Sunday, February 22, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Madaxda dunida oo xusay sanadguuradii 75-aad ee Qaramada Midoobay

Liibaan Lugcad by Liibaan Lugcad
5 years ago
in Wararka
0
Madaxda dunida oo xusay sanadguuradii 75-aad ee Qaramada Midoobay
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Hogaamiyeyaasha dunida ayaa aallada fogaan araga kaga qeybgalay isniintii xuska 75 aad ee aas aaska Q.M, iyadoo safmarka COVID-19, iyo dhaqaalaha liita ee caalamka ay kamid yihiin caqabadaha dunida hor yaala iyo waxtarka isku duubnimada ururka oo la unkay dagaalkii labaad ee dunida.

Malaayiin dad ah ayaa lagu qasbay in ay guriyahooda joogaan dhaqaaluhu wuu baaba’ay markii safmarka COVID-19 uu ku baahay caalamka horaantii sanadkan. Hadda dalalka qaar waxay dareemayaan hirkii labaad ee cudurka 193 dal uu xubnaha ka ah ururkan waxay dareemayaan is aaminaad daro  gaar ahaan Mareykanka iyo Shiinaha oo xafiltankooda sii koreya.

Related posts

Shir Ku Aadan Isku-duwidda iyo Wada-shaqeynta Hay’adaha Dowladda oo Lagu Qabtay Muqdisho

Shir Ku Aadan Isku-duwidda iyo Wada-shaqeynta Hay’adaha Dowladda oo Lagu Qabtay Muqdisho

February 22, 2026
Ciidamada Xoogga Dalka oo hawlgallo qorshaysan ka wada degmada Xawaadley

Ciidamada Xoogga Dalka oo hawlgallo qorshaysan ka wada degmada Xawaadley

February 22, 2026

Qaramada Midoobay waxay sheegtay in munaasabadda ay ku soo aaday xilli uu dunida aafeeyay safmarka corona gaar ahaan arrimaha dhaqan dhaqaale ee bulshooyinka caalamka.

Madaxweynaha Shiinaha oo kulanka ka qeybgalay ayaa isniintii sheegay in dalna uusan awood u laheyn in danaha kuwa kale ku amar ku taagleeyo.

“Dalna xaq uma lahan in arrimaha dunida uu shiikhiyo ama isaga uu maamul, ama isaga ka faa’ideysto horumarka dhammaan kuwa. Xataa in qof wax yar wixii uu doonayay loo ogolaado ama hogaamiyaha dunida. Keligii talisnimo waa ay dhammaatay.” ayuu yiri madaxweyne Xi.

Shiinaha ayaa hadda isku arka hogaamiyaha duni go’aanada la wada leeyahay ka dib markii Madaxweyne Trump uu ka baxay iskaashiga caalamka sida heshiiska cimilada, heshiiskii Iran sidoo kale uu joojiyay xubinimada Mareykanka guddiga sare ee xuquuqul insaanka QM iyo hey’adda caafimaadka ee WHO.

Madaxweyne Trump ayaa ku jirey liiska madaxda khubadaha ugu horeeya jeedin doona laakiin bedelkiisa waxaa hoolka shirka ee QM ka hadashay sii hayaha xilka danjiraha Mareykanka ee QM Cherith Norman Chalet.

Waxay sheegtay in hey’adan ay waxyaabo badan oo la soo maray ay tijaabo ugu filan tahay sidaa darteedna ay jiraan arrimo laga walaacsan yahay.

“QM muddo dheer ayay ka caga jiidaysay is bedel micno leh lagu sameeyo ka ddib markii ay lumisay daah furnaanta ayna u nuglaatay agendiyaasha keligii taliyaha iyo digtaatooriyadda,” ayay sheegtay  haweeneydan.

Maqanaanshaha madaxweyne Trump ayaa shaki badan abuurtay, dadka waxay is weydiinayaan tani ma arrin si ula kac loo sameeyay baa mise, QM ayaan kamid aheyn waxyaabaha mudnaanta u leh Mareykanka.

Xoghayaha guud ee QM Antonia Guterres ayaa sheegay in safmarka COVID-19 uu caalamka mid kala daadsan.

Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan ayaa sheegay in QM u baahan tahay in isbedel lagu sameeyo.

“Golle masiirka ummad ka badan todobo bilyan uu gacanta ugu jira in ay ka koobnaadaan shan dal ma caddaalad baa?,” ayuu yiri madaxweyne Recep Tayyip Erdogan.

Tags: Hogaamiyaasha Q.M oo kulan ka yeeshay xaalada cakiran ee Cudurka Covid-19
Previous Post

Mareykanka Tirada Dhimashada Covid-19 Waxay Ku Dhowdahay 200,000

Next Post

Ciidanka Xoogga Dalka oo ku wajahan deegaano ka tirsan Galgaduud.

Next Post
Ciidanka Xoogga Dalka oo ku wajahan deegaano ka tirsan  Galgaduud.

Ciidanka Xoogga Dalka oo ku wajahan deegaano ka tirsan Galgaduud.

Shir Ku Aadan Isku-duwidda iyo Wada-shaqeynta Hay’adaha Dowladda oo Lagu Qabtay Muqdisho

Shir Ku Aadan Isku-duwidda iyo Wada-shaqeynta Hay’adaha Dowladda oo Lagu Qabtay Muqdisho

February 22, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya (XFS), Mudane Cabdulqaadir Cali, ayaa guddoomiyay kulanka...

Ciidamada Xoogga Dalka oo hawlgallo qorshaysan ka wada degmada Xawaadley

Ciidamada Xoogga Dalka oo hawlgallo qorshaysan ka wada degmada Xawaadley

February 22, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed (CXDS) ayaa wada howlgallo qorsheysan, kaas oo lagu beegsanayo maleeshiyaadka Khawaarijta ee ku dhuumaaleysanaya aagga deegaanka...

Tartamayaasha Deyniile oo caawa u gudbay wareegga Labaad ee tartanka

Tartamayaasha Deyniile oo caawa u gudbay wareegga Labaad ee tartanka

February 22, 2026
0

Tartan cilmiyeedka bisha Ramadaan oo galay sanadkii Lix iyo tobnaad oo ay qabaneyso Warbaahinta Qaranka, isla markaana si toos ah...

Horumarinta Mashruuca SRSP oo laga shiray

Horumarinta Mashruuca SRSP oo laga shiray

February 21, 2026
0

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta ee Dowladda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdulqaadir Cilmi ayaa shir-guddoomiyay kulan Guddiga...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In