Sunday, September 6, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Heshiis dayn cafin ah oo  Soomaaliya la gashay IMF-Sawirro

caqiil by caqiil
10 years ago
in Wararka
0
Heshiis dayn cafin ah oo  Soomaaliya la gashay IMF-Sawirro
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wasiirka Maaliyadda ee Xukuumadda Federaalka Sooamlia, Mudane Maxamed Aadan Ibraahim “Farkeeti” iyo wafti uu hogaaminaayay ayaa magaaladda Nairobi kulan socday 30 March-5-ta April la yeeshay wafti ka socday Hay’ada Sanduuqa Caalamiga Adduunka ee loo yaqaano (IMF)

Ugu horayntii wafdiga IMF oo uu hogaaminaayay Mr. Rogerio Zandamela ayaa aad u soo dhaweyey horumarada dhanka maamulka maaliyadda ee dowlada Soomaalliya ay ku talaabsatay mudooyinkii ugu dambeeyey.

Related posts

Wasaaradda  Duulista Hawada JFS oo Raalligelin ka Bixisay Dhacdadii Shirkadda Salam Air, Ballanqaadayna Tallaabooyin Sharci ah

Wasaaradda Duulista Hawada JFS oo Raalligelin ka Bixisay Dhacdadii Shirkadda Salam Air, Ballanqaadayna Tallaabooyin Sharci ah

September 6, 2026
DOWLADDA SOOMAALIYA OO SI ADAG U CAMBAAREYNEYSA SOO NOQOSHADA BURCAD-BADDEEDKA, UNA YEERTAY ISKAASHI IYO TAAGEERO CAALAMI AH.

DOWLADDA SOOMAALIYA OO SI ADAG U CAMBAAREYNEYSA SOO NOQOSHADA BURCAD-BADDEEDKA, UNA YEERTAY ISKAASHI IYO TAAGEERO CAALAMI AH.

September 6, 2026

“Tan iyo sanadkii 2012, dowladda Soomaaliya waxay ku talaabsatay horumar wax ku ool ah oo ku aadan dib-u-dhiska hay’adaha dhaqaale ee dalka iyo dib-u-soo noolaynta adeegyada dowladeed. Inkastoo horumarkaas baaxad leh la gaaray, hadana amniga dalka wali waxaa ka jira caqabado, sidaas daraadeed Hay’adaha dowladda waxay u baahan yihiin dib-u-habayn baaxad leh, ii loo joogteeyo dib-u-dhiska Soomaaliya waa in lahelaa taageero horumarineed oo joogto ah”

 “Inkastoo ay xaalado adag dalka ka jiraan, hadana dadaalka dowladda waa mid mira dhalaya. Horukaca dhaqaalaha 2015tii waxaa lagu qiyaasay 3.7 boqolkiiba, halka sicir bararka 1% lagu qiyaasay. Si kastoo ay tahayba, dhibaatooyinka dagaalku keenay ayaa wali caqabad ku ah kor u qaadista dakhliga dowladda iyo gaarsiinta dadka adeegyada dowladda” ” ayuu yiri mr. Gogerio Zandamela

Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomalaiya mudane Maxamed Aden Ibraahim Farketi ayaa xusay in dowladda Soomaaliya ay ka go’an tahay la tacaalida dhamaan dhibaatooyinka dalka ka jira ayna xaqiiijinayso dadaalka loogu jiro hufnaanta maamulka iyo maaliyadda ee dalka, xoojinta adeegyada maaliyadeed iyo dib-u-noolaynta nidaam maaliyadeed oo isla xisaabtan ku dhisan.

“Si dadaalka dowladda ay wado loo dhiiro geliyo, dowladdu waxay heshiis dayn cafin ah la gashay hay’adda Sanduuqa Caalamiga ah (IMF) kaas oo ka bilaami doona May 2016. Heshiiskaan oo fulintiisa looga baahan yahay dowladda Soomaaliya wuxuu horseed u noqon karaa in daynta Soomaaliya lagu leeyahay oo gaaraysa 5.4 Billion oo Dollar, qaarkeed laga cafiyo” ayuu yiri Wasiir Farkeeti.

Heshiisku waxuu dhanka kale diiradda saarayaa xoojinta siyaasadaha kor u qaadidda habsami u socodka maamulka maaliyadda, xoojita hay’adaha dowladda, kaabidda horumarka hay’adaha dhaqaalaha ee dalka, wax ka qabashada lacagta Shilling Soomaaliga oo duugoowday, xoojinta awoodda Bankiga Dhexe oo uu ku yeelan karo ilaalinta Xawaaladaha iyo Bankiyada gaarka loo leeyahay ee dalka.

