Deeqdan raashiinka ah ayaa ka timid hey’ada Bisha Cas ee dalka Iiran ayaa waxaana la gaarsiiyay in ka badan Toban xarumoood oo ay ku jiraan carruur Agoon ah,dad lixaadka la’ iyo kuwa danyar oo ku kala sugnaa degmoyinka gobalka Banadir.
Deeqdaan ayaa ka koobneed Bariis iyo Kalluun waxaana goobaha la gaarsiiyay deeqdaan ka mid ahaa xarumo ku kala yaala degmooyinka; Boondhere,Howlwadaag,C/Casiis ,Wadajir,Xamarweyne, Xamar jajab,iyo Hodan oo dhoor xarun oo agooni ku jirto la geeyay,dhamaan deeqdaan waxaa wareejiyay mas’uuliyiin ay ka mid yihiin , safiirka dowlada Iiran u jooga Soomaaliya mudane Javed Dehgaani, Dr. Qaasimi iyo Dr. Bashiir, oo ka Socday hay’ada Bisha Cas ee Iiran.
Safiirka dowlada Iiran u jooga Soomaaliya mudane Javed Dehgaani oo ka warbixinaya deeq ay gaarsiiyeen Isbitaalka lansareeti qeybtiisa Dhimirka oo aay jiifaan dad qaba xanuunada Dhimirka,isagoona sheegay in wax badan ay la qaban doonaan maamulka Isbitaalka.
“Hay’ada Bisha Cas Iiran sanad kasta ayeey deeqdaan bixisaa iyadoo gaarsiisa Agoonta iyo dadka danta yare waana sii wadi doonaa quudintaan intaan karno waa bil barakeysan oo ay sax tahay in la is taakuleeyo”, ayuu yiri safiirka.
Qaar kamid ah dadkii ka gudoomay deeqada ayaa u mahadceliyay hay’ada Bisha Cas ee dalka Iiran, iyagoona sheegay in ay ku soo aaday xilli ay u baahi weyn u qabeen in la caawiyo.
“Isbitaalka laansareeti waxaa ku jra bukaano badan oo qaba xanuunada dhimirka hadaan Shaqaalaha iyo maamulka Isbitaalka waa ku faraxnay deeqdaan ah Bariiska iyo Kallunka oo la soo gaarsiiyay”, ayay tiri gabadh ka tirsan maamulka Isbitaalka.
“Aad iyo aad ayaa ugu baahneen xilligaan deeqdaan waxaa halkaan ku jira carruur Agoon ah Iyo kuwa danyar ah oo u baahan saacidaadan ay nasoo gaarsiiyeen hay’ada Bisha Cas Iiraan”.
Waa sanadkii Sadaaxad ee hay’ada Bisha Cas Iiran ay deeq ceenkaan oo kala ah gaarsiiso dadka taagta daran ee ku sugan magalada Muqdisho qaarkod.
Sawir Qaade: Cabaas Xaaji