS oo u hambalyeeyay Garsoore Cumar Cartan oo ka mid noqday garsoorayaasha koobka Adduunka

Madaxweynaha JFS oo u hambalyeeyay Garsoore Cumar Cartan oo ka mid noqday garsoorayaasha koobka Adduunka

April 9, 2026
0

Madaxweynaha JFS, Mudane Dr. Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa hambalyo u diray Garsoore Cumar Cabdulqaadir Cartan, kadib markii uu noqday garsoorihii...

Raktarka Jaamacadda Ummadda oo ka qeybgalay shir muhiim ah

Raktarka Jaamacadda Ummadda oo ka qeybgalay shir muhiim ah

April 9, 2026
0

Raktarka Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed, Prof. Dr. Maxamed Maxamuud Maxamed, ayaa ka qayb galay shir muhiim ah oo ku saabsan isbeddellada...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In