Thursday, July 3, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Hay’adda SoDMA oo shixnad gargaar ah u dirtay degaannada Puntland

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
January 18, 2025
in Wararka
0
Hay’adda SoDMA oo shixnad gargaar ah u dirtay degaannada Puntland
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Hay’adda Maareynta Musiibooyinka oo ka jawaabaysa baahiyaha beni’aadannimo ee dalka, xoojineysana dadaallada xasilinta ayaa gargaar loogu tala-galay dadka abaaraha iyo calaaduhu saameeyeen u dirtay degaannada Dowlad Gobolleedka Puntland.

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA, Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa deeqdaan raashinka ah oo loo qorsheeyay in la gaarsiiyo Saddex kun (3,000) oo qoys ku wareejiyay Xildhibaan Cabdullaahi Maxamed Jaamac (Jigaato) oo laga soo doorto Puntland.

Related posts

Mareykanka oo bogaadiyay in Soomaaliya ay qalab casri ah dhigtay Xuduudaha dalka.

Mareykanka oo bogaadiyay in Soomaaliya ay qalab casri ah dhigtay Xuduudaha dalka.

July 2, 2025
Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka oo kulan doceed kula yeeshay Ku-xigeenka Xoghayaha Guud ee QM

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka oo kulan doceed kula yeeshay Ku-xigeenka Xoghayaha Guud ee QM

July 2, 2025

Guddoomiyaha oo warbaahinta la hadlay ayaa xusay in si loo yareeyo saameynta taban ee ka dhasha abaaraha iyo colaadaha ay hay’addu adeegsan doonto bad, barri iyo cir-ba, si gargaaka loo gaarsiiyo goobaha la xoreeyay iyo degaannada colaaduhu saameeyeen.

Xildhibaan Jigaato ayaa dhankiisa Hay’adda SoDMA uga mahad-celiyay gargaarkaan oo socdaal dhulka ah ku gaari doona degaanno ka tirsan Puntaland, halka uu Guddoomiye Maxamuud si weyn ugu mahad-celiyay Dowladda Imaaraadka oo deeqdaan keentay dalka.

Ma aha markii ugu horreysay ee Hay’adda SoDMA gargaar gaarsiiyo degaanno ka tirsan Puntland, todobaad ka hor ayay ahayd markii dowladda Imaaraaka ay magaalada Boosaaso ka dajisay 200 oo tan oo raashin ah, iyadoo la raacayo tilmaamaha SoDMA.

 

Previous Post

𝗥𝗮’𝗶𝗶𝘀𝘂𝗹 𝗪𝗮𝘀𝗮𝗮𝗿𝗲 𝗫𝗮𝗺𝘀𝗮 𝗼𝗼 𝗱𝗵𝗮𝗴𝗮𝘅-𝗱𝗵𝗶𝗴𝗮𝘆 𝗱𝗵𝗶𝘀𝗺𝗮𝗵𝗮 𝗰𝘂𝘀𝘂𝗯 G𝗮𝗿𝘀𝗼𝗼𝗿𝗸𝗮 𝗱𝗮𝗹𝗸𝗮

Next Post

Xoghayaha Guud ganacsatada Jaaliyadda ee Koonfurta Suudaan oo ka hadlay shaqaaqooyin dhacay

Next Post
Xoghayaha Guud ganacsatada Jaaliyadda ee Koonfurta Suudaan oo ka hadlay shaqaaqooyin dhacay

Xoghayaha Guud ganacsatada Jaaliyadda ee Koonfurta Suudaan oo ka hadlay shaqaaqooyin dhacay

Mareykanka oo bogaadiyay in Soomaaliya ay qalab casri ah dhigtay Xuduudaha dalka.

Mareykanka oo bogaadiyay in Soomaaliya ay qalab casri ah dhigtay Xuduudaha dalka.

July 2, 2025
0

Bayaan ka soo baxay Safaaradda Mareykanka ee xafiiska Muqdisho ayaa lagu sheegay in Dowladda Soomaaliya ay si rasmi ah u...

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka oo kulan doceed kula yeeshay Ku-xigeenka Xoghayaha Guud ee QM

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka oo kulan doceed kula yeeshay Ku-xigeenka Xoghayaha Guud ee QM

July 2, 2025
0

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Saalax Axmed Jaamac, ayaa kulan doceed kula yeeshay magaalada Sevilla ee uu ka...

NISA oo kaashanaysa Ciidamada deegaanka oo howlgallo ka fuliyay deegaanno hoostaga Moqokori

NISA oo kaashanaysa Ciidamada deegaanka oo howlgallo ka fuliyay deegaanno hoostaga Moqokori

July 2, 2025
0

 Ciidanka Nabad-sugidda Soomaaliyeed iyo kuwa deegaanka ayaa howlgal qorsheysan ka fuliyay deegaanno hoostaga degmada Moqokori ee gobolka Hiiraan, halkaas oo...

Wasiirka Maaliyadda XFS oo kulan la qaatay Xoghaya Guddiga Dhaqaalaha QM ee u qaabilsan Afrika

Wasiirka Maaliyadda XFS oo kulan la qaatay Xoghaya Guddiga Dhaqaalaha QM ee u qaabilsan Afrika

July 2, 2025
0

Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Biixi Imaan Cige oo ka qeyb galaya Shirweynaha 4-aad ee Horumarinta Maalgashiga Qaramada Midoobay...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In