Friday, September 25, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Hay’adda Zamzam Oo ku Guuleysatay Shahaadada Caalamiga ah ISO 9001:2008 “Sawirro”

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
11 years ago
in Wararka
0
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Xaflad ballaaran oo ay ka qeybgaleen Madax ka kala socota Bankiga Horumarinta Islaamka, Ururka Iskaashiga Islaamka, wakiillo ka socday hey’ado deeq  bixiyaal ah fariisinkodu yahay dalka Sacuudiga iyo Ganacsato ayaa Hey’adda Zamzam lagu guddoonsiiyay SHAHAADADA TAYADA IYO MAAMUL WANAAGGA EE CAALAMIGA AH EE LOO YAQAANNO ISO 9001:2008.

Munaasabadda oo  ka dhacday Hotelka Intercontinental Magaalada Jiddah ee dalka Boqortooyada Sacuudi carabiya  ayaa Hey’adda ZAMZAM Foundation loogu aqoonsaday iney mudan tahay in la guddoonsiiyo Shahaadadaasi.

Related posts

SoDMA & WFP oo kala saxiixday heshiis lagu xoojinayo u diyaar garowga Musiibooyinka

SoDMA & WFP oo kala saxiixday heshiis lagu xoojinayo u diyaar garowga Musiibooyinka

September 24, 2026
𝑯𝒐𝒈𝒈𝒂𝒂𝒏𝒌𝒂 𝑿𝒊𝒔𝒃𝒊𝒈𝒂 𝑸𝒊𝒊𝒎𝒐 𝑸𝒂𝒓𝒂𝒏 𝒐𝒐 𝒌𝒖 𝒅𝒉𝒂𝒘𝒂𝒂𝒒𝒂𝒚 𝑻𝒂𝒂𝒈𝒆𝒆𝒓𝒂𝒅𝒂 𝑴𝒖𝒔𝒉𝒂𝒓𝒓𝒂𝒙 𝑳𝒊𝒊𝒃𝒂𝒂𝒏 𝑨𝒙𝒎𝒆𝒅 𝑿𝒂𝒔𝒂𝒏 𝒊𝒚𝒐 𝑱𝑺𝑷

𝑯𝒐𝒈𝒈𝒂𝒂𝒏𝒌𝒂 𝑿𝒊𝒔𝒃𝒊𝒈𝒂 𝑸𝒊𝒊𝒎𝒐 𝑸𝒂𝒓𝒂𝒏 𝒐𝒐 𝒌𝒖 𝒅𝒉𝒂𝒘𝒂𝒂𝒒𝒂𝒚 𝑻𝒂𝒂𝒈𝒆𝒆𝒓𝒂𝒅𝒂 𝑴𝒖𝒔𝒉𝒂𝒓𝒓𝒂𝒙 𝑳𝒊𝒊𝒃𝒂𝒂𝒏 𝑨𝒙𝒎𝒆𝒅 𝑿𝒂𝒔𝒂𝒏 𝒊𝒚𝒐 𝑱𝑺𝑷

September 24, 2026

Waa markii ugu horreysay oo Hey’ad Soomaali ahi (Mid dowladeed, tu gaar loo leeyahay iyo mid sama-falba) ay ku guuleysato Shahaadadan.

Kadib markii ay aragtay Hab maamuleedka Hey’adda ZAMZAM FOUNDATION ayay Kooxda lagu magacaabo International Expertise House for Administrative Development  oo kamid ah sharikadaha bariga dhexe ugu waaweyn dhinaca latalinta, waxa ay u sharraxday ShahaadadaISO 9001:2008, lasocod dheer oo la  xiriira howlaha iyo adeeegyada ay ZAMZAM FOUNDATION bixiso kadibna  waxaa loo aqoonsaday mid Tayada maamulkeeda iyo howlaheeduba uu yahay mid aad u  sarreysa.

Sharikadda TÜV INTERCERT SAAR fadhigeedu yahay Dalka Jarmalka oo ka shaqeysa arrimaha diiwaangelinta, shahaada bixinta ,Hannaanka Tayada iyo maamul wanaaga Hey’adaha iyo Sharikadaha caalamka ayaa  Shahaadada guddoonsiisay Agaasimaha guud ee Hey’addaZAMZAM FOUNDATION Mudane: Shuceyb C/ladiif Sheekh.

Guusha ay ZAMZAM FOUNDATION kuhanatay Shahaaddadan Caalamiga ah waxa ay kusoo beegmaysaa xilli Shirkadaha iyo Hey’adaha xukuumiga ah, kuwa gaarka loo leeyahay iyo kuwa Sama-falkuba ee caalamka ay ku hanweyn yihiin hanashada shahaaddada tayada iyo maamul wanaaga ee loo yaqaanno ISO 9001:2008.

