Tuesday, December 23, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Horjoogayaashii Khawaarijta oo Ceelbuur isaga baxay

caqiil by caqiil
3 years ago
in Wararka
0
Horjoogayaashii Khawaarijta oo Ceelbuur isaga baxay
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wararka ay warbaahinta qaranka ka heleyso deegaanno ka tirsan degmada Ceelbuur ee gobolka Galguduud ayaa sheegaya in horjoogayaashii waa weynaa ee maleeshiyada kooxda Khawaarijta Al-shabaab ee ku sugnaa Ceelbuur iyo nawaaxigeeda ay isaga baxeen halkaas cabsi awgeed.

Wararka laga helayo degmada Ceelbuur ayaa intaas ku daraya in horjoogayaasha deegaanka ka soo jeeda ee maalmihii la soo dhaafay odayaasha dhaqanka kula kulmayay deegaanno hoostaga degmada Ceelbuur ee gobolka Galguduud gabi ahaanba faarujiyeen,iyaga oo aan la ogeyn halka ay qabteen.

Related posts

Wasiirro ka tirsan xukuumadda oo kormeeray degmooyinka gobolka Banaadir oo kaarka codbixinta laga qaadanayo

Wasiirro ka tirsan xukuumadda oo kormeeray degmooyinka gobolka Banaadir oo kaarka codbixinta laga qaadanayo

December 23, 2025
Howlgal Lagu Dilay Horjoogayaal Ka Tirsan Khawaarijta oo Laga Fuliyay Shabeellaha Dhexe

Howlgal Lagu Dilay Horjoogayaal Ka Tirsan Khawaarijta oo Laga Fuliyay Shabeellaha Dhexe

December 22, 2025

Horjoogayaashan ayaa u faarujiyay Ceelbuur iyo nawaaxigeeda oo maalmihii u dambeeyay ku hadaaqayeen in ay ka difaacan karaan ciidamada qalabka sida iyo dadka deegaanka, kuwaas oo maalmihii u dambeeyay dhaq-dhaqaaq xooggan oo ku aadan sidii Khawaarijta looga saari lagaa Ceelbuur iyo deegaannada ku xeeran oo argagixisada ku sugneyd dhowr iyo tobankii Sano ee la soo dhaafay.

Quus goynta Khawaarijta Al-shabaab ee degmada Ceelbuur ayaa ka dambeysay ka dib markii, kooxdu ku hungowday dalab ay u gudbisay odayaasha dhaqanka ee ka soo jeeda Ceelbuur oo ku aadan in ay ku garab siyaan difaaca degmadaas, taas oo odayaasha dhaqanka si cad u diideen.

Dhowaan ayay ahayd markii, deegaanno dhowr ah oo hoostaga degmada Ceelbuur ee gobolka Galguduud, odayaash ku sugan ay Al-shabaab ka diideen in ay kala wareegaan hub ay argagixisadu doonesyay in ay odayaasha ku qaldaan.

Odayaasha dhaqanka ayaa kala dooradsiiyay Khawaarijta in ay ciidamada Dowladda ee ku soo wajahan ay isku dhiibaan ama ay isaga baxaan degmada, horjoogayaasha Al-shabaab ayaa gudaha degmada Ceelbuur kaga tegey dhallinyaro yar yar oo ay soo qaldeen.

Sidoo kale, wararka Ceelbuur laga helayo ayaa sheegaya in horjoogayaasha Khawaarijta Al-shabaab ee ku sugnaa halkaas, habeenadii la soo dhaafay ee isniintii iyo axaddii ay ka huleeleen degmadaas iyo deegaannada ku dhow dhow.

Balse, goobtaas waxaa ku sugan maleeshiyaad tiro badan oo deegaanka aan u dhalan, kuwaas oo badankood ka soo jeeda gobollada kale ee koonfurta Soomaaliya.

Tallaabadani waxay muujineysaa in gabi ahaanba meesha ka baxday rejadii Al-shabaab ee ahayd  in ay ku sii sugnaadaan degmada Ceelbuur iyo deegaannada ku xeeran oo ka dagaallamaan.

Sidan oo kale, ayay Khawaarijta Al-shabaab u soo baneeyeen deegaanno iyo degmooyin ka tirsan gobollada dhexe ee dalka, ka hor inta aysan gaarin ciidamada qaranka iyo xoogagga dadweynaha ee caawinaya.

Waxaa la xusuusataa in maleeshiyada Al-shabaab ay beenneeyeen degmada Xarardheere iyo Galcad oo ka tirsan Galmudug, kuwaas oo si dhib la’aan ah ay kula wareegaan geesiyaasha qaranka iyo dadka deegaanka oo iskaashanaya, waxaanna hadda deegaannadaas laga dareemaya nabad iyo horumar.

Maleeshiyada kooxda Al-shabaab ayaa bilihii la soo dhaafay lumiyay deegaanno iyo degmooyin ka badan kontan,kuwaas oo dhaca koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya oo muddo dhowr iyo toban Sano ahdadka ay xoog ku hayseen.

 

Previous Post

Madaxweynaha Jamhuuriyadda oo booqasho rasmi ah uga bilaabatay dalka Qatar “SAWIRRO”

Next Post

Ciidanka ammaanka oo gacanta ku soo dhigay dad ka Ganacsanayay Maandooriye

Next Post
Ciidanka ammaanka oo gacanta ku soo dhigay dad ka Ganacsanayay Maandooriye

Ciidanka ammaanka oo gacanta ku soo dhigay dad ka Ganacsanayay Maandooriye

Wasiirro ka tirsan xukuumadda oo kormeeray degmooyinka gobolka Banaadir oo kaarka codbixinta laga qaadanayo

Wasiirro ka tirsan xukuumadda oo kormeeray degmooyinka gobolka Banaadir oo kaarka codbixinta laga qaadanayo

December 23, 2025
0

Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Maxamed Faarax Nuux; Wasiirka Qorsheynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha XFS mudane...

Howlgal Lagu Dilay Horjoogayaal Ka Tirsan Khawaarijta oo Laga Fuliyay Shabeellaha Dhexe

Howlgal Lagu Dilay Horjoogayaal Ka Tirsan Khawaarijta oo Laga Fuliyay Shabeellaha Dhexe

December 22, 2025
0

Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa 21-kii Diseembar 2025 fuliyay howlgal qorsheysan oo ka dhan ah khawaarijta, kaas oo ka dhacay...

Wafdi uu hoggaaminayo Madaxweynaha Koonfur Galbeed oo gaaray Degmada Xudur ee Gobolka Bakool

Wafdi uu hoggaaminayo Madaxweynaha Koonfur Galbeed oo gaaray Degmada Xudur ee Gobolka Bakool

December 22, 2025
0

Madaxweynaha Dowladda Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya, Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen, iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta si diirran loogu...

Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya oo Qaahira kula kulmay dhiggiisa Masar si loo xoojiyo iskaashiga labada dal

Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya oo Qaahira kula kulmay dhiggiisa Masar si loo xoojiyo iskaashiga labada dal

December 22, 2025
0

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdisalaan Cabdi Cali, ayaa kulan doceed kula yeeshay...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In