Saturday, April 18, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Madaxweynaha: “Dowladda waxay muhimad gaar ah siinaysaa adeegyada bulshada oo caafimaadka uu ugu muhiimsan yahay’’

caqiil by caqiil
10 years ago
in Wararka
0
Madaxweynaha: “Dowladda waxay muhimad gaar ah siinaysaa adeegyada bulshada oo caafimaadka uu ugu muhiimsan yahay’’
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Related posts

Wasiirka Maaliyadda XFS oo khudbad ka jeediyay kulanka Bangiga Dunida ee Washington

Wasiirka Maaliyadda XFS oo khudbad ka jeediyay kulanka Bangiga Dunida ee Washington

April 17, 2026
Mas’uuliyiinta Buuhoodle oo u istaagay ciribtirka muqaadaraadka

Mas’uuliyiinta Buuhoodle oo u istaagay ciribtirka muqaadaraadka

April 17, 2026

Muqdisho, April 7, 2016: Madaxweynaha Dowladda Federaalka ee Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa sheegay in Dowladda Federaalka ee Soomaaliya ay xoogga saarayso horumarinta adeegyada bulshada oo caafimaadka ugu horreeyo.

Maanta oo ku beegan 7-da April oo ah maalinta caafimaadka adduunka, ayaa Ururka Caafimaadka Dunida ee WHO warbixin ay soo saartay waxay ku xustey khatarta cudurka halista ah ee kaadi macaanka ama sokorowga loo yaqaan.

WHO waxay sheegtay in tirada dadka qaba xanuunkan sannadkii 2014 lagu qiyaasay inay gaarayeen in ka badan 400 oo milyan, taas oo afar jibbaar ka badan qiyaasihii 1980-kii oo ahaa 100 milyan oo qof.

Madaxweynaha ayaa sheegay in xanuunka sokorowga ka sokow ay Soomaaliya ka jiraan xaalado caafimaad oo darran oo dowladda iyo hay’adaha kale ee caalamiga ah ay xoogga saarayaan sidii wax looga qaban lahaa.

“Si waddan uu horumar u gaaro waxaa muhiim ah in la helo bulsho caafimaad qabta. Waxaan xoogga saaraynaa caafimaadka hooyada iyo dhallaanka, ka hortagga cudurada kala duwan ee khatarta ku ah bulshadeena. Wasaaradda Caafimaadka, laamaha kale ee dowladda iyo hay’adaha caalamiga waxay ka wada shaqeynayaan sidii dib si buuxda loogu soo nooleyn lahaa adeegyadii caafimaad ee waddanka’’.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in ruux walba oo Soomaali ah oo dalka ku sugan uu xaq u leeyahay inuu helo adeeg caafimaad oo dhameystiran, lana filayo in mustaqbalka dhow hadafkaasi la gaaro.

Previous Post

Heshiis dayn cafin ah oo  Soomaaliya la gashay IMF-Sawirro

Next Post

Qoyskii hooyo Isniino oo deeq lacageed la gaarsiiyay-Sawirro

Next Post
Qoyskii hooyo Isniino oo deeq lacageed la gaarsiiyay-Sawirro

Qoyskii hooyo Isniino oo deeq lacageed la gaarsiiyay-Sawirro

Wasiirka Maaliyadda XFS oo khudbad ka jeediyay kulanka Bangiga Dunida ee Washington

Wasiirka Maaliyadda XFS oo khudbad ka jeediyay kulanka Bangiga Dunida ee Washington

April 17, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Biixi Iimaan Cige ayaa khudbad taabaneysa dhinacyo badan ka jeediyay fadhiga loo dhan...

Mas’uuliyiinta Buuhoodle oo u istaagay ciribtirka muqaadaraadka

Mas’uuliyiinta Buuhoodle oo u istaagay ciribtirka muqaadaraadka

April 17, 2026
0

Maamulka Degmada Buuhoodle,saraakiisha boliiska,kuwa daraawiishta iyo odayaasha dhaqanka ayaa yeeshay kulan looga hadlaayay xaaladda amni ee degmadaasi iyo qaabka loo...

Madaxda Wasaaradda Sportiga XFS oo kulan muhiim ah la qaatay Ururada Dhallinyarada

Madaxda Wasaaradda Sportiga XFS oo kulan muhiim ah la qaatay Ururada Dhallinyarada

April 17, 2026
0

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Dhallinyarada iyo Ciyaaraha Mudane Axmed Yuusuf Xasan ayaa kulan la qaatay hoggaamiyeyaasha ururrada dhallinyarada ee ka...

Xildhibaan Aweys Maxamed Cumar oo Nirobi kula shiray Mas’uuliyiin ka tirsan K/ Kuuriya

Xildhibaan Aweys Maxamed Cumar oo Nirobi kula shiray Mas’uuliyiin ka tirsan K/ Kuuriya

April 17, 2026
0

Ergeyga Gaarka ah ee Madaxweynaha JFS u qaabilsan Ka hortagga iyo La dagaallanka fikradaha Xagjirka ah ee wata rabshadaha Mudane...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In