ISO 9001:2008. Waa Shahaado sare oo caalamiya  cadayna u ah  sumacadda iyo tayada maamuul wanaaga cidda  ay u suura-gasho in ay hesho shahaadan. Waxaa shahaaddadan lagu bixiyaa dhinaca tayada habka maamulka iyadoo lasiiyo Hey’adaha la xaqiijiyo in hab maamukoodu uu yahay mid tayeysan oo la jaan-qaadi kara nidaamka caalamiga ah, waxaa horey ugu guuleystay Hey’ado iyo Sharikado dunida laga yaqaano,  laakiin marka Soomaaliya laga hadlayo ZAMZAM FOUNDATION waa tii ugu horreysay oo hantisa Shahaaddadaan.

Hey’adda ZAMZAM FOUNDATION waxaa la unkay Sanadkii 1992-kii waana hey’ad samafal oo bixisa adeegyo kala duwan oo ay kamid yihiin: Waxbarashada, Caafimaadka, Biyaha, Daryeelka Agoonta, Nabadeynta iyo Horumarinta, waxa ay ka howlgashaa guud ahaan dalka Soomaaliya, xafiiskeeda ugu weynna waxa uu ku yaallaa magaalda Muqdisho.

1234567891011101

Previous Post

Sanad-guurada 46-aad ee Ciidanka Asluubta oo maanta muqdisho lagu qabtay”Sawirro”

Next Post

Taliyaha ciidanka booliska oo kormeeray saldhiga booliska Beledweyne, dibna ugu soo laabtay Muqdisho “SAWIRRO”

Next Post
Taliyaha ciidanka booliska oo kormeeray saldhiga booliska Beledweyne, dibna ugu soo laabtay Muqdisho “SAWIRRO”

Taliyaha ciidanka booliska oo kormeeray saldhiga booliska Beledweyne, dibna ugu soo laabtay Muqdisho "SAWIRRO"

SoDMA & WFP oo kala saxiixday heshiis lagu xoojinayo u diyaar garowga Musiibooyinka

SoDMA & WFP oo kala saxiixday heshiis lagu xoojinayo u diyaar garowga Musiibooyinka

September 24, 2026
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, iyo Madaxa Hay’adda Cunnada Adduunka ee Qaramada Midoobay (WFP) Soomaaliya,...

𝑯𝒐𝒈𝒈𝒂𝒂𝒏𝒌𝒂 𝑿𝒊𝒔𝒃𝒊𝒈𝒂 𝑸𝒊𝒊𝒎𝒐 𝑸𝒂𝒓𝒂𝒏 𝒐𝒐 𝒌𝒖 𝒅𝒉𝒂𝒘𝒂𝒂𝒒𝒂𝒚 𝑻𝒂𝒂𝒈𝒆𝒆𝒓𝒂𝒅𝒂 𝑴𝒖𝒔𝒉𝒂𝒓𝒓𝒂𝒙 𝑳𝒊𝒊𝒃𝒂𝒂𝒏 𝑨𝒙𝒎𝒆𝒅 𝑿𝒂𝒔𝒂𝒏 𝒊𝒚𝒐 𝑱𝑺𝑷

𝑯𝒐𝒈𝒈𝒂𝒂𝒏𝒌𝒂 𝑿𝒊𝒔𝒃𝒊𝒈𝒂 𝑸𝒊𝒊𝒎𝒐 𝑸𝒂𝒓𝒂𝒏 𝒐𝒐 𝒌𝒖 𝒅𝒉𝒂𝒘𝒂𝒂𝒒𝒂𝒚 𝑻𝒂𝒂𝒈𝒆𝒆𝒓𝒂𝒅𝒂 𝑴𝒖𝒔𝒉𝒂𝒓𝒓𝒂𝒙 𝑳𝒊𝒊𝒃𝒂𝒂𝒏 𝑨𝒙𝒎𝒆𝒅 𝑿𝒂𝒔𝒂𝒏 𝒊𝒚𝒐 𝑱𝑺𝑷

September 24, 2026
0

Hoggaanka sare ee Xisbiga Qiimo Qaran ayaa si rasmi ah u shaaciyey go’aankiisa ku aaddan doorashada ku-celiska ah ee Galmudug,...

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO KULAN DOCEED LA QAATAY DHAXAL-SUGAHA KUWAIT

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO KULAN DOCEED LA QAATAY DHAXAL-SUGAHA KUWAIT

September 23, 2026
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa kulan doceed barbar socday meertada 81-aad ee shir madaxeedka Golaha Guud...

Madaxweynaha JFS oo kulan miro-dhal ah la qaatay Kaaliyaha Xoghayaha Arrimaha Dibadda ee Mareykanka

Madaxweynaha JFS oo kulan miro-dhal ah la qaatay Kaaliyaha Xoghayaha Arrimaha Dibadda ee Mareykanka

September 23, 2026
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa magaalada New York, kulan doceed miro-dhal ah kula yeeshay Kaaliyaha Xoghayaha...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In