Haya’adda Socdaalka iyo jinsiyaddaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, ayaa war-saxaafadeed ay soo saartay ku cadaysay in aanna jirin wax laga beddelay habraaca socdaalka Qurbejoogta Soomaaliyeed ee kusoo laabanaysa dalka.
War-saxaafadeedka ayaa sidoo kale lagu xusay in aanay jirin wax Fiise ah oo lagu soo rogay dadka imaanaya dalkooda hooyo.
Ugu dambayn Haya’adda Socdaalka iyo jinsiyadduhu waxay fartay Diyaaradaha qaada rakaabka in ay muwaadiniinta Soomaaliyeed u fududeeyaan safarkooda.
2