Tuesday, July 28, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Hey’adda isgaarsiinta qaranka iyo shirkadaha isgaarsiinta oo kala saxiixday heshiiska “isku-xirka shirkadaha isgaarsiinta”

Liibaan Lugcad by Liibaan Lugcad
4 years ago
in Wararka
0
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Muqdisho, 5ta Disember 2022:  Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka iyo shirkadaha isgaarsiinta ka howl gala dalka ayaa maanta gaaray heshiiska “isku-xirka shirkadaha isgaarsiinta” oo suurtagalinaya inay is wici karaan shabakadaha teleefannada kala duwan ee ka jira dalka.

Heshiiska oo ay wadajir u saxiixeen maareeyaha hay’ada Isgaarsiinta Qaranka Mustafa Yaasiin Sheekh iyo madaxda shirkadaha isgaarsiinta ayaa waxaa goob joog ka ahaa wasiirka Isgaarsiinta iyo Tiknoolojiyadda Mudane Jaamac Xasan Khaliif, wasiir ku xigeenka iyo Wasiirudowlaha, iyadda oo sidoo kale heshiiskan oo taladiisa ku daray Xafiiska Garyaqaanka Guud ee Qaranka.

Related posts

Wasiirka  Qoyska XFS oo guddoomisay Shirka Guddiga Hagista Barnaamijka Haweenka

Wasiirka Qoyska XFS oo guddoomisay Shirka Guddiga Hagista Barnaamijka Haweenka

July 27, 2026
Taliyaha Ciidanka Dhulka XDS oo Gaaray Dhuusamareeb

Taliyaha Ciidanka Dhulka XDS oo Gaaray Dhuusamareeb

July 27, 2026

Heshiiskan ayaa ah miraha kulamo wadatashi ah oo muddo dheer qaatay oo lagu go’aamiyay dhammaan waxyaabaha aasaasiga ah u ah isku-xirka shirkadaha isgaarsiinta oo ay kamid tahay qiimaha mideysan ee isku xirka mobilka (Mobile Termination Rate). Isku furidda shabakadaha isgaarsiinta billaabinaya 10-ka January 2023 iyadoo la dhameystiri doono isku xirka dhammaan shirkadaha Febraayo 2023.

Maareeyaha Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka Mustafa Yaasiin Sheekh ayaa xusay in arrinka isku xirka mobilka ay tahay howl sharciyad, wadatashi iyo farasamo wadajira u baahan, sidaas darteed loo galay kulamo wadatashi waqti dheer qaatay balse natiijo laga gaaray.

Sidoo kale maareeyaha ayaa sheegay in heshiiskan uu horseedayo horumarinta adeegga isgaarsiinta dalka oo saldhig u ah dhammaan kaabayaashaasha aasaasiga u ah soo kabashada Soomaaliya.

“Isku-xirka shabakadaha ka sokow in uu yahay waajib sharci ah iyo xuquuq macmiil, haddana waa halbeeg muhiim u ah caafimaad qabka suuqa Isgaarsiinta iyo maalgelinta teknolojiyad iyo addeegyo cusub, waxaana rajaynaynaa in heshiiskan uu soo afjari doono wadahadal la soo bilaawday as’aaskii Isgaarsiinta dalka”. Ayuu yiri Maareeyaha Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka Mustafa Yaasiin Sheekh.

Tallaabadan ayaa soo gebogabeyneysa kala xannibnaanta shirkadaha moobeelladda oo muddo dheer caqabad ku ahayd muwaadiniinta Soomaaliyeed iyo shirkadaha isgaarsiinta, sida uu xusay wasiirka Isgaarsiinta iyo Tiknoolojiyadda Mudane Jaamac Xasan Khaliif.

“Dowladdu waxa ay u taagan tahay ilaalinta xaqa muwaadinka haddii uu macaamil yahay iyo iyo haddii uu shirkad leeyahay, howsha ay hay’addu maanta soo gebo gabeysayna waa tusaale nool oo muujinaya sida ay dowladda uga go’an tahay horumarinta isgaarsiinta iyo u abuurista shirkadaha buundo sharci ku dhisan oo ay ku wada kori karaan”. Ayuu yiri wasiirka Isgaarsiinta iyo Tiknoolojiyadda Mudane Jaamac Xasan Khaliif.

Mas’uuliyiinta shirkadaha ee saxiixay heshiiska ayaa bogaadiyay sida loo soo dharaandhiriyay heshiiska oo is waafajiyay shuruucda dalka, baahida taagan, caqabadaha howshan ku xeeran iyo la jaanqaadidda nidaamka caalamiga ah ee isku xirka moobeelka, taas oo ka dhigeysa mid muddo kooban si fudud lagu hirgalin karo,

Waa tallaabo kale oo xoojineysa heerka ay Soomaaliya kaga jirto isgaarsiinta qaaradda iyo dunidaba, fursada cusubna u abuureysa suuqa isgaarsiinta dalka, dhanka kalena sahleysa nolosha iyo isku xirka bulshada.

DHAMMAAD

Previous Post

SOMALIA’S NATIONAL COMMUNICATIONS AUTHORITY AND TELECOMS SIGN AN INTERCONNECTION AGREEMENT

Next Post

Sawirro: CC Shakuur oo Qaahira kula kulmay Xoghayaha guud ee ee Jaamacadda Carabta

Next Post

Sawirro: CC Shakuur oo Qaahira kula kulmay Xoghayaha guud ee ee Jaamacadda Carabta

Wasiirka  Qoyska XFS oo guddoomisay Shirka Guddiga Hagista Barnaamijka Haweenka

Wasiirka Qoyska XFS oo guddoomisay Shirka Guddiga Hagista Barnaamijka Haweenka

July 27, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Qoyska iyo Horumarinta Xuquuqul Insaanka ee Dowladda Federaalka Soomaaliya, Danjire Khadiija Maxamed Al-Makhzoumi ayaa guddoomisay kulankii ugu horreeyay...

Taliyaha Ciidanka Dhulka XDS oo Gaaray Dhuusamareeb

Taliyaha Ciidanka Dhulka XDS oo Gaaray Dhuusamareeb

July 27, 2026
0

Taliyaha Ciidanka Dhulka ee Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Sarreeye Guuto Sahal Cabdullaahi Cumar (Gen. Khaalid), ayaa maanta gaaray magaalada Dhuusamareeb ee...

Agaasimaha Qorshaynta iyo NIS Foundation oo xoojinaya iskaashiga lagu taageerayo hirgelinta NTP 2025–2029

Agaasimaha Qorshaynta iyo NIS Foundation oo xoojinaya iskaashiga lagu taageerayo hirgelinta NTP 2025–2029

July 27, 2026
0

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Qorshaynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha, Mudane Cabdifataax Cabdulqaadir Faarax (Abdifatah Hared), ayaa kulan la yeeshay wafdi...

Hoggaamiyaha KGS oo soo xiray Shirka Banbaxa Golaha Wasiirrada Koonfur Galbeed Soomaaliya

Masuuliyiin ka tirsan DFS oo ka qeyb galay munaasabad lagu xusay sannad-guurada 5-aad ee Ololaha Nadaafadda Xeebaha

July 27, 2026
0

Muqdisho — Masuuliyiin ka tirsan Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Maamulka Gobolka Banaadir ayaa ka qeyb galay munaasabad lagu qabtay magaalada...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In