Telefishinka Qaranka Iiraan ayaa shaaciyay in musharax Ibraahim Ra’iisi uu guul ka gaaray doorashadii madaxtinimada ee shalay ka qabsoontay dalkaasi Iiraan.
Wararka hordhaca ah ayaa sheegay in Ra’iisi uu helay Codad gaaraya 62%, taasi oo u dhiganta in uu helay codadka 17.8 milyan oo cod bixiye.
Doorashada oo kolkii hore loo diwaan galiyay in codkooda ay ka dhiibtaan dad gaaraya 59 milyan oo codbixiye ayaan suura galin, sida la xaqiijiyay 28 milyan oo cod bixiye ayaa ka qeybqaatay doorashooyinka guud ee Iiraan.
Xasan Ruxaani ayaa subaxnimadii hore ee saakay ku dhawaaqay in wareegii koowaad ee doorashadii la qabtay jimcihii ay horseeday doorashada madaxweyne cusub, oo aan magaciisa la shaacin.
Natiijooyinka hordhaca ah ayaa muujinaya farqi weyn oo u dhexeeya Ibraahim Ra’iisi iyo musharixiinta kale ee la tartameysay.
Dadka ka faallooda arrimaha Iiraan ayaa sheegaya in Ra’iisi oo horay u ahaa garsoore xagjir ah uu u muuqdo mid lagu cabsigalinayo Washington oo horay ugu soo rogtay Xaayiraad kadib markii lagu eedeeyay xadgudubyo ka dhan ah xuquuqul insaanka, oo ay ka mid aheyeen dilalka maxaabiis siyaasadeed intii uu hayay xilka madaxa garsoorka Iiraan.