Thursday, April 30, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Qoyskii hooyo Isniino oo deeq lacageed la gaarsiiyay-Sawirro

caqiil by caqiil
10 years ago
in Wararka
0
Qoyskii hooyo Isniino oo deeq lacageed la gaarsiiyay-Sawirro
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Deeqdan lacageed e ka timid qaar ka mid ah xubnaha golaha wasiirada xukuumaddda Soomaaliya oo ay u soo wakiisheen wasiir ku xigeenka wasaaradda haweenka iyo xuquuqul insaanka ee Soomaaliya ayaa gaartay qoyskii ay ka geeriyootay hooyo, Isniino oo aheyd hooyo Soomaaliyeed oo ku dhimatay qaraxi dhowaan ka  dhacay agagaarka taalada SYL oo ay geysteen  falaagada Al-shabaab.

Xusseen Bashiir, oo ah aabaha dhalay carruurtaasi ayaa ka mahadceliyey deeqadani lacageed ee uga timid xubno ka mid ah golaha wasiirada xukuumada Soomaaliya.

Related posts

Agaasimaha Caafimaadka Galmudug oo akhriyay warmurtiyeedka shirka maalgelinta caafimaadka

April 30, 2026
Ra’iisul Wasaare Ku-Xigeenka oo shir guddoomiyay Madasha Isku Xirka Howlaha Ka Hortagga Fikirka Xagjirka ah

Ra’iisul Wasaare Ku-Xigeenka oo shir guddoomiyay Madasha Isku Xirka Howlaha Ka Hortagga Fikirka Xagjirka ah

April 30, 2026

Sidoo kale waxaa iyana halkaasi ka hadashay  xildhibaan, Caasho Maxamuud Cumar (Caasha Koos) oo sheegtay in looga baahan yahay bulshada intooda wax heysta in  ay caawiyaan carruurtaasi Soomaaliyeed si loo badbaadiyo mustaqbalkooda barri.

Ugu dambeynti wasiir ku xigeenka wasaaradda haweenka iyo xuquuqul insaanka Soomaaliya, Muumino Sheekh cumar, oo wakiil ka aheyd lacagtaasi ayaa tilmaamtay in lacagtani ay iska soo urururiyeen qaar ka mid ah xubnaha golaha wasiirada ayna gaartay halkii loogu talagalay.

Muumino ayaa sido kale balan qaaday in wasaaradda haweenka iyo hourmarinta xuquuqul aadanaha ay diyaar u tahay kaalinta  waxbarashada carruurtaasi Soomaaliyeed.

Tan iyo markii qoyskaas Soomaaliyeed uu ku waayay hooyadiis qaraxii Al-shabaab ay la geysteen magaalada Muqdisho, ayaa bulshada Soomaaliyeed waxaa ay muujiyeen dareen arintaas,iyadoo hooyadaas ay ka geeriyootay  todobo carruur oo ay ayada u shaqeyn jirtay.

vlcsnap-2016-04-07-12h09m18s147 vlcsnap-2016-04-07-12h09m42s116 vlcsnap-2016-04-07-12h09m59s30 vlcsnap-2016-04-07-12h10m36s134 vlcsnap-2016-04-07-12h10m49s34 vlcsnap-2016-04-07-12h11m02s156 vlcsnap-2016-04-07-12h11m11s237 vlcsnap-2016-04-07-12h11m39s19 vlcsnap-2016-04-07-12h12m04s253

 

 

 

Previous Post

Madaxweynaha: “Dowladda waxay muhimad gaar ah siinaysaa adeegyada bulshada oo caafimaadka uu ugu muhiimsan yahay’’

Next Post

Ciidamada Booliska oo gacanta ku dhgiay gaari hoobiyaal laga soo tuuray Caawa

Next Post
Ciidamada ammaanka oo howl-gallo ka wada degmooyinka Muqdisho qaarkood

Ciidamada Booliska oo gacanta ku dhgiay gaari hoobiyaal laga soo tuuray Caawa

Agaasimaha Caafimaadka Galmudug oo akhriyay warmurtiyeedka shirka maalgelinta caafimaadka

April 30, 2026
0

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada ee Galmudug, Dr. Cabdiwali Maxamed Axmed, ayaa akhriyay warmurtiyeedka Shirweynaha 1aad ee...

Ra’iisul Wasaare Ku-Xigeenka oo shir guddoomiyay Madasha Isku Xirka Howlaha Ka Hortagga Fikirka Xagjirka ah

Ra’iisul Wasaare Ku-Xigeenka oo shir guddoomiyay Madasha Isku Xirka Howlaha Ka Hortagga Fikirka Xagjirka ah

April 30, 2026
0

Ra’iisul Wasaare Ku-Xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Saalax Axmed Jaamac, ayaa maanta shir guddoomiyay Madasha Isku Xirka Howlaha Ka Hortagga...

Wasiir Ku-xigeenka Arrimaha Dibadda oo Gaaray Johannesburg kadib Casuumaad uu ka helay Jaaliyadda Soomaaliyeed

Wasiir Ku-xigeenka Arrimaha Dibadda oo Gaaray Johannesburg kadib Casuumaad uu ka helay Jaaliyadda Soomaaliyeed

April 30, 2026
0

wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Maxamed Cali (Nadara), ayaa gaaray magaalada...

Guddoomiyaha Xiriirka Kubadda Cagta Soomaaliya oo ka qayb galaya Shirweynaha 76-aad ee FIFA Congress

Guddoomiyaha Xiriirka Kubadda Cagta Soomaaliya oo ka qayb galaya Shirweynaha 76-aad ee FIFA Congress

April 30, 2026
0

Guddoomiyaha Xiriirka Kubadda Cagta Soomaaliya ahna Madaxweyne Ku-xigeenka CECAFA Mudane Cali Cabdi Maxamed, ayaa ka mid noqday 54 guddoomiye oo...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In