Friday, March 27, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Howlgal qorsheysan oo lagu dilay inkabadan 60 khawaarij ah (War-saxaafadeed).

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
2 years ago
in Wararka
0
Howlgal qorsheysan oo lagu dilay inkabadan 60 khawaarij ah (War-saxaafadeed).
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Warsaxaafadeed ka soobaxay wasaaradda Warfaafinta Dhaqanka iyo Dalxiiska Soomaaliya ayaa faah-faahin dheeri ah looga bixiyay howgalkii ka dhacay gobolka Hiiraan ee lagu dilay Khawaarijta badan.

“In ka badan 60 ka tirsan Khawaarijta ayaa lagu dilay howlgal ay iska kaashadeen Ciidanka Qaranka iyo saaxiibada caalamiga ah oo ka dhacay Tuulada Hilow Bacaad oo sideed kilo mitir dhinaca Koonfur Galbeed ka xigta deegaanka Halgan ee gobolka Hiiraan” ayuu lagu yiri qoraalka ka soo wasaaradda.

Related posts

Xulka Kubadda Cagta Soomaaliya oo galabta la ciyaari doona Mauritius+Sawirro

Xulka Kubadda Cagta Soomaaliya oo galabta la ciyaari doona Mauritius+Sawirro

March 27, 2026
“Haa waan joojin karnaa” oo halkudhig looga dhigay xuska sanadkaan ee Maalinta Qaaxada Dunida

“Haa waan joojin karnaa” oo halkudhig looga dhigay xuska sanadkaan ee Maalinta Qaaxada Dunida

March 27, 2026

Wasaaradda ayaa sheegtay in howlgalkaan lagu beegsaday horjoogayaal iyo maleeshiyaad Khawaarij ah oo isku aruursanayey Tuuladaan isla markaana isku diyaarinayay inay u gudbaan qeybo ka mid ah bartamaha Soomaaliya.

“Ciidanka Qaranka iyo Saaxiibada Caalamka ayaa sidoo kale burburiyay Saanado Ciidan iyo Gaari Dameero ay ku wadeen Hub iyo waxyaabaha Qarxa”. Ayuu lagu daray qoraalka wasaaradda Warfaafinta.

Dhanka kale, Ciidanka Qaranka iyo Geesiyaasha dadka deegaanka ayaa hadda wada howlgal ay ku baadi goobayaan Khawaarij baxsad ah kuwaasi oo ka bad-baaday howlgalka ka dhacay Tuulada Hilow Bacaad.

Dowladda Soomaaliya oo kaashanaysa Shacabkeeda iyo Saaxiibada Caalamka ayaa waxaa ka go’an dhamaystirka howlgalka Ciribtirka Khawaarijta kaas oo hadda laga gaaray Guulo badan.

Previous Post

Hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliyeed oo wareejisay gaari loogu talagalay garoonka diyaaradaha Baladweyne

Next Post

Qaadista cuno qabataynta hubka waxay fursad u tahay dib u xoraynta dalka

Next Post
Qaadista cuno qabataynta hubka waxay fursad u tahay dib u xoraynta dalka

Qaadista cuno qabataynta hubka waxay fursad u tahay dib u xoraynta dalka

Xulka Kubadda Cagta Soomaaliya oo galabta la ciyaari doona Mauritius+Sawirro

Xulka Kubadda Cagta Soomaaliya oo galabta la ciyaari doona Mauritius+Sawirro

March 27, 2026
0

Xiddigaha Xulka Qaranka Soomaaliya ee Kubadda Cagta ayaa diyaar garowgii ugu dambeeyay ugu jira kulan muhiim ah oo ay galabta...

“Haa waan joojin karnaa” oo halkudhig looga dhigay xuska sanadkaan ee Maalinta Qaaxada Dunida

“Haa waan joojin karnaa” oo halkudhig looga dhigay xuska sanadkaan ee Maalinta Qaaxada Dunida

March 27, 2026
0

Mas’uuliyiin ka socday Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada  XFS,Ururka Dhaqaatirta iyo marti sharaf kale ayaa ka qeybgalay munaasabad loogu talagalay...

NISA oo gacanta ku dhigtay xubno u hoggaansamay baadda Khawaarijta

Ciidanka Hay’adda NISA oo howlgal qorsheysan ku dilay horjoogayaal ka tirsan Khawaarijta

March 26, 2026
0

Ciidanka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA), oo kaashanaya saaxiibada caalamka ayaa howlgallo qorsheysan, oo lagu dilay Horjoogihii isku xirka...

Wasiirka Ganacsiga XFS oo shir muhiim ah uga qeybgalay dalka Cameroon

Wasiirka Ganacsiga XFS oo shir muhiim ah uga qeybgalay dalka Cameroon

March 26, 2026
0

Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, Mudane Jamaal Maxamed Xasan, ayaa ka qeyb galay Shirweynaha 14aad ee Wasiirrada ee...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In