Saturday, October 17, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Hoggamiye Aadan Madoobe oo daahfuray Mashruuca Bulsho

Shamis Hassan Harun by Shamis Hassan Harun
3 months ago
in Wararka
0
Hoggamiye Aadan Madoobe oo daahfuray Mashruuca Bulsho
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

RADIO MUQDISHO(BAYDHABA):-Hoggaamiyaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Aadan Madoobe), ayaa maanta si rasmi ah u daah-furay Mashruuca Bulsho.

Munaasabadda furitaanta waxaa goobjoog ka ahaa Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdulqaadir Cilmi, masuuliyiin ka socday Dowladda Federaalka iyo Koonfur Galbeed, bah-wadaagta caalamiga ah iyo qeybaha kala duwan ee bulshada.

Related posts

Aqoon isweydaarsi ku saabsan warbaahinta oo xubno ka socda Wasaaradda Warfaafinta uga furmay dalka Shiinaha

Aqoon isweydaarsi ku saabsan warbaahinta oo xubno ka socda Wasaaradda Warfaafinta uga furmay dalka Shiinaha

October 17, 2026
Madaxweynd Xasan Sheekh oo kormeeray markabka shidaal-qodista Soomaaliya

Madaxweynd Xasan Sheekh oo kormeeray markabka shidaal-qodista Soomaaliya

October 17, 2026

Hoggaamiyaha Koonfur Galbeed Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur oo ka hadlay munaasabadda, ayaa sheegay in Mashruuca Bulsho uu door weyn ka qaadan doono horumarinta degmooyinka, xoojinta adkeysiga bulshada iyo tayeynta adeegyada heer deegaan. Wuxuu sidoo kale caddeeyay in maamulkiisu uu adkeyn doono isla xisaabtanka iyo hannaanka hirgelinta mashruuca, isagoo faray wasaaradaha iyo degmooyinka inay si hufan u fuliyaan una gaarsiiyaan bulshada.

Dhankiisa Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta XFS Mudane Cabdulqaadir Cilmi, ayaa sheegay in Mashruuca Bulsho uu yahay hindise qaran oo lagu xoojinayo dowlad-dhiska heer deegaan, kor loogu qaadayo ka-qaybgalka bulshada, laguna tayeynayo adeegyada dowladda. Waxa uu adkeeyay in guusha mashruucu ay ku xirnaan doonto wada-shaqeyn dhow oo dhex marta Dowladda Federaalka, Dowlad Goboleedyada, dowladaha hoose, bulshada iyo bah-wadaagta horumarinta, si loo xaqiijiyo hirgelin hufan iyo natiijooyin waara.

Ugu dambeyn Agaasime Cabdulqaadir Cilmi ayaa uga mahadceliyay Koonfur Galbeed, hay’adaha taageeraya mashruuca iyo dhammaan daneeyayaasha kaalintooda ku aaddan hirgelintiisa, isaga oo muujiyay rajada laga qabo in Mashruuca Bulsho uu horseedo horumar waara, xoojiyo hay’adaha dowladda, isla markaana sare u qaado adeegyada iyo ka-qaybgalka bulshada ee guud ahaan Koonfur Galbeed.

Munaasabadda waxaa sidoo kale lagu soo bandhigay warbixino ku saabsan waxtarka mashruuca, heerarka uu soo maray, goobaha uu ka hirgelayo iyo hiigsigiisa.

Mashruuca Bulsho wuxuu xoojinayaa dadaallada Soomaaliya ee ku aaddan hirgelinta maamul-daadejinta iyo tayeynta adeegyada dowladda, isaga oo awood siinaya magaalooyinka, degmooyinka iyo bulshooyinka deegaanka, iyadoo la adeegsanayo hannaan ka soo bilaabma heerka bulshada.

Sidoo kale mashruucu wuxuu isku xirayaa mudnaanta iyo baahiyaha bulshada deegaanka iyo qorshayaasha heer qaran, si loo xoojiyo isku-duwidda iyo wada-shaqeynta u dhexeysa Dowladda Federaalka, Dowlad Goboleedyada, dowladaha hoose iyo bulshada, loona xaqiijiyo adeegyo hufan iyo horumar waara.

Previous Post

Furitaanka Kalfadhiga 8-aad ee Labada Aqal ee BJFS oo la shaaciyay

Next Post

Machadka Daraasaadka Diblomaasiyadda oo Daah-furay Barnaamij Tababar Xirfadeed

Next Post
Machadka Daraasaadka Diblomaasiyadda oo Daah-furay Barnaamij Tababar Xirfadeed

Machadka Daraasaadka Diblomaasiyadda oo Daah-furay Barnaamij Tababar Xirfadeed

Aqoon isweydaarsi ku saabsan warbaahinta oo xubno ka socda Wasaaradda Warfaafinta uga furmay dalka Shiinaha

Aqoon isweydaarsi ku saabsan warbaahinta oo xubno ka socda Wasaaradda Warfaafinta uga furmay dalka Shiinaha

October 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Tababar socon doona muddo 21 maalmood ah ayaa magaalada Jinhua ee gobolka Zhejiang, Jamhuuriyadda Shacabka Shiinaha, uga furmay 27...

Madaxweynd Xasan Sheekh oo kormeeray markabka shidaal-qodista Soomaaliya

Madaxweynd Xasan Sheekh oo kormeeray markabka shidaal-qodista Soomaaliya

October 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kormeer shaqo ku tagay markabka Çağrı Bey, oo ku sugan...

WASIIRKA WARFAAFINTA XFS OO BOOQDAY BANDHIGGA SOM SOUK EXPO

WASIIRKA WARFAAFINTA XFS OO BOOQDAY BANDHIGGA SOM SOUK EXPO

October 15, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdifataax Qaasim Maxamuud ayaa caawa booqday bandhigga ganacsiga ee Som...

𝐑/𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚 𝐨𝐨 𝐝𝐡𝐚𝐠𝐚𝐱-𝐝𝐡𝐢𝐠𝐚𝐲 𝐗𝐚𝐫𝐮𝐧𝐭𝐚 𝐒𝐚𝐲𝐧𝐢𝐬𝐤𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐓𝐢𝐤𝐧𝐨𝐨𝐥𝐨𝐣𝐢𝐲𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐞𝐞 𝐉𝐚𝐚𝐦𝐚𝐜𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐒𝐈𝐌𝐀𝐃

𝐑/𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚 𝐨𝐨 𝐝𝐡𝐚𝐠𝐚𝐱-𝐝𝐡𝐢𝐠𝐚𝐲 𝐗𝐚𝐫𝐮𝐧𝐭𝐚 𝐒𝐚𝐲𝐧𝐢𝐬𝐤𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐓𝐢𝐤𝐧𝐨𝐨𝐥𝐨𝐣𝐢𝐲𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐞𝐞 𝐉𝐚𝐚𝐦𝐚𝐜𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐒𝐈𝐌𝐀𝐃

October 15, 2026
0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa maanta dhagax-dhigay dhismaha xarunta cusub ee Sayniska iyo Tiknoolojiyadda...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In