Saturday, July 12, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Sanad-guurada 46-aad ee Ciidanka Asluubta oo maanta muqdisho lagu qabtay”Sawirro”

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
February 18, 2016
in Wararka
0
Sanad-guurada 46-aad ee Ciidanka Asluubta oo maanta muqdisho lagu qabtay”Sawirro”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cumar C/rashiid Cali Sharmaarke, xubno ka tirsan Golaha Wasiirrada, Guddoomiye ku-xigeenka labaad ee Baarlamaanka iyo Saraakiisha Ciidanka Qalabka Sida, ayaa ka qeyb galay Munaasabadda sanad guurada 46-aad ee aas-aaska Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed oo maanta lagu qabtay Xerada Ciidanka Asluubta ee Ex- Control Afgooye.

R/Wasaare Cumar ayaa hambalyo u direy hoggaanka iyo dhammaan Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed, wuxuna ku ammaaney, sida ay uga soo dhalaaleen hawsha adag ee loo xilsaarey ee dhinacyada difaaca, dhaqancelinta iyo barbaarinta Maxaabiista, isagoona sidoo kale xariga ka jaray Mashruuca Isdhexgalka Caddaaladda iyo Maxaabiista iyo mashruuc kale oo lagu dhisayo Taliska Ciidanka Asluubta.

Related posts

Hay’adda Qaxootiga Dunida oo walaac ka muujisay joojinta Giriigga ee codsiyada magangalyo doonka

Hay’adda Qaxootiga Dunida oo walaac ka muujisay joojinta Giriigga ee codsiyada magangalyo doonka

July 11, 2025
Madaxda Galmudug iyo Safiirka Turkiga oo ka hadlay hagaajinta Kaabayaasha dhaqaalaha

Madaxda Galmudug iyo Safiirka Turkiga oo ka hadlay hagaajinta Kaabayaasha dhaqaalaha

July 11, 2025

“Ciidanka Asluubta waxay qeyb ka yihiin ciidammada qaran ee aan leenahay ee aan ku faanno. Waxay si xilkasnimo ah uga soo baxeen waajibaadkooda, iyagoon helin taageero ku filan oo ay hawshooda ku gutaan,is-xilqaankooda ayaa keenay in maanta ay halkan ku soo bandhigaan cutubyo si wanaagsan loo tababarey oo diyaar u ah gudashada waajibaadkooda, iyo weliba inay awoodeen inay dhistaan xarumahoodii.

Ra’iisul Wasaare Cumar ayaa ugu danbeyn, xariga ka jaray labo mashruuc oo dib-loogu dhisayo Xarunta Ciidanka Asluubta iyo Xabsiga dhexe, wuxuna mahadcelin u jeediyey Taliska Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed iyo cid walba oo gacan ka geysatay fulinta mashaariicdan. Isagoo dalacsiiyey qaar kamid ah saraakiishii ugu howlkar sanaa ee waajibaadkooda u gutay si daacad ah.

—DHAMMAAD—-

unnamed (1) unnamed (2) unnamed (3) unnamed (4) unnamed (5) unnamed (6) unnamed (7) unnamed (8) unnamed (9) unnamed (10) unnamed (11) unnamed (12) unnamed (13) unnamed (14) unnamed

Previous Post

Dhageyso warka duhur ee Radio Muqdisho

Next Post

Hay’adda Zamzam Oo ku Guuleysatay Shahaadada Caalamiga ah ISO 9001:2008 “Sawirro”

Next Post

Hay’adda Zamzam Oo ku Guuleysatay Shahaadada Caalamiga ah ISO 9001:2008 “Sawirro”

Hay’adda Qaxootiga Dunida oo walaac ka muujisay joojinta Giriigga ee codsiyada magangalyo doonka

Hay’adda Qaxootiga Dunida oo walaac ka muujisay joojinta Giriigga ee codsiyada magangalyo doonka

July 11, 2025
0

Hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan qaxootiga (UNHCR) ayaa Khamiistii walaac xooggan ka muujisay wax ka beddelka sharci ee loo gudbiyay...

Madaxda Galmudug iyo Safiirka Turkiga oo ka hadlay hagaajinta Kaabayaasha dhaqaalaha

Madaxda Galmudug iyo Safiirka Turkiga oo ka hadlay hagaajinta Kaabayaasha dhaqaalaha

July 11, 2025
0

Madaxweyne ku xigeenka Galmudug Mudane Cali Daahir Ciid ayaa la kulmay Safiirka dowladda Turkiga u qaabilsan arrimaha Dalka Soomaaliya ee...

Wasaaradda caafimaadka oo boogaadisay doorka haweenka ay ku leeyihiin horumarka dalka

Wasaaradda caafimaadka oo boogaadisay doorka haweenka ay ku leeyihiin horumarka dalka

July 11, 2025
0

Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada ee XFS Dr. Maxamed Xasan Bulaale ayaa ka qeybgalay kulan looga hadlaayey...

Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS oo kulan muhiim ah la yeeshay dhigiisa Dalka Nigeria

Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS oo kulan muhiim ah la yeeshay dhigiisa Dalka Nigeria

July 11, 2025
0

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee XFS Mudsne. Abdisalam Abdi Ali, ayaa kulan wax ku ool ah la qaatay...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In