Tuesday, March 24, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Heshiis laga gaaray colaaddii degaanka Xananbuure -Sawirro

Ali Abdirahman by Ali Abdirahman
5 years ago
in Wararka
0
Heshiis laga gaaray colaaddii degaanka Xananbuure -Sawirro
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Heshiis hor dhac ah oo ka kooban 12-qodob ayaa laga gaarey dagaal beeleedkii ka dhacayay degaanka Xananbuurre ee Gobolka Galgaduud.

Odayaasha ayaa saxiixey heshiiskan oo gogol xaar u noqonaya in mudo 7-maalmood gudohood ah la isugu keeno beelaha walaalaha ah, iyadoo lafilayo in dhinacyadu kawada hadlaan mashaqadii ka dhalatey dagaalkii dhowr iyo tobanka casho socdey ee ka dhacey Deegaanka Xananbuurre.

Related posts

Tababar lagu baranaayo aqoonta beeraha oo Muqdisho ka socda

Tababar lagu baranaayo aqoonta beeraha oo Muqdisho ka socda

March 24, 2026
Wasaaradda Ganacsiga XFS oo dhiirrigalinaysa kordhinta wax-soo-saarka gudaha

Wasaaradda Ganacsiga XFS oo dhiirrigalinaysa kordhinta wax-soo-saarka gudaha

March 24, 2026

Heshiiskan oo ay garwadeen ka ahaayeen, wasiir Kuxigeenka Wasaaradda Warfaafinta Soomaaliya Craxmaan Al-cadaala, Xildhibaan Cabdixakiin Macalin Axmed iyo mas’uuliyiinta Galmudug oo ay hoggaan u aheyd Wasaaradda Arimaha Guddaha, Faderaalka iyo dib u heshiisiinta oo ay Wehliyaan odayaasha labada dhinac ayaa u dhignaa sidatan.

1. Odoyaasha Dhaqanka ee labada dhinac waxaa ay ka xun yihiin colaadii foosha xumeyd ee dhex martay waxaana ay ka tacsiyadeynayaan khasaarihii ka dhashay oo naf iyo maal lahaa.

2. Waxaa la isla gaaray xabbad joojinta buuxda oo shuruud la’aan ah taas oo ka hirgasha dhammaaan degaanada ay colaaddu gaartay.

3. Xabbad joojintan waxaa ay ka wada dhaqane galeysaa dhammaan degaanada labada beel wada degaan ee ay colaadu saameysay.

4. In laga fogaado wax kasta oo xabbad joojinta wax u dhibi kara ficil iyo hadal intaba si loo soo celiyo kalsoonida bulshada.

5. In deegaanka Xananbuure dib loogu celiyo dadkii shacabka ahaa ee ka barakacay si nololshu ay caadi ugu soo noqoto.

6. Cidii jabisa xabbad joojinta waxaa loo aqoonsanayaa qaswade, waxaana ciidanka amnigu fasax u qabsan in ay ka qaadaan tilaabada ku haboon.

7. Waxaa la dhisay gudi ka kooban 15 xubnood oo ka kala imaanaya beelaha uu dagaaalku dhex maray iyo xubno ka socda DG Galmudug.

8. Laga bilaabo 13/02/2021 waxaa ka mamnuuc ah deegaanka Xananbuure in lagu dhex wato hubka waaweyn iyo midka yar yar iyadoo cidii Lagu arko ay ciidamada amnigu amar u heystaan in ay kala wareegaan hubka, qofka watana ay ka qaadaan tilaabada ku haboon.

9. Gaadiidka gaarka loo leeyahay Ee lagu ogaado inuu ka qeyb qaadanaayo ficilada nabadgalyada lidka ku ah waxaa uu wajihi doonaa ciqaabta ku haboon.

10. Laga bilaabo maanta 13/02/2021 qofwalba oo geysta fal dambiyeed waxaa odoyaasha labada beel waajib ka saaranyahay inay soo qabtaan eedeysanaha iyagoo gacan ka helaya ciidanka amniga.

11. Muddo 7 beri gudahood ah waxaa la dhigi doonaa gogol dib u heshiisiineed oo ay labada beel kuwada hadlaaan si looga heshiiyo dhamaan waxyabaha sababay dagaalka.

12. Waxgaradka iyo odoyaasha labada dhinac waxaa ay u mahad celinayaan cid kasta oo heshiiskan gacan ka geysatey.

Previous Post

Maxkamadda ICJ oo laashay dalabkii Kenya

Next Post

Wasiirka difaaca oo shir guddoomiyay kulan looga hadlay howlgalada ka dhanka ah Alshabaab -Sawirro

Next Post
Wasiirka difaaca oo shir guddoomiyay kulan looga hadlay howlgalada ka dhanka ah Alshabaab -Sawirro

Wasiirka difaaca oo shir guddoomiyay kulan looga hadlay howlgalada ka dhanka ah Alshabaab -Sawirro

Tababar lagu baranaayo aqoonta beeraha oo Muqdisho ka socda

Tababar lagu baranaayo aqoonta beeraha oo Muqdisho ka socda

March 24, 2026
0

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka JFS. Eng.Maxamed Xassan Cabdulle ayaa furay tababar aqoon kororsi ah oo ku saabsan...

Wasaaradda Ganacsiga XFS oo dhiirrigalinaysa kordhinta wax-soo-saarka gudaha

Wasaaradda Ganacsiga XFS oo dhiirrigalinaysa kordhinta wax-soo-saarka gudaha

March 24, 2026
0

Wasiirka wasaaradda ganacsiga iyo warshadaha dowladda FS mudane Jamaal Maxamed Xassan ayaa sheegay in wasaaraddu gacanta ku hayso siyaasad diyaarinta...

Ciidanka Kumaandooska Gorgor oo howlgal qorsheysan ka fuliyay Gobalka Shabeellada Dhexe

Ciidanka Kumaandooska Gorgor oo howlgal qorsheysan ka fuliyay Gobalka Shabeellada Dhexe

March 23, 2026
0

Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, gaar ahaan Kumaandooska Gorgor, ayaa howlgal qorsheysan ka fuliyay deegaanno hoos yimaada Warciise ee gobolka Shabeellaha...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka tacsiyeeyay geerida Marxuum Maxamed Faarax Jiis

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka tacsiyeeyay geerida Marxuum Maxamed Faarax Jiis

March 23, 2026
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa tacsi tiiraanyo leh u diray qoyska, ehellada iyo guud ahaan ummadda...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In