Monday, September 28, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Hay’adda SoDMA oo shixnad gargaar ah u dirtay degaannada Puntland

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
2 years ago
in Wararka
0
Hay’adda SoDMA oo shixnad gargaar ah u dirtay degaannada Puntland
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Hay’adda Maareynta Musiibooyinka oo ka jawaabaysa baahiyaha beni’aadannimo ee dalka, xoojineysana dadaallada xasilinta ayaa gargaar loogu tala-galay dadka abaaraha iyo calaaduhu saameeyeen u dirtay degaannada Dowlad Gobolleedka Puntland.

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA, Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa deeqdaan raashinka ah oo loo qorsheeyay in la gaarsiiyo Saddex kun (3,000) oo qoys ku wareejiyay Xildhibaan Cabdullaahi Maxamed Jaamac (Jigaato) oo laga soo doorto Puntland.

Related posts

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo qaabilay Taliyaha Ciidanka Badda

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo qaabilay Taliyaha Ciidanka Badda

September 28, 2026
Ololaha Taageerada Musharraxiinta Ururka Siyaasadeedka Talo Qaran oo lagu qabtay Degmada Guriceel

Ololaha Taageerada Musharraxiinta Ururka Siyaasadeedka Talo Qaran oo lagu qabtay Degmada Guriceel

September 28, 2026

Guddoomiyaha oo warbaahinta la hadlay ayaa xusay in si loo yareeyo saameynta taban ee ka dhasha abaaraha iyo colaadaha ay hay’addu adeegsan doonto bad, barri iyo cir-ba, si gargaaka loo gaarsiiyo goobaha la xoreeyay iyo degaannada colaaduhu saameeyeen.

Xildhibaan Jigaato ayaa dhankiisa Hay’adda SoDMA uga mahad-celiyay gargaarkaan oo socdaal dhulka ah ku gaari doona degaanno ka tirsan Puntaland, halka uu Guddoomiye Maxamuud si weyn ugu mahad-celiyay Dowladda Imaaraadka oo deeqdaan keentay dalka.

Ma aha markii ugu horreysay ee Hay’adda SoDMA gargaar gaarsiiyo degaanno ka tirsan Puntland, todobaad ka hor ayay ahayd markii dowladda Imaaraaka ay magaalada Boosaaso ka dajisay 200 oo tan oo raashin ah, iyadoo la raacayo tilmaamaha SoDMA.

Previous Post

𝗥𝗮’𝗶𝗶𝘀𝘂𝗹 𝗪𝗮𝘀𝗮𝗮𝗿𝗲 𝗫𝗮𝗺𝘀𝗮 𝗼𝗼 𝗱𝗵𝗮𝗴𝗮𝘅-𝗱𝗵𝗶𝗴𝗮𝘆 𝗱𝗵𝗶𝘀𝗺𝗮𝗵𝗮 𝗰𝘂𝘀𝘂𝗯 G𝗮𝗿𝘀𝗼𝗼𝗿𝗸𝗮 𝗱𝗮𝗹𝗸𝗮

Next Post

Xoghayaha Guud ganacsatada Jaaliyadda ee Koonfurta Suudaan oo ka hadlay shaqaaqooyin dhacay

Next Post
Xoghayaha Guud ganacsatada Jaaliyadda ee Koonfurta Suudaan oo ka hadlay shaqaaqooyin dhacay

Xoghayaha Guud ganacsatada Jaaliyadda ee Koonfurta Suudaan oo ka hadlay shaqaaqooyin dhacay

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo qaabilay Taliyaha Ciidanka Badda

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo qaabilay Taliyaha Ciidanka Badda

September 28, 2026
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa maanta Xarunta Hay’adda kulan kula qaatay Taliyaha Ciidanka...

Ololaha Taageerada Musharraxiinta Ururka Siyaasadeedka Talo Qaran oo lagu qabtay Degmada Guriceel

Ololaha Taageerada Musharraxiinta Ururka Siyaasadeedka Talo Qaran oo lagu qabtay Degmada Guriceel

September 28, 2026
0

Waxaa Degmada Guriceel ka qabsoomay kulan iyo olole ballaaran oo lagu taageerayey musharraxiinta Ururka Siyaasadeedka Talo Qaran ee u taagan...

Hay’adda SoDMA oo diyaarisay motooro loogu talagalay in biyaha lagu dhuuqo

Hay’adda SoDMA oo diyaarisay motooro loogu talagalay in biyaha lagu dhuuqo

September 27, 2026
0

Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), oo kaashanaysa Wasaaradda Gargaarka iyo Maareynta Musiibooyinka ee Jubbaland, ayaa diyaarisay 10 matoor oo...

𝐒𝐨𝐃𝐌𝐀 𝐢𝐲𝐨 𝐇𝐚𝐲’𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐐𝐚𝐱𝐨𝐨𝐭𝐢𝐠𝐚 𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚 𝐰𝐚𝐝𝐚 𝐡𝐚𝐝𝐥𝐚𝐲 𝐬𝐚𝐚𝐦𝐞𝐲𝐧𝐭𝐚 𝐄𝐥 𝐍𝐢ñ𝐨

𝐒𝐨𝐃𝐌𝐀 𝐢𝐲𝐨 𝐇𝐚𝐲’𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐐𝐚𝐱𝐨𝐨𝐭𝐢𝐠𝐚 𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚 𝐰𝐚𝐝𝐚 𝐡𝐚𝐝𝐥𝐚𝐲 𝐬𝐚𝐚𝐦𝐞𝐲𝐧𝐭𝐚 𝐄𝐥 𝐍𝐢ñ𝐨

September 27, 2026
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa xarunta dhexe ee Hay’adda ku qaabilay Guddoomiyaha Hay’adda...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In