Hadaba fulinta heshiiskaan ayaa Soomaaliya u saamaxaya in ay hesho taageero dhaqaale iyo maalgalin heer caalami ah. Wuxuuna u horseedayaa in ay heshiisyo laba-geesood ah oo Soomaaliya la gasho wadamada deeq bixiyayaasha dunida. Shirka ayaa sidoo kale diirada lagu saarayey sidii Soomaaliya looga cafin lahaa daymaha lagu leeyahay wuxuuna gogol xaar u ahaa shir 12-ka April ka dhacaya magaaladda Washington ee cariga Maraykanka kaas oo dhex mari doono Hay’ada Caalamiga ee Sanduuqa Aduunka iyo Dowaladda Soomaaliya.

Ugu danbayntii Wasiirka ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya ay ka mahad celinayso heshiiskaan oo ku qotoma bilawgii dayn cafinta Soomaaliya ee ay la gashay IMF taas oo ku dhiiro gelinaysa wadamada deeq bixiyayaasha iyo hay’adaha dhaqaalaha ee aduunka in ay garab istaageen Soomaaliya si loo xaqiijiyo yididiilada dalka uu ugu jiro hanashada hawlaha qaran.

http://www.imf.org/external/np/sec/pr/2016/pr16158.htm

Untitled Untitled.png 2 Untitled.png 4

Previous Post

Maalinta Nabadda iyo isboortiga oo si weyn looga xusay Soomaaliya-Sawirro

Next Post

Madaxweynaha: “Dowladda waxay muhimad gaar ah siinaysaa adeegyada bulshada oo caafimaadka uu ugu muhiimsan yahay’’

Next Post
Madaxweynaha: “Dowladda waxay muhimad gaar ah siinaysaa adeegyada bulshada oo caafimaadka uu ugu muhiimsan yahay’’

Madaxweynaha: “Dowladda waxay muhimad gaar ah siinaysaa adeegyada bulshada oo caafimaadka uu ugu muhiimsan yahay’’

Wasaaradda  Duulista Hawada JFS oo Raalligelin ka Bixisay Dhacdadii Shirkadda Salam Air, Ballanqaadayna Tallaabooyin Sharci ah

Wasaaradda Duulista Hawada JFS oo Raalligelin ka Bixisay Dhacdadii Shirkadda Salam Air, Ballanqaadayna Tallaabooyin Sharci ah

September 6, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Gaadidka iyo Duulista Hawada ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya (M Hon. Mohamed Farah Nouh, ayaa si buuxda uga raalli-galiyey...

DOWLADDA SOOMAALIYA OO SI ADAG U CAMBAAREYNEYSA SOO NOQOSHADA BURCAD-BADDEEDKA, UNA YEERTAY ISKAASHI IYO TAAGEERO CAALAMI AH.

DOWLADDA SOOMAALIYA OO SI ADAG U CAMBAAREYNEYSA SOO NOQOSHADA BURCAD-BADDEEDKA, UNA YEERTAY ISKAASHI IYO TAAGEERO CAALAMI AH.

September 6, 2026
0

Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxay si adag u cambaaraynaysaa soo noqoshada falalka burcad-badeednimada ee ka dhacaya xeebaha Puntland ee Soomaaliya. Tan...

TALIYAHA CIIDANKA XOOGGA DALKA OO BOOQDAY TALISKA QAYBTA 1-AAD EE GORGOR

TALIYAHA CIIDANKA XOOGGA DALKA OO BOOQDAY TALISKA QAYBTA 1-AAD EE GORGOR

September 6, 2026
0

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed S/Guuto Ibrahim Maxamad Maxamuud ayaa maanta booqasho shaqo ku tegay Taliska Qaybta 1-aad ee Kumaandooska...

Ciidanka XDS oo howlgalo qorsheysan ka fuliyay deegaanka Madax-maroodi

Ciidanka XDS oo howlgalo qorsheysan ka fuliyay deegaanka Madax-maroodi

September 6, 2026
0

Ciidanka Xoogga Dalka gaar ahaan Kumaandooska Danab ayaa hawlgallo qorshaysan ka sameeyay deegaanka Madax-maroodi ee Gobolka Shabeellaha Hoose, Hawlgalkan ayaa...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In