Saturday, January 17, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Horjoogihii Al-shabaab u qaabilsanaa Canshuuraha Jannaale oo gacanta lagu dhigay

Liibaan Lugcad by Liibaan Lugcad
6 years ago
in Wararka
0
Horjoogihii Al-shabaab u qaabilsanaa Canshuuraha Jannaale oo gacanta lagu dhigay
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Ciidanka Xoogga dalka oo howlgal ay ka sameeyeen degaanka Jannaale ayaa gacanta Ku soo dhigay qabtay horjoogihii Canshuuraha maleeshiyaadka Al-shabaab ee Shabeelada hoose, Maxamuud Yuusuf Mansuur,howlgallo baaritaanno ah oo ay degaanka Jannaale iyo nawaaxigiisa ka sameeyeen Ciidamadda Danab ee xoogga dalka ayaa waxay ku soo qabteen horjoogahaasi maleeshiyaadka al-shabaab u qaabilsanaa lacagaha baadda ah oo ay ka qaadaan dadka masaakiinta ah ee gobolka Shabeelada hoose iyo 7-maleeshiyaad ah oo la socday, oo hadda ay ku socdaan baaritaanno

Taliyaha ciidanka dhulka Xoogga dalka Soomaaliyeed S/guuto Cabdi-xamiid Maxamed Dirir oo la hadlay Idaacadda Ciidamadda Qalabka Sida ayaa sheegay in ciidanka xoogga dalka Jannaale iyo degaannada hoos yimaada ay ka wadaan howlgallo baaritaanno ah oo ay ku xaqiijinayaan amaanka,taasi oo suuragalisay in gacanta lagu soo dhigo horjooge Maxamed Yuusuf Mansuur oo ahaa madaxii lacagaha canshuuraha ah ee gobolka Shabelaha hoose ka qaadi jireen maleeshiyaadka argagixisada al-shabaab.

Related posts

Wasiirka Shaqada iyo Shaqaalaha XFS oo la kulmay Wasiirka Qoyska iyo Arrimaha Bulshada Turkiga

Wasiirka Shaqada iyo Shaqaalaha XFS oo la kulmay Wasiirka Qoyska iyo Arrimaha Bulshada Turkiga

January 17, 2026
Dowladda Koonfurta Suudaan oo si weyn u taageertay Dowladda Soomaaliya

Dowladda Koonfurta Suudaan oo si weyn u taageertay Dowladda Soomaaliya

January 17, 2026

Howgalka lagu soo qabtay horjoogahaani iyo maleeshiyaadka las ocday ayaa waxaa fuliyay ciidamadda Dana bee xoogga dalka Soomaaliya oo muddooyinkaan danbe waday dadaal geesinnimo leh oo ay dalka kaga xoraynayaan kooxaha nabad-diidka ah meel kasta ay dalka kaga sugan yihiin,

Previous Post

Shir Deg Deg oo looga hadlayo Caabuqa Covid-19 oo ka socda Magaalada Dhuusamareeb+Sawirro

Next Post

Dowladda Soomaaliya oo War ka soo saartay Hawl-gal lagu khaarajiyay Maleeshiyaad ka tirsan Al-shabaab

Next Post
Dowladda Soomaaliya oo War ka soo  saartay Hawl-gal lagu khaarajiyay Maleeshiyaad ka tirsan Al-shabaab

Dowladda Soomaaliya oo War ka soo saartay Hawl-gal lagu khaarajiyay Maleeshiyaad ka tirsan Al-shabaab

Wasiirka Shaqada iyo Shaqaalaha XFS oo la kulmay Wasiirka Qoyska iyo Arrimaha Bulshada Turkiga

Wasiirka Shaqada iyo Shaqaalaha XFS oo la kulmay Wasiirka Qoyska iyo Arrimaha Bulshada Turkiga

January 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO(TURKY):-Wasiirka Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada ee JFS, Mudane Prof. Salim Aliyoow Ibro, ayaa kulan laba geesood ah la...

Dowladda Koonfurta Suudaan oo si weyn u taageertay Dowladda Soomaaliya

Dowladda Koonfurta Suudaan oo si weyn u taageertay Dowladda Soomaaliya

January 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO(SOUTH SUDAN):-Dowladda Jamhuuriyadda Suudaanta Koonfureed ayaa si rasmi ah u muujisay taageero buuxda oo ay u hayso mowqifyada Midowga...

Madaxweynaha JFS oo magaalada Laascaanood ku qaabilay wafdi ballaaran oo ka socda dalka Jabuuti

Madaxweynaha JFS oo magaalada Laascaanood ku qaabilay wafdi ballaaran oo ka socda dalka Jabuuti

January 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO(LAASCAANOOD):-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa hoyga uu ka degan yahay magaalada Laasacaanood ku qaabilay, wafdi...

Bannaan bax lagu taageerayo midnimada Soomaaliya oo xalay gil-gilay magaalada Laascaanood

Bannaan bax lagu taageerayo midnimada Soomaaliya oo xalay gil-gilay magaalada Laascaanood

January 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO(LAASCAANOOD):-Magaalada Laascaanood ee xarunta Waqooyi Bari Soomaaliya waxaa caawa ka dhacay banaanbax weyn oo lagu taageeray midnimada iyo wadajirka...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In