Friday, March 13, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Howlgallo lagu soo qabtay tiro dad ah oo laga sameeyay Degmooyinka Xamarweyne iyo Warta Nabadda “SAWIRRO”

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
11 years ago
in Wararka
0
Howlgallo lagu soo qabtay tiro dad ah oo laga sameeyay Degmooyinka Xamarweyne iyo Warta Nabadda “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Howlgalkan oo ay si wada jir ah xaafado ka tirsan degmada Xamar Weyne ugu fuliyeen ciidanka booliska iyo kuwa Nabadgelyada Midowga Afrika ee AMISOM ayaa lagu soo qab qabtay tiro dad ah oo qaarkood looga shakisanyahay inay katirsan yihiin maleeshiyada Al-shabaab, kuwaasi oo ay ku socoto baaritaanno dheeraad ah.

Ciidamada ayaa intii ay howlgallada ku guda jireen xaafadaha degmada Xamarweyne ay guri guri u baarayeen xaafadaha, halka sidoo kale meheradaha ganacsiga baaritaanno lagu sameeyay, waxaana tirada dadka lagu soo qabtay ay gaarayaan ku dhawaad afar boqol oo qof.

Related posts

Tartamayaasha Gubadley oo soo tiigsaday wareegga afar dhamaadka ee tartanka “SAWIRRO”

Tartamayaasha Gubadley oo soo tiigsaday wareegga afar dhamaadka ee tartanka “SAWIRRO”

March 13, 2026
Tartamayaasha Kaaraan oo caawa u gudbay wareegga afar dhamaadka ee tartanka “SAWIRRO”

Tartamayaasha Kaaraan oo caawa u gudbay wareegga afar dhamaadka ee tartanka “SAWIRRO”

March 12, 2026

Taliyaha Saldhigga Degmada Xamarweyne Gaashaanle sare Maxamed Maxamuud Garaar oo Warbaahinta la hadlay ayaa ka warbixiyay sida wada jir ah ay u fuliyeen howlgallada lagu soo qabta qabtay tiro dad ah, oo uu ku sheegay inay baaritaanno ku sameeyaan.

Guddoomiyaha Degmada Xamar weyne Cabdiqaadir Maxamed Cabdiqaadir oo isna lahadlay Warbaahinta ayaa sheegay in howlgalladan looga golleeyahay xaqiijinta degmada, isagoo shacabka ka codsaday inay ciidanka amniga gacan ku siiyaan xoojinta amniga iyo ka hortagga falalka ka dhanka ah amniga.

Dhanka kale howlgallo kuwan la mid ah oo lagu xaqiijinayay amniga xaafadaha degmada Warta Nabadda ayaa laga sameeyay xaafadaha degmadaasi, kuwaasi oo lagu soo qab qabtay tiro dad ah oo looga shakisanyahay inay ka tirsanyihiin maleeshiyada Al-Shabaab.

Saraakiisha amniga ee howlgalka hogaamineysay ayaa sheegay in ay wadaan baaritaanno lagu kala saarayo dadkii howlgalka lagu soo qabtay.

DSC05000

DSC05012

DSC05013

DSC05026

DSC05027

DSC05031

DSC05039

DSC05047

DSC05049

Previous Post

Sanad guuradii 50 aad ee aas aaska Ciidanka Badda oo maanta lagu qabtay Muqdisho”sawiro”

Next Post

Magaalada Xudur oo ka soo kabanaysa dhibaatooyinkii Al-shabaab u geysteen” Sawiro”

Next Post
Magaalada Xudur oo ka soo kabanaysa dhibaatooyinkii Al-shabaab u geysteen” Sawiro”

Magaalada Xudur oo ka soo kabanaysa dhibaatooyinkii Al-shabaab u geysteen” Sawiro”

Tartamayaasha Gubadley oo soo tiigsaday wareegga afar dhamaadka ee tartanka “SAWIRRO”

Tartamayaasha Gubadley oo soo tiigsaday wareegga afar dhamaadka ee tartanka “SAWIRRO”

March 13, 2026
0

Tartan cilmiyeedka bisha Ramadaan oo galay sanadkii Lix iyo tobnaad oo ay qabaneyso Warbaahinta Qaranka, isla markaana si toos ah...

Tartamayaasha Kaaraan oo caawa u gudbay wareegga afar dhamaadka ee tartanka “SAWIRRO”

Tartamayaasha Kaaraan oo caawa u gudbay wareegga afar dhamaadka ee tartanka “SAWIRRO”

March 12, 2026
0

Tartan cilmiyeedka bisha Ramadaan oo galay sanadkii Lix iyo tobnaad oo ay qabaneyso Warbaahinta Qaranka, isla markaana si toos ah...

Ciidanka Xoogga oo howlgallo ka fuliyay Gobolka Shabeellaha Dhexe

Ciidanka Xoogga oo howlgallo ka fuliyay Gobolka Shabeellaha Dhexe

March 12, 2026
0

Ciidanka Xoogga Dalka gaar ahaan Ururka 171aad Guutada 17aad Qeybta 1aad ee Kumaanooska Gorgor ayaa howlgallo qorsheysan Ka fuliyay Koonfurta...

Wasiirka Isgaarsiinta XFS oo soo xiray Madasha Bandhigga Sahanka Qiimeynta Heerka U-Diyaargarowga Dhijitaalka

Wasiirka Isgaarsiinta XFS oo soo xiray Madasha Bandhigga Sahanka Qiimeynta Heerka U-Diyaargarowga Dhijitaalka

March 12, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda isgaarsiinta iyo teknolojiyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Soomaali , ayaa maanta magaalada Muqdisho kusoo xiray Madasha Bandhigga...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In