Monday, February 23, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Horjooge ka tirsanaa Khawaarijta oo isku soo dhiibay Ciidamada Daraawiishta Galmudug.

Fardowso Xasan by Fardowso Xasan
4 weeks ago
in Wararka
0
Horjooge ka tirsanaa Khawaarijta oo isku soo dhiibay Ciidamada Daraawiishta Galmudug.
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Horjooge Cabdiraxmaan Talxo Shuuke, oo ka tirsanaa maleeshiyaadka Khawaarijta, ayaa maanta isku dhiibay Ciidamada Daraawiishta Galmudug, gaar ahaan ururka Galayr ee ilaalada Madaxtooyada Galmudug, kuwaas oo maalmahan waday howlgallo ka dhan ah Khawaarijta.

Isdhiibidda horjoogahan ayaa ka dhacday aagga deegaannada Labadulle iyo Ceelahelay, halkaas oo ay ciidamada Daraawiishtu ka wadeen howlgallo amni oo lagu baacsanayo maleeshiyaadka Khawaarijta.

Related posts

Tartamayaasha Gubadleey oo caawa u gudbay wareegga Labaad ee tartanka “SAWIRRO”

Tartamayaasha Gubadleey oo caawa u gudbay wareegga Labaad ee tartanka “SAWIRRO”

February 23, 2026
Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo qaabilay Wasiirka Ganacsiga XFS

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo qaabilay Wasiirka Ganacsiga XFS

February 22, 2026

Horjooge Cabdiraxmaan ayaa sheegay inuu ahaa horjoogihii maleeshiyaadka ay Khawaarijtu ugu yeeraan Jabhadda ee gobolka Galgaduud, isla markaana uu ka yimid dhanka Ceelgaras, isagoo watay qori iyo boosh.

Sidoo kale, horjoogahan ayaa saraakiisha Ciidamada uu isku soo dhiibay u sheegay in maleeshiyaadka Khawaarijta ay haatan ku sugan yihiin xaalad kala firxad iyo jahawareer ah, kadib markii ay ku jabeen howlgallada ballaaran ee ay Ciidamada Qaranka Soomaaliyeed ka wadaan deegaanno badan oo dalka ka mid ah, kuwaas oo ay barbar socdaan duqeymo culus oo cirka iyo dhulka ah.

Previous Post

Soomaaliya oo Golaha Ammaanka ku hoggaaminaysa xal u helidda qalalaasaha Bariga Dhexe.

Next Post

Wasiirka Waxbarashada XFS oo wadahadalo Caalami ah kaga qaybgalay magaalada Nairobi.

Next Post
Wasiirka Waxbarashada XFS oo wadahadalo Caalami ah kaga qaybgalay magaalada Nairobi.

Wasiirka Waxbarashada XFS oo wadahadalo Caalami ah kaga qaybgalay magaalada Nairobi.

Tartamayaasha Gubadleey oo caawa u gudbay wareegga Labaad ee tartanka “SAWIRRO”

Tartamayaasha Gubadleey oo caawa u gudbay wareegga Labaad ee tartanka “SAWIRRO”

February 23, 2026
0

Tartan cilmiyeedka bisha Ramadaan oo galay sanadkii Lix iyo tobnaad oo ay qabaneyso Warbaahinta Qaranka, isla markaana si toos ah...

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo qaabilay Wasiirka Ganacsiga XFS

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo qaabilay Wasiirka Ganacsiga XFS

February 22, 2026
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka (SoDMA), Mudane Maxamuud Macalin Cabdulle, ayaa xarunta hay’adda ku qaabbilay Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha, Mudane...

Senator Xasan Kobac oo markale biyo dhaamin u sameeyay qoysas danyar ah

Senator Xasan Kobac oo markale biyo dhaamin u sameeyay qoysas danyar ah

February 22, 2026
0

Hey'adda Xasan Kobac Foundation oo wakiil ka ah Sanator Xasan Kobac ayaa maanta Deeganka Maroodile Ka daah durtay Wajiga Labaad...

Soomaaliya oo hambalyo u dirtay Boqortooyada Sacuudiga

Soomaaliya oo hambalyo u dirtay Boqortooyada Sacuudiga

February 22, 2026
0

Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxay si diirran ugu hambalyaynaysaa Boqortooyada Sacuudi Carabiya aan walaalaha nahay munaasabadda Maalinta Aasaaska, taas oo calaamad...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In