Wednesday, January 14, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Heshiis laga gaaray colaaddii degaanka Xananbuure -Sawirro

Ali Abdirahman by Ali Abdirahman
5 years ago
in Wararka
0
Heshiis laga gaaray colaaddii degaanka Xananbuure -Sawirro
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Heshiis hor dhac ah oo ka kooban 12-qodob ayaa laga gaarey dagaal beeleedkii ka dhacayay degaanka Xananbuurre ee Gobolka Galgaduud.

Odayaasha ayaa saxiixey heshiiskan oo gogol xaar u noqonaya in mudo 7-maalmood gudohood ah la isugu keeno beelaha walaalaha ah, iyadoo lafilayo in dhinacyadu kawada hadlaan mashaqadii ka dhalatey dagaalkii dhowr iyo tobanka casho socdey ee ka dhacey Deegaanka Xananbuurre.

Related posts

Wasiirka Arrimaha Gudaha oo guddoomiyay shir amni oo lagu qabtay magaalada Laascaanood.

Wasiirka Arrimaha Gudaha oo guddoomiyay shir amni oo lagu qabtay magaalada Laascaanood.

January 14, 2026
Dibadbax ka dhan ah faragelinta YH-da oo ka dhacay degmada Kaaraan ee Gobolka Banaadir.

Dibadbax ka dhan ah faragelinta YH-da oo ka dhacay degmada Kaaraan ee Gobolka Banaadir.

January 14, 2026

Heshiiskan oo ay garwadeen ka ahaayeen, wasiir Kuxigeenka Wasaaradda Warfaafinta Soomaaliya Craxmaan Al-cadaala, Xildhibaan Cabdixakiin Macalin Axmed iyo mas’uuliyiinta Galmudug oo ay hoggaan u aheyd Wasaaradda Arimaha Guddaha, Faderaalka iyo dib u heshiisiinta oo ay Wehliyaan odayaasha labada dhinac ayaa u dhignaa sidatan.

1. Odoyaasha Dhaqanka ee labada dhinac waxaa ay ka xun yihiin colaadii foosha xumeyd ee dhex martay waxaana ay ka tacsiyadeynayaan khasaarihii ka dhashay oo naf iyo maal lahaa.

2. Waxaa la isla gaaray xabbad joojinta buuxda oo shuruud la’aan ah taas oo ka hirgasha dhammaaan degaanada ay colaaddu gaartay.

3. Xabbad joojintan waxaa ay ka wada dhaqane galeysaa dhammaan degaanada labada beel wada degaan ee ay colaadu saameysay.

4. In laga fogaado wax kasta oo xabbad joojinta wax u dhibi kara ficil iyo hadal intaba si loo soo celiyo kalsoonida bulshada.

5. In deegaanka Xananbuure dib loogu celiyo dadkii shacabka ahaa ee ka barakacay si nololshu ay caadi ugu soo noqoto.

6. Cidii jabisa xabbad joojinta waxaa loo aqoonsanayaa qaswade, waxaana ciidanka amnigu fasax u qabsan in ay ka qaadaan tilaabada ku haboon.

7. Waxaa la dhisay gudi ka kooban 15 xubnood oo ka kala imaanaya beelaha uu dagaaalku dhex maray iyo xubno ka socda DG Galmudug.

8. Laga bilaabo 13/02/2021 waxaa ka mamnuuc ah deegaanka Xananbuure in lagu dhex wato hubka waaweyn iyo midka yar yar iyadoo cidii Lagu arko ay ciidamada amnigu amar u heystaan in ay kala wareegaan hubka, qofka watana ay ka qaadaan tilaabada ku haboon.

9. Gaadiidka gaarka loo leeyahay Ee lagu ogaado inuu ka qeyb qaadanaayo ficilada nabadgalyada lidka ku ah waxaa uu wajihi doonaa ciqaabta ku haboon.

10. Laga bilaabo maanta 13/02/2021 qofwalba oo geysta fal dambiyeed waxaa odoyaasha labada beel waajib ka saaranyahay inay soo qabtaan eedeysanaha iyagoo gacan ka helaya ciidanka amniga.

11. Muddo 7 beri gudahood ah waxaa la dhigi doonaa gogol dib u heshiisiineed oo ay labada beel kuwada hadlaaan si looga heshiiyo dhamaan waxyabaha sababay dagaalka.

12. Waxgaradka iyo odoyaasha labada dhinac waxaa ay u mahad celinayaan cid kasta oo heshiiskan gacan ka geysatey.

Previous Post

Maxkamadda ICJ oo laashay dalabkii Kenya

Next Post

Wasiirka difaaca oo shir guddoomiyay kulan looga hadlay howlgalada ka dhanka ah Alshabaab -Sawirro

Next Post
Wasiirka difaaca oo shir guddoomiyay kulan looga hadlay howlgalada ka dhanka ah Alshabaab -Sawirro

Wasiirka difaaca oo shir guddoomiyay kulan looga hadlay howlgalada ka dhanka ah Alshabaab -Sawirro

Wasiirka Arrimaha Gudaha oo guddoomiyay shir amni oo lagu qabtay magaalada Laascaanood.

Wasiirka Arrimaha Gudaha oo guddoomiyay shir amni oo lagu qabtay magaalada Laascaanood.

January 14, 2026
0

Wasiirka Amniga Gudaha XFS Janaraal Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag) ayaa maanta guddoomiyay shir amni oo ka dhacay magaalada Laascaanood. Shirka...

Dibadbax ka dhan ah faragelinta YH-da oo ka dhacay degmada Kaaraan ee Gobolka Banaadir.

Dibadbax ka dhan ah faragelinta YH-da oo ka dhacay degmada Kaaraan ee Gobolka Banaadir.

January 14, 2026
0

Boqolaal shacab ah ayaa maanta isugu soo baxay waddooyinka degmada Kaaraan ee gobolka Banaadir, iyagoo muujinayay dareenkooda ka dhanka ah...

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo baaq u diray Hay’adaha dowladda iyo kuwa caalamiga ah.

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo baaq u diray Hay’adaha dowladda iyo kuwa caalamiga ah.

January 14, 2026
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka (SoDMA), Mudane Maxamuud Macalin Cabdulle, ayaa magaalada Muqdisho ka furay shir muhiim ah oo u...

Soomaaliya iyo Turkiga oo bilaabay Hirgelinta heshiiskii Iskaashiga ee 2016-ka

Soomaaliya iyo Turkiga oo bilaabay Hirgelinta heshiiskii Iskaashiga ee 2016-ka

January 13, 2026
0

Magaalada Ankara ayaa lagu qabtay munaasabad lagu saxiixayay hirgelinta heshiiskii iskaashiga (MoU – June 2016) ee u dhexeeyay Wasaaradda Shaqada...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In