Monday, April 6, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Horjoogayaashii Khawaarijta oo Ceelbuur isaga baxay

caqiil by caqiil
3 years ago
in Wararka
0
Horjoogayaashii Khawaarijta oo Ceelbuur isaga baxay
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wararka ay warbaahinta qaranka ka heleyso deegaanno ka tirsan degmada Ceelbuur ee gobolka Galguduud ayaa sheegaya in horjoogayaashii waa weynaa ee maleeshiyada kooxda Khawaarijta Al-shabaab ee ku sugnaa Ceelbuur iyo nawaaxigeeda ay isaga baxeen halkaas cabsi awgeed.

Wararka laga helayo degmada Ceelbuur ayaa intaas ku daraya in horjoogayaasha deegaanka ka soo jeeda ee maalmihii la soo dhaafay odayaasha dhaqanka kula kulmayay deegaanno hoostaga degmada Ceelbuur ee gobolka Galguduud gabi ahaanba faarujiyeen,iyaga oo aan la ogeyn halka ay qabteen.

Related posts

Duqeyn lagu dilay Horjoogayaal ka tirsan Al-Shabaab oo laga fuliyay Bakool

WAR-SAXAAFADEED: Ciidanka Qaranka oo kaashanaya saaxiibbada caalamka oo howlgalo duqeyn ah fuliyey.

April 6, 2026
Madaxweynaha JFS “Koonfur Galbeed waxa ay noqon doontaa Dowlad Goboleedka ugu horreeya ee laga hirgeliyo doorasho qof iyo cod ah.”

Madaxweynaha JFS “Koonfur Galbeed waxa ay noqon doontaa Dowlad Goboleedka ugu horreeya ee laga hirgeliyo doorasho qof iyo cod ah.”

April 6, 2026

Horjoogayaashan ayaa u faarujiyay Ceelbuur iyo nawaaxigeeda oo maalmihii u dambeeyay ku hadaaqayeen in ay ka difaacan karaan ciidamada qalabka sida iyo dadka deegaanka, kuwaas oo maalmihii u dambeeyay dhaq-dhaqaaq xooggan oo ku aadan sidii Khawaarijta looga saari lagaa Ceelbuur iyo deegaannada ku xeeran oo argagixisada ku sugneyd dhowr iyo tobankii Sano ee la soo dhaafay.

Quus goynta Khawaarijta Al-shabaab ee degmada Ceelbuur ayaa ka dambeysay ka dib markii, kooxdu ku hungowday dalab ay u gudbisay odayaasha dhaqanka ee ka soo jeeda Ceelbuur oo ku aadan in ay ku garab siyaan difaaca degmadaas, taas oo odayaasha dhaqanka si cad u diideen.

Dhowaan ayay ahayd markii, deegaanno dhowr ah oo hoostaga degmada Ceelbuur ee gobolka Galguduud, odayaash ku sugan ay Al-shabaab ka diideen in ay kala wareegaan hub ay argagixisadu doonesyay in ay odayaasha ku qaldaan.

Odayaasha dhaqanka ayaa kala dooradsiiyay Khawaarijta in ay ciidamada Dowladda ee ku soo wajahan ay isku dhiibaan ama ay isaga baxaan degmada, horjoogayaasha Al-shabaab ayaa gudaha degmada Ceelbuur kaga tegey dhallinyaro yar yar oo ay soo qaldeen.

Sidoo kale, wararka Ceelbuur laga helayo ayaa sheegaya in horjoogayaasha Khawaarijta Al-shabaab ee ku sugnaa halkaas, habeenadii la soo dhaafay ee isniintii iyo axaddii ay ka huleeleen degmadaas iyo deegaannada ku dhow dhow.

Balse, goobtaas waxaa ku sugan maleeshiyaad tiro badan oo deegaanka aan u dhalan, kuwaas oo badankood ka soo jeeda gobollada kale ee koonfurta Soomaaliya.

Tallaabadani waxay muujineysaa in gabi ahaanba meesha ka baxday rejadii Al-shabaab ee ahayd  in ay ku sii sugnaadaan degmada Ceelbuur iyo deegaannada ku xeeran oo ka dagaallamaan.

Sidan oo kale, ayay Khawaarijta Al-shabaab u soo baneeyeen deegaanno iyo degmooyin ka tirsan gobollada dhexe ee dalka, ka hor inta aysan gaarin ciidamada qaranka iyo xoogagga dadweynaha ee caawinaya.

Waxaa la xusuusataa in maleeshiyada Al-shabaab ay beenneeyeen degmada Xarardheere iyo Galcad oo ka tirsan Galmudug, kuwaas oo si dhib la’aan ah ay kula wareegaan geesiyaasha qaranka iyo dadka deegaanka oo iskaashanaya, waxaanna hadda deegaannadaas laga dareemaya nabad iyo horumar.

Maleeshiyada kooxda Al-shabaab ayaa bilihii la soo dhaafay lumiyay deegaanno iyo degmooyin ka badan kontan,kuwaas oo dhaca koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya oo muddo dhowr iyo toban Sano ahdadka ay xoog ku hayseen.

 

Previous Post

Madaxweynaha Jamhuuriyadda oo booqasho rasmi ah uga bilaabatay dalka Qatar “SAWIRRO”

Next Post

Ciidanka ammaanka oo gacanta ku soo dhigay dad ka Ganacsanayay Maandooriye

Next Post
Ciidanka ammaanka oo gacanta ku soo dhigay dad ka Ganacsanayay Maandooriye

Ciidanka ammaanka oo gacanta ku soo dhigay dad ka Ganacsanayay Maandooriye

Duqeyn lagu dilay Horjoogayaal ka tirsan Al-Shabaab oo laga fuliyay Bakool

WAR-SAXAAFADEED: Ciidanka Qaranka oo kaashanaya saaxiibbada caalamka oo howlgalo duqeyn ah fuliyey.

April 6, 2026
0

Ciidanka Qaranka, oo kaashanaya saaxiibbada caalamka, ayaa aroornimadii maanta fuliyay hawlgallo duqeymo ah oo ka dhacay deegaanka Gasarta, oo u...

Madaxweynaha JFS “Koonfur Galbeed waxa ay noqon doontaa Dowlad Goboleedka ugu horreeya ee laga hirgeliyo doorasho qof iyo cod ah.”

Madaxweynaha JFS “Koonfur Galbeed waxa ay noqon doontaa Dowlad Goboleedka ugu horreeya ee laga hirgeliyo doorasho qof iyo cod ah.”

April 6, 2026
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo uu wehliyo Hoggaamiyaha KMG ah ee Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya,...

Guddoomiyaha Guddiga Doorashooyinka Qaranka oo gaaray magaalada Baydhabo

Guddoomiyaha Guddiga Doorashooyinka Qaranka oo gaaray magaalada Baydhabo

April 6, 2026
0

Guddoomiyaha Guddiga Madaxa-Bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha, Mudane Cabdikariim Axmed Xasan, iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa gaaray magaalada Baydhabo...

Agaasimaha Wasaaradda Arrimaha Gudaha oo shir guddoomiyay kulan muhiim ah

Agaasimaha Wasaaradda Arrimaha Gudaha oo shir guddoomiyay kulan muhiim ah

April 6, 2026
0

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta XFS Mudane Cabdulkadir Cali ayaa shir guddoomiyay kulan muhiim ah oo...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In