Guddoomiye Ku-xigeenka Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Dr. Axmed Cabdi Aadan ayaa maanta Magaalada Muqdishu ka furay tababar ku saabsan maareynta iyo Isuduwidda hawlaha Beni’aadannimo ee xeryaha barakacayaasha ee dalka ku firirsan. Furitaanka Tabarbarkan ayaa waxaa qayb ka ahaa Madaxa hay’adda UNHCR ee Sooomaaliya Mr. Magatte Guiss.
Tababarkan oo ay soo qabanqaabisay Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka ayaa ujeedkiisu yahay kobcinta aqoonta iyo xirfadaha shaqo ee hawlwadeennada hay’adaha dawladda, tababarka waxaa goob joog ka ahaa Iskuduwaha kutlada CCCM ee (UNHCR) Mr. James Macharia iyo Xiriiriyaha kutlada CCCM ee (IOM) Mr. Ali-Ismaeel.
Guddoomiye ku-xigeenka SoDMA Dr. Axmed Cabdi ayaa u mahadceliyay Hay’adaha UNHCR iyo IOM oo si gaar ah ugu hawlan taakulaynta dadka barakacayaasha, islamrakaana ku booriyay ka qaybgalayaasha in ay si mug iyo miisan leh uga faa’iidaystaan tababarka iyo inay si firfircoona uga qaybqaataan, ugana qaybgalaan doodaha mirodhalka ah oo ay isweydaarsadaan khubarada tababarka bixinaya.
Guddoomiye ku-xigeeenka ayaa xusay in ay muhiim tahay in si fiican loogu kuurgalo caqabadaha ku gadaaman xal u helidda dhibaatooyinka barakacayaasha iyo sidii loo dajin lahaa istaraatiijiyadda xal waara looga gaari lahaa masiiibada Qaran ee ka dhalan karta xaaladaha beni’aadannimo ee sababi karaan barakacayaashu.