Thursday, July 30, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Caalamka

Hogaamiyaha Falastiin oo ku hanjabay inuu ka bixi doona heshiisyadii ay la galeen Isra’iil

Liibaan Lugcad by Liibaan Lugcad
7 years ago
in Caalamka, Wararka
0
Hogaamiyaha Falastiin oo ku hanjabay inuu ka bixi doona heshiisyadii ay la galeen Isra’iil
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Madaxweynaha Falastiin Maxamuud Cabaas ayaa ku hanjabay inuu ka baxayo heshiisyadii ay la galeen Isra’iil, haddii uu Benyamiin Netanyahu uu oofiyo balanqaadkiisii ahaa inuu qabsanayo dooxada Jordan iyo Waqooyiga Badda loo yaqaano (Baxrul meyd).

War qoraal ah oo ay baahisay  Wakaaladda wararka ee Falastiin, ayaa lagu yiri: Cabaas wuxuu sheegay in heshiisyadii lala galay Israa’iil ay dhici doonaan haddii ay Isra’iil ku soo xad gudubto qeyba horleh oo dhulka Falastiin ka mid ah.

Related posts

Ku-simaha Taliyaha Ciidanka XDS oo la kulmay Taliyaha Ciidamada Maraykanka ee Afrika

Ku-simaha Taliyaha Ciidanka XDS oo la kulmay Taliyaha Ciidamada Maraykanka ee Afrika

July 29, 2026
Tababarka wajigii labaad ee Kobcinta Awoodda Maaliyadda Cimilada oo la soo gabagabeeyay

Tababarka wajigii labaad ee Kobcinta Awoodda Maaliyadda Cimilada oo la soo gabagabeeyay

July 29, 2026

Maxamuud Cabaas ayaa sidokale sheegay in go’aamada Netanyahu ay ka hor imaanayaan go’aamadii lawada galay iyo sharciyada caalamka.

Netanyahu “ma doonayo xalkasta oo nabadda lagu xoojinayo mana aqoonsano in go’aamada Dowladda Falastiin ay wax tar yahiin, wuxuna diidayaa heshiiskii hore ee la wada galay ” ayuu yiri Maxamuud Cabaas.

Xoghayaha guud ee guddiga fulinta Ururka Xoreynta Falastiin Saa’ib Cureyqaad , ayaa sheegay in aan loo dulqaadan Karin hanjabaada Yahuuda ee ku aadan qabsashada dooxada Jordan iyo waqooyiga Baxrul meyd, talaabadana ay tahay dambi dagaal iyo meelka dhac loo geysatay karaamada Dadka reer Falastiin.

Mas’uul kale tirsan Ururka Xoreynta Falastiin ee PLO  oo lagu magacaabo Xanaan Ashraawi ayaa ku tilmaamay hadalka Netanyahu inuu yahay xadgudub dhuleed iyo  mid qowmiyadeed oo meesha ka saraya fursadaha nabadda ee horay loo galay.

Ugu danbeeyntii Ururka Xamaas ayaa si wada jir ah uga soo horjeestay hadalka hanjabaada ah eek a soo yeeray Benyamiin Netanyahu ee ku aadan inuu qabsashada dooxada Jordan iyo waqooyiga Baxrul meyd.

Previous Post

Bakol Regional Administration Re-opens Hudur High school

Next Post

Ra’iisul Wasaare Khayre: Wadajirka Reer Xudur Cadawga Isaga Dul Qaadeen Oo Amniga Uga Shaqeeyeen Waxa Ay Tusaale u Tahay In Dadka Soomaaliyeed Wax Qabsan Kararaan “SAWIRRO”

Next Post
Ra’iisul Wasaare Khayre: Wadajirka Reer Xudur Cadawga Isaga Dul Qaadeen Oo Amniga Uga Shaqeeyeen Waxa Ay Tusaale u Tahay In Dadka Soomaaliyeed Wax Qabsan Kararaan “SAWIRRO”

Ra’iisul Wasaare Khayre: Wadajirka Reer Xudur Cadawga Isaga Dul Qaadeen Oo Amniga Uga Shaqeeyeen Waxa Ay Tusaale u Tahay In Dadka Soomaaliyeed Wax Qabsan Kararaan "SAWIRRO"

Ku-simaha Taliyaha Ciidanka XDS oo la kulmay Taliyaha Ciidamada Maraykanka ee Afrika

Ku-simaha Taliyaha Ciidanka XDS oo la kulmay Taliyaha Ciidamada Maraykanka ee Afrika

July 29, 2026
0

Ku-simaha Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ahna Taliyaha Ciidanka Dhulka, Sarreeye Guuto Sahal Cabdullaahi Cumar, ayaa maanta magaalada Muqdisho kula...

Tababarka wajigii labaad ee Kobcinta Awoodda Maaliyadda Cimilada oo la soo gabagabeeyay

Tababarka wajigii labaad ee Kobcinta Awoodda Maaliyadda Cimilada oo la soo gabagabeeyay

July 29, 2026
0

Sanduuqa Qaranka ee Cimilada ee Wasaaradda Maaliyadda, oo kaashanaya Ururka Bangiyada Soomaaliyeed ayaa soo gabagabeeyay maanta tababbarka wajigii labaad ee...

Danjire Hodan oo waraaqaha aqoonsiga Danjirenimo u gudbisay Boqorka Japan ‎

Danjire Hodan oo waraaqaha aqoonsiga Danjirenimo u gudbisay Boqorka Japan ‎

July 29, 2026
0

Danjiraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya u fadhiya Jamhuuriyadda Shacabka Shiinaha, ahna Danjiraha aan degganayn ee Japan, Dr. Hodan Cusmaan Cabdi, ayaa...

Wasiir Fiqi” Waxaa jira mas’uuliyiin magac dilka dalka, Dowlado shisheeye lacago uga soo qaatay”,

Dowladda oo faahfaahin ka bixisay duqeymo lagu dilay Horjoogayaal ka tirsan Khawaariijta

July 29, 2026
0

Wasiirka Gaashaandhigga XFS, Mudane Axmed Macallin Fiqi, oo shir jaraa’id ku qabtay magaalada Gaalkacyo, ayaa shaaciyay in howlgal duqeyn ah...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In