Sunday, April 5, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

IGAD oo soo dhaweysay heshiiskii xalay Muqdisho lagu gaaray.

Ali Abdirahman by Ali Abdirahman
5 years ago
in Wararka
0
IGAD welcomes government efforts to integrate Ahlu sunna forces into somali national forces
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

War qoraal ah oo ka soo baxay Urur Goboleedka IGAD ayaa si diiran loogu soo dhaweeyay heshiiskii xalay magaalada Muqdisho ku wada gaareen xukuumadda  Soomaaliya iyo Midowga Murashaxiinta madaxtinimada dalka.

“IGAD waxay si diiran u soo dhoweynaysaa heshiiskii ay wada  gaareen Xukuumadda Soomaaliya iyo Midowga Murashaxiinta madaxtinimada, run ahaantii waa qorshe Soomaalidu leedahay ayna hogaaminayso kaas oo khuseeya arrimo badan oo  ay kamid yihiin; bad-qabka bulshada, nabad geliyadda iyo xuquuqda ay u leeyihiin in ay si nabad ah u muujiyaan dareenkooda iyo in ay banaan baxaan,” ayaa lagu yiri qoraalka.

Related posts

Wasiirka Wasaaradda Qoyska XFS oo Baydhabo kula kulantay Ururrada Haweenka

Wasiirka Wasaaradda Qoyska XFS oo Baydhabo kula kulantay Ururrada Haweenka

April 4, 2026
Taliyaha Ciidanka Dhulka ee XDS oo la kulmay dhiggiisa Dalka Turkiga

Taliyaha Ciidanka Dhulka ee XDS oo la kulmay dhiggiisa Dalka Turkiga

April 4, 2026

IGAD waxay aaminsan tahay in wadahadalka uu yahay sida keliya oo lagu xaqiijin karo in la qabto doorasho xor iyo xalaal ah, IGAD waxay u mahad celinaysaa, ra’isul wasaare Maxamed Xuseen Rooble, madaxweyniyaasha Galmudug, Hirshabeele, guddoomiyaha gobolka Banaadir iyo Midowga Murashaxiinta kaalinta ay ka qaateen in heshiis la gaaro.

Urur Goboleedka IGAD ayaa sidoo kale, hogaamiyeyaasha Soomaalida ku boorisay in ay la yimaadaan niyad sami si looga gudbo caqabadaha taagan isla markaana isu tanaasul iyo is qancin lagu dhaqaaqo.

Ugu dambeyn, IGAD ayaa dhammaan dhinacyada waxay ugu baaqaysaa in ay taageeraan talaabada wanaagsan oo ay qaateen hogaamiyeyaasha si loo adkeeyo ammaanka, xasiloonida iyo balan qaadyada wadanka u horseedayo barwaaqo, ayaa lagu soo gunaanaday war saxaafadeedka Urur Goboleedka IGAD.

 

 

Previous Post

Akhriso Khudbadihii laga jeediyay shirkii dowladda Federaalka iyo Midowga Murashixiinta “SAWIRRO”

Next Post

Qaramada Midoobay oo soo dhaweysay heshiiskii xalay

Next Post
Qaramada Midoobay oo soo dhaweysay heshiiskii xalay

Qaramada Midoobay oo soo dhaweysay heshiiskii xalay

Wasiirka Wasaaradda Qoyska XFS oo Baydhabo kula kulantay Ururrada Haweenka

Wasiirka Wasaaradda Qoyska XFS oo Baydhabo kula kulantay Ururrada Haweenka

April 4, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Qoyska iyo Hormarinta Xuquuqul Insaanka XFS Amb Khadiija Maxamed Al-Makhzoumi ayaa magaalada Baydhabo kulan kula qaadatay ururrada Haweenka,...

Taliyaha Ciidanka Dhulka ee XDS oo la kulmay dhiggiisa Dalka Turkiga

Taliyaha Ciidanka Dhulka ee XDS oo la kulmay dhiggiisa Dalka Turkiga

April 4, 2026
0

Taliyaha Ciidanka Dhulka ee Xoogga Dalka Jeneraal Sahal Cabdullaahi Cumar ayaa kulan muhiim ah la-qaatay dhiggiisa, Taliyaha Ciidanka Dhulka ee...

Hay’adda SoDMA oo deeq raashin ku wareejisay Maamulka Isbitaalka Benaadir

Hay’adda SoDMA oo deeq raashin ku wareejisay Maamulka Isbitaalka Benaadir

April 4, 2026
0

Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), oo kaashaneysa shirkadda Somali Fuel Company (SFC), ayaa maanta deeq raashin ah ku wareejisay...

Xarunta Shaybaarka Biyaha ee Gobolka Banaadir oo la daahfuray

Xarunta Shaybaarka Biyaha ee Gobolka Banaadir oo la daahfuray

April 4, 2026
0

Guddoomiye Ku-xigeenka Maamulka iyo Maaliyadda Maamulka Gobolka Banaadir, Mudane Ciise Maxamuud Guure ayaa ka qaybgalay munaasababad lagu daahfurayay Xarunta Shaybaarka...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In