Hogaamiye yaasha Midawga Yurub oo soo gabagabeeyay shir ay maalintii saddexaad ku lahayeen Brussels ayaa ku guul dareystay in ay madasha ka soo saraan qorshe mideysan iyo dib u soo kabasho dhaqaale, kadib markii uu sameeyn dhaqaale ku yeeshay xanuunka Corona.
Shir madaxeedkan ay yeesheen waddamada Midowga Yurub ayaa ujeedadiisu ahaa in la isku raaco xirmooyin mucaawino ah oo Yurub ay kaga soo kabaneeyso hoos u dhicii dhaqaale ee ugu xumaa tan iyo dagaalkii Labaad ee Adduunka.
Madaxweynaha Golaha midowga Yurub Charles Michel, ayaa ku booriyay hoggaamiyeyaasha Midowga Yurub in aysan dunida tusin daciifnimo dhaqaale ee uu Yurub dhaxalsiiyay Corona Virus.
Mr Michel ayaa muujiyay rabitaankiisa ku aaddan in hogaamiyaasha Yurub ay gaaraan heshiis dhaqaale oo guul u horseeda midowga Yurub.
Hogaamiyaasha ayaa isku af garan waayay cabirka dhaqaale ee lagu bilaabaya sanduuqa soo kabashada Yurub iyo xaddiga deeqaha loo baahanyahay, iyada oo qaar ka mid ah waddamada Yurub ay ka dhawaajiyeen rabitaankooda ah in la xadido deeqaha iyo dhaqaalaha la yaboohaya ee ay Yurub kaga soo kabaneeyso sameeyntii dhaqaale ee uu ugeeystay xanuunka Covid19.
Intii uu socday shirka waxaa soo wajahay caqabado iyo dooda ku qotamay dhimista miisaaniyadda EU gaar ahaan waddammada hodanka ah, iyo sido kale is-afgaranwaa ka yimid hanaanka cusub ee maalgelinta Midowga Yurub oo loo arkay in uu ku xadgudbaayo mabaadi’da dimoqraadiyadda reer Yurub.